Hjo

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Hjo waa meel soo dhawayn leh kuna haboon dadka waaweyn iyo kuwa yar labadaba. Inkastoo la dhawray wixii qadiimiga ahaa hadana waxay Hjo si joogto ah ku jirtaa horumar markay noqoto dhanka in lagu dadaalo hawlo dheeraad ah, guryo iyo tayo sare dhanka iskoolka iyo caruurta iyo daryeelka dadka gaboobay.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

9188

Cabirla dhulka

297 kiilomitir oo laba jibaaran

Hjo waa meel degan oo aad u xasiloon taas oo qurxoon kuna dhinac taala harada Vättern. Waa magaalo yar oo cajiib ah lehna dhismayaal qadiimi ah iyo dhul leh deegaan dabiici ah oo qurxoon.

Muuqaalka Hjo lagana arko dhanka harada Vättern.

Deegaan

Deegaanka guryaha degmada Hjo waa mid degan oo qurxoon. Qaabka guryaha ee ugu caadisan Hjo waa fiilo leh jardiino laakiin waxaa laga helaa guryo la bar iibsado iyo guryo la kireysto. Shirkada dhismayaasha ee ugu weyn degmada Hjo waa Wennergrens.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Degmada Hjo waxaa laga helaa dad degan oo ku hadla luqado badan oo kala duwan. Marka laga yimaado luqada iswiidhishka waxaa xitaa lagaga hadlaa carabi,daari, faarsi, soomaali, moongooli, tigrinya, taylaandiis, holandiis, boolish iyo ingiriisi.

Jaaliyado iyo ururu

Hjo waxay leedahay dhaqan qani ah iyo nolol shirkadlay.

Dad ku lugaynaya degada doonyaha yar yar.

Maxaa ka ag dhaw

Wax yaalaha aad uga baahan tahay badankood Hjo waxeey ku jiraan masaafad-socod. Cunta waxaa laga soo gadan karaa Ica iyo Netto. Waxaa ku yaalo kafeteeriyo, maqaayado, maqaayad-banaaneed, dukaamo yaryar iyo dukaanka qamaarka iyo nacnaca. Sido kale magaalada waxaa ku taalo hal maktabad oo laga deeynsan karo buugaag oo luqado duwan ku qoran, xafiiska bulshada, farmashiye, shaleemo, goob-banooni oo leh coowska warshadeeysan, goobta-isboortiga, goobta-tenniska, goobta jimicsiga, goob dabaal oo banaaneed oo darajadeysan oo lehna iskuul dabaal (xagaaga furan), goobta-bowlingka, dukaanka-elegtroonigada, dukaanmo-dhar, dukaanka alaabta guriga oo qiimo fiican leh hadan caan ah, baalbiyeeri, dukaanka-kalarada, dukaamo ubax, banki iyo kuwo kale. Labo dukaan oo gacan labaad iibiso ayaa jirto, Laanta cas midkeeda iyo Erikshjälpen oo hayo alaab guri, dhar iyo maacuun.

Qasnada Caymiska iyo Xafiiska shaqada waxay xafiis ku leeyihiin Skövde. Laakiin Xafiiska shaqada waxay xafiis ku leedahay Hjo kaas oo furan hal maalin toddobaadkiiba, khamiisaha 10-12, 13-16. Halkaas ayaa la tegi karaa oo loo dhiibi karaa waraaqaha lana weydiin karaa su'aalaha fudud. Hjo iyo Skövde dhexdooda waxaa laga helaa gaadiidka baska oo aad u fiican.

Degmada waxeey lee dahay qeeyb-suuq shaqadeed oo siineeyso tageero qofka shaqo la'aanta ah, waa mid dheerad ah, sido kalena qaabilaad-qaxooti oo isku dayeeyso in caawiso iyo jiheeyso habka ugu fiican.

Xiriirada bogagga internetka ee kale

Dalyeelka carruurta

Hjo waxaa ku yaalo sagaal dugsi xanaano iyo labo dugsi xanaano ee reered oo loogu tala galay cauurta da'da 1-5 sano. Caruurta uu dhaxeeyo 6 iyo 12 sano oo uu baahan kormeer iskuulka ka dib iyo ka hir, xiliga ee waalidka ee shaqeeynaayaan waxaa ee aadi karaan guriga xiliiga firaaqaha.

