Katrineholm

Degmada Katrineholm waa degmo dhexdhexaad ah waxeeyna ku taal meel istaraatiiji ah. Xuduud 15 mayl gudaheed ah ayeey degmadu waxeey gaartaa dadka iswiidhan oo dhan markii saddax loo qeybiyo hal qeyb. Degmada Katrineholm firfircoonideeda darteed waxeey sababtay in eey sameeysmaan shirdado, horumar dhinaca waxbarashada ah iyo shirkadaha. Horumarkaas waxuu billowday markii la dhisay jidka tareenka eey degmadu leedahay sanadkii 1862. Hadda waxaa socda dhisitaanka xaafad cusub (det nya Katrineholm) Katrineholm ta cusub, oo noqon doonto xaafad warshadeed leh guryaheedii iyo adeegeeda kale, qeyb kamid ah xaafada oo daris la noqoneysa Stockholm oo iyadu aan aad uga dheereyn Katrineholm. Sanadadii ugu dambeeyay aad beey kor ugu qaadmeen dadka soo dagaya magaalada iyo shirkadahaba. Degmada oo leh waxyaabaha dabiiciga ah oo dhan sida balliyada iyo dhirta ayaa keeneysa in tayada ku noolaanshaheedu uu sarreeyo.

Soo bandhigid

Katrineholm centrum
Suuqa ganacsiga ee Katrineholm - Foto: Hanna Maxstad

Deegaan

Ma rabtaa guri aad kireysatid? Ama guri aad gadatid? Degmadu waxeey leedahay shirkado badan oo kuwa guryaha ah, waxeeyna macaamiishooda diyaar ula yihiin guryo nuuc kala duwan leh; waxaa jira guryo ku yaal bartamaha degmada iyo kuwo ku yaal tuulooyinka ku yaal hareeraha degmada sida  Bie, Sköldinge, Valla, Strångsjö, Julita/Äsköping, Björkvik och Forssjö.

Warbixin dheeraada waxaad ka heli kartaa degmada boggeeda internetka.

Boende
Foto: Hanna Maxstad

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Waxaa degmada looga hadlaa marka laga reebo luqadda iswiidhishka luqadaha kala ah, carabiga, af-soomaaliga, teeylaandees, tigreega, daari, albeeniyaan, iiraani, amaxaari, kurmaanji, ingiriis, fiinlaandees, faransiis iyo sawaaxili.

Bogga internetka ee degmada Katrineholm waxaa u badeli kartaa luqado kale adigoo isticmaalaya google translate (googlaha qeybtiisa fasiraada).

3. Språkgrupper_Hanna Maxstad.jpg
Foto: Hanna Maxstad

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Katrineholm waxaa ku yaal kaniisada Svenska kyrkan iyo kaniisado kale oo ah kuwa gaarka loo leeyahay. Waxaa kaloo degmada ka jira jaaliyado oo xataa leh kuwo dadka qaxootiga ah eey leeyihiin, kuwaasoo meherado kale duwan u sameeya dadka degmada xilliyada firaaqada. Jaaliyadaha ka dhisan degmada waxaad ka heli kartaa liiska jaaliyadaha ee degmada.

Kanotförening
Jaaliyada doomaha afka yaryar waxeey kamid tahay jaaliyadaha firfircoon ee degmada. Foto: Hanna Maxstad

Maxaa ka ag dhaw

Degmada Katrineholm waxeey ku taal bartamaha gobolka Sörmland. Degmadu waxeey leedahay dhul dabiici ah oo loo damaashaad tago, sida meelo lagu socdo oo eey naftu jeceshahay iyo meelo leh jidad loogu tala talay in lagu lugeeyo.

Degmadu waxeey kaloo leedahay meelaha farshaxanka iyo goobaha isboortiska. Mid ka mid ah goobaha ugu waaweyn ee isbootiska iswiidhan ayaa ku yaal degmada. Waa dhismo laagu tala galay in sanadka oo dhan lagu qabto 40 nuuc oo cayaaraha ibboortiska kala duwan.

