Ludvika

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Degmada Ludvika waxeey ku taal koofurta gobolka Dalarna. Meeshaan waxaa yaal dhul dabiiici ah isla markaana ku soo jiidanaya. Bartamaha Ludvika waxaa ku yaal adeegyada kala duwan ee bulshada oo dhan.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

26978

Cabirla dhulka

1648 kiilomitir oo laba jibaaran

Meeshaan waa meel ammaan ah, ilmaha waxeey aadaan iskoollada xanaanada carruurta iyo iskoollada caadiga ah oo tayo sare leh, waxaad kaloo qeyb ka noqon kartaan nolol jaaliyadeedka ka jira degmada. Ludvika waa degmo sii kobceysa oo eey ka dhisan yihiin shirkado dhaqaalahooda wanaagsan yahay- kuwaasoona sii raba ineey sii weeynaadaan. Isteeshinka tareenka iyo baska oo ku yaal bartamaha Ludvika waxuu isku xiraa magaalooyin badan oo eey ugu horreeyso Stockholm. Degmada waxeey leedahay qaabilaad wanaagsan oo xagga qaxootiga ah. Dadka degan Ludvika waa dad furfuran, soo dhaweyntooduna wanaagsantahay, waxeeyna dhaqamada kala duwaan u arkaan ineey wax fiican kuso kordhinayaan degmada.

Deegaan

Xarunta qaabilaadda qaxootiga ee degmada Ludvika waxeey ka shaqeeysaa sidii looga hortagi lahaay ineey kala qeeybsanaan ka abuuranto dadka soo galootiga ah iyo dada meesha hore u degnaay. Degmada waxeey leedahay guryo isku milan. Waxaad heli kartaa guryaha la kireysto, kuwa la gato oo nuucyo badan leh, fillooyin iyo dhulal. Hadaad rabtid inaad kireysatid guriwaxaa jira leeman iyo telefoonno eey ku yaallaan shirkadaha kala duwan ee guryaha waxaadna ka heli kartaa degmada boggeeda internetka.

Dhisme guduud ah oo alwaax ka samaysan iyo jardiino tusaale u ah qaabka hoyga ee Ludvika.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Luqadda iswiidhishka iyo ingiriiska oo eey dadka degmada Ludvika badankood ku hadlaan marka laga reebo, waxaa luqadda ugu weyn ah carabiga. Luqadaha kale waa iiraani, daari, tigree, af-soomaali, teeylaandees, holandees, af-ruush iyo kuwo kale.

Jaaliyado iyo ururu

Jaaliyada ka dhisan degmada Ludvika tiradooda waxeey la egyihiin tirada inta balli ee ku yaal degmada- ku dhowaad 370 jaaliyadood ayaa ku jira liiskeena diiwaangalinta jaaliyadaha. Jaaliyadaha waxeey isugu jiraan kuwo aad u weyn iyo kuwo yaryar.

Saddex ah doonyaha shiraacan ee harada oo xaga dambe ay ka muuqato Ludvika.

Maxaa ka ag dhaw

Guriga Frändskapshuset waa goob kulan oo loogu tala galay dadka iswiidhishka ah iyo kuwa qaxootiga dhamaantood ayadoon kala sooc uusan jirin. Qof kasta gacmo furan ayaa lagu soo dhaweynayaa, waa meel leesku barto isla markaana lagu kala badasho fikradaha iyo khibradaha kala duwan, hadeey ahaan lahaayeen dhinacyada bulshada, luqadaha iyo dhaqanka.

Laba nin oo jooga banaanka kadinka Frändskapshuset.

Guriga Frändskapshuset waa meel fududeeyso is dhexgalka iyo barashada dadka. Meeshaan waxaa yaalla waxyaabo kala duwan oo la qaban karo sida kulamo u gaar ah haweenka, casharro, "wada hadal", ka hadalka dhaqanka, adeega qaxootiga, warbixinno ku saabsan mujtamaca, turjubaanka iyo warbixinno ku saabsan jaaliyadaha kala duwan.

