Härjedalen

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Härjedalen, markii dhul ahaan loo fiiriyo waxeey ka mid tahay degmooyinka Iswiidhan ugu weeyh, ayadoo ee weeynikeedu uu dhanyahay 11 934 kilimotiirkaba labajibbarkiisa, boos ku filan uu heeyso qof kasto oo ku dhex nool. Halkaan waxaa laga helaa buuro, wabiyo yar iyo jiqooyin taasoo diyaar ulu ah qofkii doonaayo howlo xilliga xagaaga iyo jiilaal.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

11934

Cabirla dhulka

11860 kiilomitir oo laba jibaaran

"Härjedalenta wanaagsan" waxeey lee dahay tamar-nololeed, asal iyo dhawaansho – taasi waa qiimaha-koobnaanshaha ka jiro degmada Härjedelan oo raad kuu reebaayo hoowlaheena iyo mabda'eena.

Deegaan

Waxaa fursad loo lee yahay in Härjedalen laga helo degaan kala duwan. Waxaa la dooraan karaa in guri gaar ah laga gato gudaha bulshada ama baadiyaha, ama guri sar ka mid ah ayaa laga kireeynsan karaa ama laga iibsan karaa bulshada gudaheed. Degmada waxeey lee dahay shirkad-guriyeed oo kireeyso guriyaal laakin waxa sido kale jiro shirkado gaar ah oo guriyaal kireeyo.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Degmada Härjdeland waxaa hadda joogo dad ka yimid tusaale ahaan, Suuriya, Afrika, Eriterya, Burma, Afganistaan, Iraan iyo Ciraaq. Luuqadaha looga hadlo waxaa ka mid ah af carabi, af tigrinya, af tigre, af soomaali, af faarisi, afka burma iyo af samiga-koonfureed. Degmada Härjdalen waxaa joogo dadka asalka ah ee samerka oo ku hadla af samiga-konfureed.

Jaaliyado iyo ururu

Ilaa hada Härjedalen waxaa ku yaalo lee ururada kanisadeed ee iswiidhishka ah. Kaniisada Iswiidhan iyo ururo diimeed oo kale ayaa howlo uu qabqaabiyo soo galooytiga cusub, oo dadka dhan lagu soo dhaweeynaayo, diinti rabaan ha heeysteen.

Härjedalen waxaa ka jira ururo noocyo kala duwan. Bogga intarnatka ee degmada waxaa laga helayaa xiriirka ururadan oo dhan.

Maxaa ka ag dhaw

Joqraafi ahaan, Härjdalen waa degmad weeyn. Härjedalen waxaay lee dahay qeeybo badan. Qeeybta-madaxeed waa Sveg. Qeeybo kale oo ka tirsan waa Lillhärdal, Ytterhogdal, Hede, Lofsdalen, Vemdalen och Funäsdalen. Degmada waxeey lee dahay afar xafiis, xafiiska-weeyn waxuu ku yaalaa Sveg, xafiis-xaafadeed waxuu ku yaalaa Funäsdalen, Hede iyo Ytterhogdal. Sido kale meelahaan waxaa ku yaalo dugsi hoose-dhexe, maktabad, dukaamo, goob-dabaaleed, dukaamo gacan labaad iyo kuwo kale.

Dalyeelka carruurta

Dugsiga xanaanada waa tilabaada koobaad ee nidaamka-waxbarashada iyo waxbarashada nolosha oo dhan. Halkaan caruurteena waxaa la doonaa in ee ku hormaraan be'yad xiso leh laakin hadana aamin ah.

Dugsi xanaaneedka ee degmada Härjdedalen waxeey soo bandhigaayaan xanaana-caruureed oo leh tayo sareeyso oo loogu tala galay caruur da'doodu uu dhaxeeyso hal iyo shano sano. Howl waxbarasho oo shaqale si fiican waxbartay madax uu yihiin, oo xanaaneeyn, waxbarasho iyo korrin isku noqonayaan shey-isku xiran.

Sido kale Härjedalen waxaa ku yaalo afar dugsi xanaaneed ee iskaashi. Waxaa ka dhaxeeyo in waalidiinta ee mas'uul ka yihiin socodsiinta, ayagoo kaashanaayo macalinka dugsi xanaanada iyo daryeele caruur oo ayagu naf ahaantooda shaqaleeysiinaayaan. Sido kale waalidiinta si joogto ah ayee uga qeeyb qaadanaayaan shaqada maalmeedka ah, dhinaca nadaafada, cunto kariska iyo waxii kale oo daryeel ah.

Fikrada laga lee yahay ayaa ah in ka qaayb qaadashada keento kormeer dheeraad ah iyo isfahmid iyo mas'uulqaadin badaneeyso ihtimaam sii weeynaado iyo isgarabsiin waxeey keeyneeysaa amaan iyo isku-xidhnaan ee dhanka caruurta iyo waalidiintaba ah.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Iskuulo ka bilaabmo fasalka 0 ilaa 6:aad si fiicaan ayee gaar ugu baxsanyihiin degmada, taaso oo mecnaheed tahay in ardayda da'da yar safar-gaaban ku tagaayaan, heleeyaana bey'ad iskuleed oo fiican ka koobana qeeybo iskuuleed oo xooga yar. Iskuuladaan waxeey ka jiraan Sveg, Lillhärdal, Lofsdalen, Hede, Vemdalen, Funäsdalen, Bruksvalarna iyo Ytterhogdal.

