Muusiig, tiyaatar, farshaxan iyo buugaagta ayaa ah tusaalaha dhaqanka, badiyaa waxa degmada ka jira shaneemooyin, iyo tiyaatarro.
Maktabad
Degmo kastaa waxa ay leedahay maktabad. Halkaas waxad ka amaanaysan kartaa buugaag ilaa afar wiig si bilaash ah. Waxa kale oo aad maktabadda ka akhrisan kartaa joornaalada maalinlaha ah iyo majaladaha.
Hidde-dhaqameedyada iyo ciidaha
Hidde-dhaqameed waa wax la caadaysto oo weligii la samayn jiray. Ciid waa dhacdo muhimad gaar ah leh oo badiyaaba loo dabbaaldego, tusaale ahaan xuska dhimashada Nebi Ciise (Påsk). Hidde-dhaqameedyo iyo xusas badan oo Iswiidhan looga dabbaaldego waxay ka soo jeedaan xagga diinta. Qaybo hidde-dhaqameedyada ka mid ahi waxay ku sal leeyihiin kiristaanka. Qaybo kale waxay ka soo jeedaan wakhtiyadii ay dadka Iswiidhan lahaayeen ilaahyo badan sida Tor iyo Oden. Wakhtigan xaadirka ah hidde-dhaqameedyada iyo xusaska diimeed waxay yihiin fasaxyada lagula kulmo ehelkaiyo asxaabta.
Habeenka sanadka cusub, xuska dhimashada Nebi Ciise (påsk), xuska 1 may, habeenka bartamaha xagaaga (middsommar) iyo kirismas-ku waa qaar ka mid ah ciidaha looga dabbaaldego Iswiidhan. Markaa dadka intooda badani waxay fasax ka yihiin shaqooyinkooda.
Kiniisad ku gardaadinta, arooska, maalmaha dhalashada iyo aasku waa munaasabado la weyneeyo inta la noolyahay.