Lycksele

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Lycksele, magaalada ku taalo Lappland, waxeey boqolaal sano ahaatay bartamaha Lappland. Dhulka baadiyaha dhaw, jilaalka xogga leh, xagaaga iftiinka leh iyo wakhti la isla qaato qaali ee nolosha ka tahay.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

12251

Cabirla dhulka

5889 kiilomitir oo laba jibaaran

Sawir xilli galabnimo ah Lycksele oo ay iftiimayaan nalalka jidadka iyadoo muraayad biyo ahi ka muuqato xagga horre.

Halkaan tayiga nolsha waa sareeya, shirkadaheena waxeey asaasasyaan jawi ganacsi si fiican uu kala soconayo. Ayadoo ee baahida loo qabo shaqaale iyo ayadoo la qabo aaminaad mustabal, waan ku sugeeynaa!

Deegaan

Xafiiska maamulaha iyo dalaalka guriyaha Lycksele waa shirkada degmada lee dahay ee Lycksele Bostäder AB (LYBO). LYBO waxeey lee dahay, hadana maamushaa ku dhawaad 1 340 guryaal oo la kireeysto. Haddii aad rabto in aad safkooda guri istaagto, hesho warbixin kale oo ku saabsan jirtaanka guriyada iyo haddi aad rabtid in aad aragto guriyaal oo hadda banaan , waxaad ka fiirin kartaa bogga degmada LYBO.

Lycksele waxeey lee dahay dhowr shirkado guri oo madaxbanaan oo kireeyo guriyaal. Marka ee ku saabsan tahay qaxootiga dalka ku cusub waxaa guri helida ku caawinaayo Xafiiska is dhexgalka.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Dad luuqado kala duwan ku hadlo ayaa joogo degmada Lycksele, taasi waxaa keentay in degmada ee mudo dheer laheeyd qaabilaad qaxooti. Qaar ka mid ah luuqadaha weeyn iswiidhiska markii laga saaro waa: af ingriis, af carabi, af tigrinya, af amxaari, af oromo, af soomali, afka thayland, af daari, af kriyo, afka dinka, afka lingala, afka fransiiska, afka saamiga iyo af sawaaxili.

Jaaliyado iyo ururu

Lycksele waxeey taajir ka tahay ururada ayadoo leh ku dhawaad 245 urur. Ururada waxeey sanadkii qabtaan dhowr howlo habayn, tartarmo iyo howlo. Waxeey lee dahay dhowr kaniisado, ururo diimeed oo ku yaalo Lycksele, waxaa ka mid ah kaniisada Iswiidhan, kaniisada bingisti, kaniisada faafinta, shuhuud yaho, ururka dimeed ee katologia Kristi Moders iyo ururka muslimiinta Lycksele. Uroro kale waa laanta cas ee Lycksele iyo Iskuulka-dadweeynaha Lycksele. Ururado dhamaantood waxaa ka heleysaa diiwaanka-ururada.

Maxaa ka ag dhaw

Lycksele soo bandhigeeda dukaamo iyo adeega kale waa badanyihiin. Waxaa ka mid ah dhow dukaamo- cunto, dhar, kobo, alaab guri iyo alaab elegtroni, hal dukaan ee soo galooyti, sadax dukaamo ee gacan labaad, farmashiyaha, hotelka, maqaayadaha, bankiga, dukaanka macmacaanka iyo kafeteeriyada iyo in kale oo badan.

Maalinta suuqa Lycksele oo uu ka jiro fardo fuul. Koox ah dad hawl-gab ah oo fadhiya kursi dheer iyadoo ay cad-ceed jirto. Guri weyn oo guduud ah kana samaysan alwaax oo ka muuqda xagga dambe.

Adeega bulshada sidii Xafiiska shaqada, Xafiiska qasnada ceeymiska, Hey'adda canshuuraha, xafiiska bulshada iyo xafiiska boostada waxeey ku wada yaalaan degmada. Sido kalena bartamaha waxaad ka heleeysaa beerta xayawaanka Lycksele, Goobta-dabaashada Ansia, maktabad, guriga-dabaasha, goobta jimicsiga, goobta xilliga firaaqada, goobta bowlingka, shaleemo, urur-waxbarasho, dugsi darawaleed iyo in kale.

Jidka dadku maraan lehna dukaano iyo meel ubaxyada lagu iibiyo. Dhowr dad ah oo jooga banaanka oo socda oo dhamaadka jidkana waxaa ka taagan geedka lagu xuso xaflada bartamaha xagaaga.