Warbixin dheeraada waxaad ka heli kartaa degmada boggeeda internetka.

Degmada Katrineholm waxaa jira munaasabado badan oo laga qey gali karo. Warbixin dheeraada waxaad ka heli kartaa degmada boggeeda internetka.

Degmada boggeeda internetka ee dalxiiska waxaad ka heli kartaa meelaha dalxiiska iyo waxyaabaha laga qaban karo magaalada hadii aad u joogtid dalxiis ahaan. Waxaad booqan kartaa degmada xafiiskeeda qaabilsan arrimaheeda dalxiiska oo ku yaal xarunta tareenada.

Bartamaha degmada waxaa ku yaal adeega guud oo dhan sida isbitaal, rug caafimaad, maktabad, bangiyo, farmashiiye, shineemo, dukaamo gacan labaad, makhaayado, dukaamo cunto iyo meel caan ah oo lagu dabbaasho. Meelo badan sida maktabada Ängeln, gegida cayaaraha, darjiinnada degmada iyo goobaha dhalinyarada ee xilli firaaqeedka waxaa yaalla qalabka internetka ee WIFI-ga ah oo lacag la'aan ah.

Degmada waxaa u dhow magaalooyinka waaweyn ee dalka badankood. Magaalada stockhol hal saac oo tareen ah ayeey degmadu ujirtaa, Göteborg na waxeey u jirtaa ku dhowaad laba saac, Eskilstuna iyo Norrköping waxeey u jiraan 40 daqiiqo.

Café
Guriga hiddaha iyo dhaqanka ee Ängeln oo eey maktabad, farshaxan iyo biibito ku yaalliin. Foto: Kjell Pettersson

Guriga hiddaha iyo dhaqanka ee Ängeln waa good dadka oo dhan u furan yar iyo weyn, waxaana ku yaal meesha maktabad, meel farshaxan, biibito, xafiiska adeegga bulshada, xafiiska ceymiska dowladda iyo xafiiska cashuuraha.

Dalyeelka carruurta

Degmada Katrineholm waxaa ka jira 22 dugsiyada xannaanada carruurta oo kuwa dowladda ah iyo labo kuwa gaarka loo leeyahay ah. Warbixin ku saabsan dugsiyadaas waxaa lagu diyaariyay bogg internetka ah. Boggaan internetka ah waxaad ka heleysaa mucluumaad dheeraad ah oo ku saabsan dugsiyada xanaanada oo dhan.

Warbixin dheeraada oo ku saabsan sida loo helo warqadaha dalabka iskoollada iyo waxyaabaha la midka ah waxaad ka heli kartaa degmada boggeeda internetka.

Två
Foto: Hanna Maxstad

Dugsiyada hoosedhexe iyo sare

Degmada Katrineholm waxeey leedahay dugsiyada hoosedhexe oo gaaraya toboneeyo oo ku kala yaal xaafadaha Strångsjö, Valla, Bie, Julita, Björkvik, Sköldinge och Forssjö. Katrineholm waxeey kaloo leedahay dugsiyo hoosedhexe oo gaar loo leeyahay.

Degmada Katrineholm waxeey leedahay afar dugsiyada sare ah. Waxaana laga bartaa barnaamijyo kala duwan. Barnaamijyada qaar waa kuwo xirfadeed, qaarna waxeey waa kuwo aad ugu gudbi kartid heer jaamacadeed.

Degmada Katrineholm waxeey leedahay oo kale waxbarashada dadka waaweyn oo qeybo kala duwan leh.

Warbixin dheeraada waxaa lagu diyaariyay degmada boggeeda internetka ah.

7. Grund och gymnasieskolor_Hanna Maxstad.jpg
Foto: Hanna Maxstad

Furadaha waxbarasho

Degmada Katrineholm waxeey kuu heysaa waxbarasho dadka waaweyn oo laga barto xarunta Viadidakt. Viadidakt waa xarun loogu tala galay is dhexgalka dadka degmada, shaqo abuuris iyo waxbarashada dadka waaweyn ee degmada Katrineholm iyo Vinåker.