Xarunta reerka Arken waxeey lee dahay xanaano furan halkaasi ee waalidka iyo caruurta si wadajir ah ee ku soo dhawyihiin.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Hjo waxeey lee dahay iskuulo loogu tala galay caruurta ku jiro da'da 6 ilaa 15 sano. Sido kale halkaan waxaa ku yaalo goota xilliga firaaqada uu furan habenkii caruurta uu dhaxeeyo 11 iyo 18 sano.

Ardayda guriga uga hadlo luuqad aan iswiidhka aheeyn waxeey heli karaan waxbarasho oo loogu dhigaayo afkooda, waxbarashada-afka hooyo. Waxbarashada waxeey ardayga ku caawineeysaa in uu hormariyo luuqadiis, dhaqankiisana in kale uu ka sii barto.

Dhalinyarada jirto 16 sano ilaa kor waxa uu jiro dugsi sare oo ku yaalo magaalooyinka hareero Hjo. Inta badana waxeey uu safraan dugsiga sare ee ku yaalo Skövde iyo Tibro.

Furadaha waxbarasho

Dadka waa weeyn waxeey dhigan karaan sfi (iswiidhiska loogu tala galay soo galooytiga), waxbarashada dadka waa weeyn, waxbarashada dadka waa weeyn ee gaarka ah ama dugsiga dadka waa weeyn ee Hjo. Waxbarashada dadka waa weeyn waxaa fursad weeyn uga heleeysaa in aad hesho hab-waxbarasho oo adiga ku haboon. Waxaad isku dhex wadi kartaa waxbarasho oo heerar kala duwan leh, waxaana fursad uu lee dahay in aad waxbarasho iyo shaqo isku dhex wado. Dugsiga dadka waa weeyn waxaa ka mid ah oo ka jiro waxbarasho ee dhinaca maadooyinka guud, diyaarinmada-booliska, heesaha iyo farshaxanka.

Magaalada ugu dhaw oo leh jaamacad waa Skövde. Jaamacada Skövde waxeey wada ayadoo la shaqeeyneeyso xafiiska shaqada, waxbarashada Jidka gaaban. Waxbarashadaas waxeey ku socotaa qofka dalka ku cusub oo leh shahaado jaamacadeed.

Caafimaadka

Hjo waxeey lee dahay labo rug caafimaad, Rugta caafimaadka Hjo iyo Xarunta-caafimaadka. Sido kale waxaa jirto rugta caafimaadka hooyooyinka, labo rug caafimaad ee loogu tala galay caruurta iyo daryeelka ilkaha. Isbitaalka iyo qaabilaada degdega ugu dhaw waxeey ku yaalaan Skövde.

Caawinaad turjubaan

Waa jirtaa caawinaad turjumaan oo luuqad kasto ah ayadoo la adeegsanaayo Xafiiska-turjumaanta Väst.

Xiriirka gaadiidka

Basas badan ayaa istaago Hjo. Basas ayaa ka tago Hjo oo tago Tibro, Tidaholm, Skövd iyo Brandstorp halkaasi oo laga badalan karo bas kale si loo sii socdo. Västrafik ayaa bas kaaga qaadeeyso bas Hjo ilaa Skövde, waxeey qaadaneeysaa ku dhawaad 35 daqiiqo. Skövde waxaa ka baxo tareen uu socdo meelo kale oo dalka ku yaalo, xariir-gaadid fiican la leh Göteborg, Stockholm iyo Jönköping.

Shaqo iyo ganacsi

Shaqo-bixiyaha ugu weyn Hojo waa degmada Hjo lehna hawlo ah dhanka dhinacyo badan oo kala duwan. Gobolku waa shaqo-bixiye kale oo weyn kaas oo bixiya shaqo ah dhanka daryeelka caafimaadka. Waxaa kale oo jira tiro ah shirkado waaweyn iyo kuwa yar gudaha degmadan.

Waxaa sii dheer, Hjo waxeey ku ag taalaa magoolooyin badan oo leh goobo shaqo oo weeyn.