Dalyeelka carruurta

Lycksele waxeey soo bandhigeeysaa xanaaneeyn-caruur afar bilood gudaheed, waxaana furnay dugsiyaal xanaano oo cusub. Waxaa ka mid ah mid furan habeenada iyo maalmaha fasaxa si maarkaas loo daboolo baahida loo qabo xanaanada caruurta. Sido kale degmada waxeey lee dahay xanaaneeyn waxbarasho (xanaanada reerka maalmeedka) iyo dugsiga xanaanada ee furan.

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Degmada Lycksele waxaa ku taalo toban dugsi hoose, dugsi gaar ah iyo fasal luuqadeed. Dugsiga sare ee iskuulka Tannberg waxuu soo bandhigaa waxbarasho loogu tala galay dhalinyaro iyo dad waa weeyn. 16 barnaamij ee qarameed ma ahanee, waxaa tusaale ahaan jiro dugsi sare ee kubada-cagta iyo ciyaaraha barafka, dugsiga sare ee gaarka ah iyo waxbarasho dadka waa weeyn loogu tala galay. Lycksele waxaan ku lee nahay Second chance school oo ah dhameeystirka waxbarashada dugsiga sare.

Furadaha waxbarasho

Waxbarashada dadka waa weeyn ee Lycksele waxeey waxbarasho uu heeysaa dadka dhamaantooda, laga bilaaba heer dugsi hoose illa heer dugsi sare kadib, barashad iswiidhiska, waxbarashada shaqada ee dadka waa weeyn iyo Second chance school. Sido kale degmada Lycksele waxeey soo bandhigeeysaa waxbarasho waxbarasho heer jaamacadeed ah. Xarunta-waxbarashada Lycksele waxeey qabqaabisaa waxbarasho ayadoo la shaqeeyneeyso jaamacado badan. Isku celcelis, 50 arday jaamacadeed ayaa waqti buuxo ku dhigto Lycksele.

Caafimaadka

Lycksele waxaa laga helayaa isbitaalka deg-degga oo si fiican u qalabaysan oo helikobtaryada ambulaansta ee gobolka halkaas ayaa u ah xarun. Si loo bixin karo amaan waxaa jira isbitaal leh daryeel si fiican u horumarsan iyo shaqaalaha ambulaansta oo si fiican u tababaran. Laba ruggo caafimaad ayaa laga helaa Lycksele, mid waxaa maamula gobolka: Stenbergska iyo mid baraayfad ah: Medicinkonsulten AB. Labadan rug ee caafimaadba waxaa laga helaa dhakhaatiir, kalkaaliyaha caafimaad ee degmada, kalkaaliyaasha caawinta dhaqdhaqaaqa iyo tababarka xubnaha jidhka, shaqaalaha tababarka jirka iyo umuliso. Stenbergska waxaa laga helaa xitaa rugta qaabilaada dhalinyarada iyo Daryeelka ilkaha ee dadweynaha.

Caawinaad turjubaan

Fursada caawinaada turjumaanka waxeey ka jiraan dhamaan xariirka-hey'addaha iyo degmada. Turjumaan waxaa laga heli karaa khadka-turjumaanka.

Xiriirka gaadiidka

Lycksele waxeey xariir fiican jawi kasto, ayadoo xariirkaas yahay jidadka, duulimaadka iyo tareemada. Xariir bas oo isku dhaw oo leh qeeybo kala duwan ee goblka iyo qeeybo kale ee Iswiidhan. Sido kale tareen ayaa maro Lycksele iyo Umeå. Sido kale tareen ayaa maro inta uu dhaxeeyso Lycksele iyo Umeå. Duulimaad maalin ka baxaayo Lycksele oo tagaayo Stockholm, waxuu wax badan usoo kordhinaa helida. Madaarka waxuu ku yaalaa ku dhawaad 5 kilomitir markii laga tago bartamaha Lycksele. Todobo maalmood ee isbuuca waxaad 85 daqiiqo gudaheed ku tagi kartaa , ugna imaan kartaa Stockholm/Arlanda.

Shaqo iyo ganacsi

Lycksele waa degmo shirkaduhu ku badanyihiin marka loo eego inta ay leegtahay waxayna leedahay qiyaasti 900 shirkadood. Haddii aad doonayso in aad bilowdo shirkad la xiriir degmada oo weydii wixi ku saabsan horumarinta ganacsi. Shaqo-bixiyayaasha ugu weyn degmada Lycksele waa, Gobolka Västerbotten, Qodista macdanta ee Kristinebergsgruvan, Boliden Mineral, Hoteelka Hotell Lappland, Dukaanka ICA Supermarket, Dukaanka Coop, Warshada Hedlunda industrier iyo Texor. Waxaanu leenahay xitaa shaqo-bixiyayaal weyn dhinaca ganacsiga oo ku yaala bartamaha magaalada iyo baadiyaha labadaba.