Iskuulada leh fasalka 7-9:aad waxeey ku yaalaan Sveg, Hede, Funäsdalen iyo Ytterhogdal.

Dugsiga sare ee Härjedalen waa dugsi sare oo yar oo soo bandhigaayo barnaamijyo badan. Ardaydeenu weey ku faraxsan yihiin, waxeeyna bey'adeena iskuuleed ku dareemaayaan amaan laakin intas oo dhan waxaa ka horeeyo, ardaydeenu weey ku hormaraan waxbarashadooda.

Inta arday oo ka qalin jabiso dugsiga sare ee Härjedalen oo la baxo shahaado-dhameeystiran, weey ka badan yihiin tirakoobka-dhexe ee qaranka, barnaamijyo badana ardaydeena waxeey qalin-jabiyaan ayagoo wato dhibco-shahaado oo tirakoob-dhexe leh taaso oo ka badan tirakoobka-dhexe ee qaranka iyo dugsiyada sare ee loo bardhigi karo. SIdaas darteed ayee caadi tahay aragtideena mustaqbaleed in ardayda diyaar uu ahaadaan mustaqbalka ee rabaan in ee la kulmaan.

Laga yaabaa in ee tahay kafeetiriyadeena, goobteena-la kulameed oo dabiicga ah, laga yaabaa in ee sabab uu yihiin shaqaalaha ihtimaam siinaayo oo ardaydeenu sido kale siinaayo dareen-amaan, kuna hormaraan waxbarashadooda oo ilaa heerkaas sare gaarsiiyo. Sababto nuucee rabto ha ahaate, waxaan rijeeyneeynaa in aad Adiga hesho dugsi sare oo Adiga kuu haboon, iyo in aad noqoto qof si fiican loo diyaariyay, ayadoo loo fiirin haddii aad Adiga doorato in aad waxbarashada wadato ama shaqo si toos ah uu raadsato kadib markii aad ka qalin-qabiso dugsi sare ee Härjedalen.

Furadaha waxbarasho

Härjedalen waxaa laga helaa waxbarasho-dadka waa weeyn, waxa ku jiro waxa ka mid ah barashada luuqada iswiiidhishka, waxbarashada bulshada, waxbarashada asaasiga ee dadka waa weeyn, waxbarasho dugsiga sare oo loogu tala galay dadka waa weeyn iyo fursado ku saabsan waxbarasho-jaamacadeed oo lagu dhiganaayo masaafad. Sido kale hal dugsig ee ah nuuca la seexdo ee dadka waa weeyn ayaa ku yaalo Sveg, Dugsi dadka waa weeyn ee Bäckedals.

Caafimaadka

Xarun-caafimaadeed ayaa Härjedalen uga taalo meelaha soo socdo: Funäsdalen, Hede iyo Sveg. Ytterhogdalen waxaa ku taalo qaabilaad loogu tala galay booqosho la balansaday.

Faramashiye waxuu ku yaalaa Funäsdalen, Hede iyo Sveg. Meelo badan ayaa leh wakiil-farmashiye, iyo dukaamo badan ayaa gado daawooyin oo aan looga baahneen waraaqad dhakhtareed.

Dhakhtarka ilkaha waxaa laga helaa Funäsdalen, Hede iyo Sveg.

Caawinaad turjubaan

Caawinaad turjumaad qeeybta hey'adaha xukuumadeed iyo degmadeed waa loo helaa. Markii aad booqashadaada balan uu sameeysaneyso, sheego in aad caawinaad-turjumaan rabto. Degmada gudaheed waxaa ku taalo qeeyb la yiraahdo adeega-isdhexgalka. Qeeybtaas shaqadeeda waxaa ka mid ah caawinaad-luuqadeed oo loogu tala galay soo galooytiga cusub oo ku qoran degmada Härjedalen. Shaqaalaha joogo adeega-isdhexgalka ayaa ka warami kara caawinaada la heli karo.

Xiriirka gaadiidka

Habab kala duwan ayaa loogu soo safri karaa Härjedalen, diyaarad, baabuur, bas iyo tareen. Bogga internetka ee degmada waxaa laga helaa warbixin iyo jadwalka-imaanshaha.

Shaqo iyo ganacsi

Degmada Härjedalen waa shaqo dhiibaha ugu weeyn ee degmada. Shaqada nuuca rabto ahaaate, marba haddii shaqo la hayo sidii shaqada kalkaalisada, mas'uulka-goobta shaqada, la taliyaha dhanka shaqaalaha ama madax-howl, shaqaalaha dhamaantood door muhiim ah ayee ku lee yihiin degmada Härjedalen. Si wadajir ah ayaan uga shaqeeyneeynaa in bulshada kala socoto, taasi oo ah mid qiimaheedu aad uu badan yahay.

SYKES waa shirkad caalami ah oo 35 sano ka badan khibrad uu leh, lehna ka badan 75 oo xarun iyo shaqaale dhaafaayo 46000 caalamka oo dhan. Sykes waxeey ka hoowl gashaa BPO (Business Process Outsourcing), waxeeyna ka gudo gashaa adeega-macmiilka, caawinaad farsamo iyo uu iibinta shirkada yare ee degmadeed iyo kuwo caalami ah oo weeyn.

Härjedalen dad badan ayaa uu imaado fasax, waana la imaada mudada xiliyada fasaxa. Taasi waxeey keeneeysaa in shaqooyin badan ka banaadaaan dalxiiska. Qeeybaha weeyn ee dalixiska Härjedalen waa Vemdalen, Lofsdalen iyo Funäsfjällen.