Svalöv

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Kusoo dhowoow degmada Svalöv. Seddax erey oo degmada furayaal u ah waxeey kala yihiin doog cagaaran, meel si fiican wax uga baxaan iyo daris wanaag.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

14261

Cabirla dhulka

389 kiilomitir oo laba jibaaran

Doogga cagaaran waxaa loola jeedaa nolosha wanaagsan saliimkana ka ah boorka iyo busta, meel si fiican eey wax uga bixi karaan waxaa loola jeeda meel u wanaagsan in carruurta lagu korsado. Daris wanaagana waxaa loola jeedaa in degmada eey udhowdahay magaalooyin waaweyn sida Lund, Malmö iyo Hlelsingborg oo kulligood ujira masaafo aan ka badneyn nus saac bas ama tareen ah. Adigoo tuulo yar oo aan kadeed laheyn dagan ayaa hadana waxaad kasoo adeegan kartaa magaalooyinkaas waaweyn. Svalöv, Teckomatorp, Billeberga, Tågarp, Kågeröd iyo Röstånga kulligood waa tuulooyin ka tirsan degmada Svalöv. Tirada dadaka degmada waa 13 400. Marka adiga xataa kusoo dhowoow Svalöv. Nolol wanaagsan ayaa taalla deegaankaan.

Deegaan

Degmada Svalöv waa meesha ugu fiican oo aad qoyskaada dajin kartid. Waxaa degmada diyaar kuugu ah guryo nuucyo kala duwan leh islamarkaana aan u wanaagsan. Adeega bulsho oo tayadiisa sarreeyso ayaa laguugu diyaariyay meel kasto aad ka dagtid degmada, iskoollada iyo meelaha eey ilmaha ku cayaaraan waqtiga firaaqada ah oo aad aammin u ah. Jaamacadaha iyo machadyada oo iyagana aad uga fogeyn degmada.

Shirkada guryaha ee degmadu leedahay magaceeduna yahay SvalövsBostäder AB waxeey kuula diyaartahay guryaha kirada ah kuwaasoo aad ka heli kartid degmada oo dhan. Warbixin dheeraadaa waxaad ka heli kartaa SvalövsBostäder boggooda internetka. Waxaa kaloo jira guryo kuwa gaarka loo leeyahay ah oo iyagana la kireeysan karo.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Luqadaha looga hadlo degmada Svalöv weey badan yihiin. Sababtana waxey tahay in degmada muddo dheer eey soo galayeen dad badan oo qaxooti ah. Luqadaha ugu waaweeyn ee looga hadlo degmada waa carabi, af-soomaali, boosniyaan, daari. Tirade luqadaha ugu badan ee loogu hadlo weey is bedeshaa markasta sababtoo ah dadka qaxootiga ah ka guuro degmada iyo kuwo cusub oo usoo guuro aawgeed. Warbixin dheeraada hadaad rabtid inaad ogaatid la xiriir waaxda degmada u qaabilsan soo galootiga ama qaxootiga.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Svalöv waxaa ka jira jaaliyado iyo ururo badan aadna u firfircoon. Taasna waxeey dadka degmada dagan u fududeeyneysaa ineey helaan waxeey xiiseynayaan ineey sameeyaan waqtiyada firaaqada. Maamulka degmada dowrkiisa waa inuu ufududeeyo jaaliyadaha shaqooyinkooda si eey ayagana udiyaariyaan wax eey dadka degmada dagan isku maaweeliyaan waqtiyada firaaqada.

Maxaa ka ag dhaw

Dhexbartanka degmada Svalöv waxaa ku yaal dukaamo fara badan, farmashiiye, bangi, iyo dukaamo badan oo kuwa gacan labaadka ah. Adeegyada guud ee Svalöv waxeey kala yihiin, xafiiska shaqada, maktabada iyo xafiisyada laga maamulo degmada.

Degmada Svalöv barwaaqada taallo waa mid aan laga helin degmooyin kale oo badan. Koofurta degmada waxaa ku yaal dhul beeraad wanaagsan quruxna badan khaasatan waqtiga guga marka eey ubaxyada soo baxaan, waqooyiga degmadana waxaa ku yaal darjiinada damaashaadka loo tago ee Söderåsens nationalpark loo ah mid aad u qurux badan.

Dalyeelka carruurta

Degmada Svalöv waxeey waalidiinta iyo carruurtooda siineeysaa dayreel iyo xanaano dhinaca carruurta ah eey tayadiisu sarreeyso. Waxaa jira dugsiyada xanaanada caruurta oo eey dowladda gacanta ku heeyso iyo kuwa kale oo gaar loo leeyahay. Ardayda da'dooda udhaxeyso hal ilaa shan sano waxaa loo ogolyahay in la geeyo guryaha xanaanada carruurta inta uusan billaaban iskoolka iyo iskoolka marka eey soo dhameeyaan galabtii.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Degamada Svalöv waxaa ku yaal dugsiya hoosedhexe oo eey dowladdu maamusho, tuulooyinka eey ku yaalliinna waxey kala yihiin Billeberga, Kågeröd, Röstånga, Svalöv iyo Teckomatorp. Waxaa kaloo ku yaal dugsiga dhexe ee Linåkerskolan oo ka kooban fasalada 7-9. Iskoolkaan waxaa dalban kara ardayda degmada oo dhan.

Fursado lagu baran karo luqada hooyo ayaa jirta hadeey ardayda rabta eey tiradooda aad uyareen.

Degmada Svalöv waxeey kaloo leedahay skoolada Svalövs Montessori iyo Blichers friskola oo ah laba iskool oo kuwa gaarka loo leeyahay ah.

Degmada waxeey leedahay hal dugsi sare: Svalöfs Gymnasium.

Furadaha waxbarasho

Degmada Svalöv waxeey dadka waaweeyn uheeysaa waxbarasho waxaana mas'uuliyadeeda haayo vuxenutbildningen. Iskoolka dadka waaweeyn waxaa laga bartaa iswiidhish loogu tala galay dadka waaweyn oo qeeybo kala duwan leh.

Ilmaha da'dooda eey ka yartahay 18 sano waxaa la siinayaa koorsooyin xagga luqada ah. Fursado lagu baran karo luqada hooyo ayaa jirta hadeey ardayda rabta eey tiradooda aad uyareen.

Degmada waxaa kaloo kuyaal Fridhems folkhögskola. Iskoolka waxuu ka madax bannaan yahay siyaad iyo diin waxaana maamulka iskoolka gacanta ku haya jaalida iskoolka Fridhems folkhögskola.

Caafimaadka

Degmada Svalöv waxaa ku yaaal rug caafimaad iyo rugta daryeelka ilkaha.

Caawinaad turjubaan

Xaq waxaad uleedahay turjubaan ku hadla luqadaada hooyo marka aad la xiriireysid xafiisyada kala duwan.

Xiriirka gaadiidka

Lund, Malmö iyo Helsingborg waxeey u jirtaa masaafo yar. Tareenka iyo basaska waxeey kugu geeynayaan magaalooyinkaas nus saac wax ka yar. Xataa koobanheegan ayaa fudud inaad ku tagtid baabuur ama tareen. Sidaas darteed degmada waxeey dadkeeda siineysaa fursad eey uga qeeyb gasho ganacsoyada kala duwan ee lagu haayo magaalooyinka eey dariska la tahay.

Shaqo iyo ganacsi

Svalöv waa shaqa bixiyaha ugu weeyn ee degmada oo dhan. Wax soo saarka ganacsiga iyo dhaqaalaha degada waxeey kasoo galaan shirkada yaryar iyo kuwa dhexdhaxaadka ah.