Dalyeelka carruurta

Degmada waxay bixisaa xanaano ay ugu tala gashay qofka carruurta ku haysta guriga. Degmada waxa ay leedahay qaybta waxbarida sida xananada carruurta, xanaanada qoyska ee maalinti gaar ahan kuwa da'dooda u dhaxaysa 1 -5 sano.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Adeega iskoollada ee degmada Luvika waxuu ka kooban yahay iskoollada xanaanada carruurta, dugsi hoose dhexe (fasallada 1-9) iyo iskoollada ilmaha dhimirka ka xanuunsan. Waxaa degmadeena ku yaal 18 dugsiyada hoosedhexe ah oo eey dhigtaan arday tiradooda lagu qiyaaso 2600 oo kala dhigta fasallada xanaada illaa fasalka 9 (F-9) waxaa ku yaal degmada 2 iskoollada carruurta dhimirka ka xanuunsan loogu tala galay oo eey dhigtaan 33 arday ee fasallada 1-10.

Waxaa degmada ku yaal labo dugsiyada sare ah, iskoolka Västerbergslagens utbildningscentrum (VBU), oo ah mid eey degmooyinka Ludvika iyo Smedjebacken eey isla maamulaan, waxaa kaloo jira dugsi sare oo ah mid gaar loo leeyahay waxaana la dhahaa ABB industrigymnasium.

Furadaha waxbarasho

Degmadu waxay bixisaa waxbarasgo kala duwan ee dadka waaweyn iyo luqada iswiidhishka ee dadka ajnabiga ah, sfi. Websidka degmada waxaad ka akhrisan kartaa wixii fursado dheeraad ah ee jira.

Fasalka Waxbarashada dadka waaweyn oo ay joogaan arday iyo macalimiin.

Caafimaadka

Gudaha Ludivika waxaa degmadu doonaysaa in dadka oo dhan ay dareemaan caafimaad fiican. Hadaad xanuusatid, hadaad dhaawacanto ama hadaad talo caafimaad u baahan tahay waxaad heli kartaa caawimaad inaad hesho waxa aad u baahantahay. Maamulka gobolka ayaa mas'uul ka ah inta badan dhanka daryeelka caafimaadka iyo bukaanka aad helayso. Waa maamulka gobolka kuwa aad la xiriirayso marka aad xanuusanayso.

Caawinaad turjubaan

Degmada waxeey leedahay xafiis turjumaad oo loogu tala galay dadka degmada degan ee wadamada kale kasoo jeeda isla markaana aanan aqoonin luqadda iswiidhishka. Waxaan heynaa adeegyada turjumaadda, fasiraadaha kala duwan iyo koorsooyin waxbarasho oo loogu tala galay dadka turjubaanka isticmaala.

Xiriirka gaadiidka

Degmada waxeey laba saac u jirtaa Stockholm, 11 mayl waxeey u jirtaa Västerås 12 maylna waxeey u jirtaa Örebro, intaasoo oo magaalo oo u dhow degmada Ludvika waxeey ka dhigeysaa meel soo jiidasho leh oo laga shaqeyn karo lana degi karo.

Laba qof oo baaskiiladooda isku dhinac wada kana talaabaya buundo.

Shaqo iyo ganacsi

Shirkada ABB waa shaqa bixiyaha ugu weyn e degmada waxaa u shaqeeya 2 700 oo shaqaale. Waxaa kusoo xiga degmada Ludvika oo shaqaaleysiisa qiyaastii 2500 oo qofood. Degmada boggeeda internetka waxaad ka akhrin kartaa shaqooyinka ka bannaan degmada iyo degmada ka shaqa bixiye ahaan.

Ludvika waxaa yaal caawimaad hadaad rabtid inaad furatid shirkad. Waxaa jira guddiga qaabilsan waxsosaarka degmada oo si fudud kaaga caawinaya waxyaabaha loo baahan yahay oo dhan si loo furto shirkad.