Warbixin ku saabsan mujtamaca oo loogu tala galay qaxootiga

Warbixin ku saabsan sida eey bulshada iswiidhishka u shaqeeyso oo loogu tala galay dadka soo galootiga ah ayaa jira.

Waxaa kaloo jira waxbarasho ku saabsan wadanka iswiidhan iyo sida uu u shaqeeyo loo loogu tala galay dadka qaxootig ah ayaa jira.

Waxbarasho luqadda iswiidhishka oo loogu tala galay qaxootiga

Waxbarasho (sfi) loogu tala galay dadka aan ku hadlin luqadaha iskandaneefiyaanka ah ayaa jira. Waxaa loogu tala galay qaxootiga.

Sfi waxaa xaq uleh qof kasta oo wadanka degan, buuxshayna 16 sano. Qofka dalbanaya waa inoosan waxba ka aqoon luqada iswiidhishka ah maadaama waxbarashadan loou tala galay dadka aan waxba ka aqoon iswiidhishka.

Qofka kasta waxuu xaq u leeyahay waxbarasho iyo gacan qabasho xagga barashada luqadda iyo shaqada ah, si uu bulshada usoo galo sida ugu dhaqsiyaha badan. Dhirarka waxbarashada waxuu ku xiranyahay waxa aad horay usoo baratay iyo maskaxdaada sida eey u fiicantahay.

SFi-kurs

Makhaayadda luqadda

Makhaayadda luqadda ee degmada waxaa loogu tala galay in baraktiko lagu sameeyo luqada iswiidhishka. Maktabada iyo Viadakt ayaa qabanqaabiyo meelahaas. Dadka qaxootiga ah ayaa meelahaas ku sameeyo baraktiko xagga luqadda ah. Waxeeyna iska bartaan dhaqamadooda kala duwan.

Filin ku saabsan makhaayada luqadda waxaad ka heli kartaa guriga hiddaha iyo dhaqanka.

Waxbarashada aasaaska ah ee dadka waaweyn

Waxbarashada aasaasiga ah ee dadka waaweyn waxaa loogu tala galay qofka da'diisu eey ka weyntahay 20 sano, oo aan soo baran waxa eey carruurta iyo dhalinyarada iskoolka lagu baro. Waxbarashada waa lacag la'aan qasabna ma'ah.

Adigaa go'aaminaya qaabka aad wax ubaraneysid iyo dhaqsida aad rabtid inaad ubaratid. Waxaad wax baran kartaa adigoo shaqeynaya ama baranaya waxyaabo kale. Dadka dhimirkoooda wax si ka yihiin waxeey Viadakt u heeysaa waxbarasho qaas u ah dadkaas.

Waxbarasho heer dugsi sare ah oo loogu tala galay dadka waaweyn

Waxbarasho heer dugsi sare ah oo loogu tala galay dadka waaweyn ayaa jirta. Waa haddii aad rabtid inaad heer jaamacadeed inaad gaartid iyo hadii shaqo eey kaaga xirantahay.

Jaamacad, machad iyo iskoollada xirfadaha

Fursado heer jaamacadeed ah ayaa ka jira Katrineholm. Viadakt waxuu wada shaqeyn la leeyahay jaamacado iyo machadyo fara badan. Taasna waxeey fududeeysay inaad waxbarasho nuucyo kala duwan leh aad ka baran kartid Katrineholm.

Lookallada ama dhismaha Viadakt

Haddii aad tahay arday jaamacadeed waxaad isticmaali kartaa lookallada Viadakt ee ku yaal Kullbergska Katrineholm.

Qololkooda iyo lookalladooda waxaa yaalla kombuyuutarro, internet, koobbi gareeye, fax, taleefan, meel cuntada lagu cuno, biibito aad ka gadan kartid shukulaato, shaah iyo kaffee.

Lookallada maalin walba weey furayihiin haduusan qof hore u qabsan.

