Wakhtiga firaaqada

Wakhtiga firaaqadu waa muhiim Iswiidhan, dad badanina waxa ay sameeyaan hawl-qabadyo kala duwan marka aanay iskuul ku jirin ama shaqaynahayn. Haddii aad leedahay wax aad si gaar ah u xiisayso wakhtiyada fasaxa, waxa aad fursad u leedahay in aad abuurto shabakad weyn iyo in aaad xiriiryo badan ka samaysato bulshada reer Iswiidhan.  Qofkaaga ku cusub waddanka, wakhtiga firaaqadu waa hab aad ku heli karto asxaab cusub oo aad dhakhso ugu baran karto afka Iswiidhishka.

Xuquuq la wada leeyahay

Iswiidhan waxa ka jira wax lagu magacaabo xuquuq la wada leeyahay (allemansrätt). Wuxu dadkoo dhan xaq u siinayaa inay si xor ah ugu tamashleeyaan dabiicadda, xiitaa dhul dadka kale leeyihiin. Isla markaa xuquuqda la wada leeyahay macneheedu wxa weeye in taxadar iyo ixtiraam loo muujiyo dabiicadda. Xuquuqda la wada leeyahay waxay ku qorantahahy mid ka mid ah afarta aasaas-sharciyeed ee Iswiidhan, waxanay go´aaminayaan waxa laguu ogolyahay iyo waxa aan laguu ogolayn.

Nolosha ururada

Iswiidhan waxa ka jira xorriyadda ururada. Waa qayb muhiim ah oo ka mid ah bulshada dimuqoraaddiga ah. Xorriyadda ururada macneheedu waxa weeye  xaq u lahaanshaha in urur la dhisto. Koox dad ah oo wax wada xiiseeya ama meel ka soo wada jeeda waxay wada dhisan karaan urur. Waxa jira ururo fara badan, sida ururada isboortiga, ururada dhaqanka iyo muusigga, iyo ururada diiniga ah. 

Dad badan oo Iswiidhan ayaa ururo ku jira. Dad fara badan oo Iswiidhish ah ayaa ururo badan ku jira.

Carruurta iyo dhalinyarada

Degmooyinka waxa ka jira caadi ahaan goobo wakhtiga firaaqada ay ku baashaalaan dhalinyarada iskuulladu. Goobta wakhtiga firaaqada waxay dhalinyaradu kula kulmi karaa asxaab. Waxa kale oo la abaabulaa koorsooyin ay ku baran karaan ciyaarta muusigga, tiyaatarka ama in ay qoob ka cayaarka bartaan. La xiriir  degmadaada si aad u ogaato waxa jira ama ka sii akhri boggooda internetka.

Ururada isboortigu muhiim ayey u yihiin carruur iyo dhalinyaro  badan. Degmadu waxay badiyaaba hayaan liiska ururada ka jira degmada.