Karlstad

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Karlstad waa magaalo la dago oo ku taalo Värmland, halkaan waxaa laga helaa adeegyo loogu tala galay gobolka karlstad oo dhan , kaasi oo ka kooban Karlstad iyo degmooyinka kale ee Forshaga, Grums, Hammarö iyo Kil.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

94194

Cabirla dhulka

1518 kiilomitir oo laba jibaaran

Muuqaalka hareerta xeebta ee korka Klarälven ee ka soo horjeeda buundada qadiimiga ah.

Karlstad waxeey ku taala webiga klara ee agagaarka waqooyiga xeebta Vänern, waxeey uu dhaxeeysaa Stockholm iyo Oslo, waana degmada 21:aad ee iswiidhan ugu weeyn.

Karlstad waxeey lee dahay mid ka ah jaamacadaha Iswiidhan ugu ayadoo ee dhigtaan ku dhawaad 12 500 oo arday. Waxa ee ardayda digtaan waxa ka mid ah macalinimo, ingineernimo, dhawaale iyo kalkaaliso caafimaad. Sido kale halkaan waxaa ku yaalo isbitaal weeyn oo bartamaha ah iyo hey'addo dowladeed oo muhim ah, tusaale ahaan Hey'adda macamiilka iyo Hey'adda diyaargarowga iyo difaaca bulshada.

Muuqaalka korka Klarälven ee ka soo horjeedka bartamaha magaalada oo Residenset ka horeyso iyo kaniisada Karlstad oo ka muuqata xagga dambe.

Deegaan

Guri maa ka raadineeysaa Karlstad? Bogga degmada waxaan ku soo aruurinay liisaska shirkadaha guriyaasha iyo mulkile-guri . Sido kale waxaad ka akhrisan kartaa in ku saabsan goobaha guryada Karlstad si aad uu dareemto meesha adiga ku haboon in aad dagto.

Guryaha qoyska oo dhawaan la dhisay kuna dhinac yaala xeebta Klarälven.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Af carabi, af dari, afka kurdiga/sorani, af soomaali iyo afka faarisi.

Jaaliyado iyo ururu

Diiwaanka-ururada waxaad ka raadin kartaa urur gaar ah. Sido kale waxaad heli kartaa warbixin ku saabsan ururada ka howl galo meel gaar ah.

Maxaa ka ag dhaw

Solareturen waa dukaanka-gacan-labaadka ugu weeyn ee Karlstad. Solarturen waxaad ka heleeysaa alaab-gacan labaad ah oo guriga loogu tala galay. Halkaan waa laga helaa inta badana: qalab guri, buugaag, elegtroonig, qalab, farshaxano, alaab jiko iyo dhar. Adigo rakhiis ku helaayo isla markaasna waxaad dadaal uu sameeyneeysaa bey'ada.

Madxafka Värmland ee banaanka ee Sandgrundsudden oo leh wajahadiisa alwaaxa ah.

Dalyeelka carruurta

Waxaan canugaada uu soo bandhigeeynaa dugsi xanaano iyo dugsi xanaanada maalmeedka ee lagu hayo caruurta, laga bilaabaa maalinta uu gaaro hal sano, haddii aad shaqeeyso, waxbarato ama shaqo raadin aa ku jirto. Markii uu canugaada gaaro sadax sano, degmada waxeey soo bandhigeeysaa shan iyo toban saacadood isbuuci oo lacag la'aan ah, taasi waxaa lagu magacaabaa dugsi xanaanada ee guud.

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Gudaha Karlstad, waxaad adiga oo waalid ah iyo canuga si wadajir ah oo dooran kartiin dugsi hoose oo adiga aad uu aragto in canugaada uu haboon yahay. Waxuu ahaan karaa iskuulka kuu dhaw ama mid kale. Karlstad waxaa ku taalo 30-meeyo dugsiyaal hoose, kuwaas oo badankood degmada hoowshood kala wado. Sido kale waxaa jiro dhowr dugsiyaal oo madaxbanaan. Canugaada waxuu xaq uu lee yahay in uu dugsiga hoose bilaabo marku jiro lix sano.

Furadaha waxbarasho

Waxbarashada dadka waa weeyn ee degmada gudaha Karlstad, waxaad ka akhrisan kartaa koorsooyin heer asaasi ah iiuo eerka dugsi sare, koorsooyin-shaqadeed, waxbarashada iswiidhiska ee soo galooytiga iyo waxbarashada gaarka ah ee dad waa weeyn.

Dugsiga xaxbarashada sare ee shaqadeed waa hab waxbarasho oo heer dugsi sare kadib ah. Halkaan waxaad ka akhrisan kartaa waxbarasho loo habeeyay ayadoo markaasi ka wadaxeeyn ee la jirto suuqa shaqada. Akhrinta iyo waxqabadka waa la isku dhex wadaa, waxbarashada badankeedna waxeey lee dahay mudo goob shaqo la tagaayo oo shaqada lagu toobaranaayo. Waxbarashada shaqooyinka dhamaantooda waa kuwo lacag la'aan ah, waxeeyna xaq ku siin karaan lacagta ardayda ee ka socoto hey'adda ardayda.

Akhri dheeraad ku saabsan waxbarashada dadka waaweyn ee degmadan.

Caafimaadka

Haddii aad warbixin xariir ee daryeel raadineeyso ama qaabilaado kale waxaad tagtaa bogga 1177, adigoo adeegsanaayo adeega-raadiska "Hel daryeelka" si dhakhso ah ayaa uu tageeysaa. Xariirkeeyga- daryeeleed waa hab sahlan oo interna looga helo daryeelka habeen iyo maalinba. Waxa ka mid ah waxaa sa meey karto in aad balan badasho, cusubeneeysiiso waraaqada daawada dhakhatarka iyo in aad ka aragto daawada.

Caawinaad turjubaan

Xarunta-turjumaanka waxaad ka dalban kartaa turjumaan, sido kalena waxaan turjumnaa waraqaado. Waxaan noo diiwaan galsan 205 turjumaan oo si fiican uu wada yaqaano 135 luuqad.

Xiriirka gaadiidka

Waxaad raaci kartaa Gaadiidka-Västerland oo ah gadidka dad weeynaha isla markaana waxaad ahamiyad sii kartaa bey'ada. Halkaan waxaad ka raadin kartaa safarkaada, soo bixin kartaa jadwalka-socodka, waxaana ka sii baran kartaa safarada aan heeyno. Yuu san ku dhaafin qaamuuska laga bilabaa A ilaa Ö.

Shaqo iyo ganacsi

Regionsfakta.com waxuu masawir kaa sinaayaa gobolka iyo degmoyiinka gobolka ku yaala. Si sahlan ayuu ku tusaa, waana sahlan tahay in la arko. Tirakoobka ku yaalo Regionsfakta.com, hey'addaha dowlada shaqadooda ee hormarinta gobolka waa uu isticmalaan boggas, sido kale waxaa isticmaalo dad weeynaha hami uu hayo iyo saxaafada, iskuulada iyo jaamacadaha.

Taalada