Caafimaadka

Katrineholm waxaa ku yaal isbitaalka Kullbergska. Waxaa maamulkiisa haya xarunta caafimaadka ee gobolka Sörmland. Ila xaruntaas ayaa ka mas'uul ah saddaxda rug caafimaad oo eey degmadu leedahay.  Warbixin dheeraada oo ku saabsan isbitaalka, rugta caafimaadka, rugta daryeelka ilkaha iyo farmashiiyaha waxaa lagu diyaariyay degmada boggeeda internetka ah.

Hälsa och sjukvård i Katrineholm
Foto: Hanna Maxstad dhinaca bidix, Josefine Karlsson dhinaca midig.

Caawinaad turjubaan

Marka aad la kulmeeysid xafiisyada dowladda oo dhan iyo goobaha caafimaadka waxaa lagaa caawinayaa turjubaan. Inta aadan tagin ayaadna ogeysiineysaa inaad turjubaan ubaahantahay.

Xiriirka gaadiidka

Juquraafi ahaan degmada Katrineholm meel aad u fiican ayeey ku taal. Waxaa ku yaal waddooyinka eey ku kulmaan gaadiidyada usocda bariga iyo galbeedka dalka.  Xuduud 15 mayl gudaheed ah ayeey degmadu waxeey ujirtaa dadka iswiidhan oo dhan markii saddax loo qeybiyo hal qeyb. Tareenka Stockholm kasoo baxo waxuu ku joogaa Katrineholm saacad ka yar, Göteborg laba saac. Magaalooyinka kale oo uu tareenka waqtiyo yar ku tago waxeey kala yihiin Norrköping, Linköping, Eskilstuna iyo Västerås. Dad badanoo degan Katrineholm waxeey u shaqo tagaan magaalooyinka u dhow.

Magaalooyinka Norrköping, Nyköping, Eskilstuna iyo Örebro waxeey Katrineholm u jiraan hal saac oo safar baabuur ah.

Gegida diyaaradaha ee Norrköping iyo kan stockholm-skavsta waxeey u jiraan hal saac wax ka yar oo safar baabuur ah. Madaarradaasna jeekinkaada dhaqsi ayaad u sameysan kartaa adigoo galin safaf dhaadheer.

Degmadu waxeey leedahay wax kasta oo lagu doorto magaalo yar oo dhan, magaalooyinka waaweyna masaafo dheer uma jiraan.

Katrineholm centralstation
Tareen isteeshinka Katrineholm. Foto: Hanna Maxstad

Shaqo iyo ganacsi

Degmada Katrineholm shaqo bixiyayaasheeda waaweyn marka laga reebo shaqooyinka eey bixiso dowladda hoose ee degmada, waa xarunta maamulka gobolka ee caafimaadka ee Sörmland, SKF, Ericsson, Kronfågel, Sörmlands Grafiska och Finja Prefab.

Halkaan ayaad ka heli kartaa shaqooyinka bannaan ee degmada.

Shaqooyin badan oo dhinaca gaadiidka safarka ah ayaa jira maadaama magaaloyinka Stockholm, Örebro, Eskilstuna, Norrköping iyo Linköping eey ku yaallaan meelo hal saac u jira degmada Katrineholm.

Café i Katrineholm
Foto: Hanna Maxstad

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxad ka arkaysa shaqada ka banaan iminka degmada iyo nawaaxigeeda.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska
Bogga 1 ee ka mid ah 27

Khariidada adeegga bulshada

Waxaa khariidada ka arki kartaa shaqooyinka guud ee degmada. Waxaad isticmaali kartaa meel khariidada kamid ah oo aad ku qori kartid ereyga waxa aad raadineysid, sida ciwaanka guriga aad raadineysid.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Katrineholm

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

ca 33 000

Cabirla dhulka

1 025 km2

Masaafada u jirta magaalada waaweyn

Stockholm 146 km

Örebro 85 km

Norrköping 50 km

Eskilstuna 65 km

Bogga internetka degmada

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri