Lund

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Lund waa mid ka mid ah magaalooyinka ugu da’da weyn Iskaandineefiya waxaana ku taalla mid ka mid ah boqolka jaamacadaha aduunka ugu darajada sarreeya. Halkan waxaa ku kulma dhaqanka iyo abuurista; halkan masaafadu way gaabantahay, cilmi-baarituna waxay ka mid tahay kuwa ugu fiican aduunka. Degmada Lund waxay u dhowdahay wax badan. Halkan waxaa laga helaa magaalo, miyi iyo deegaan dabiici ah iyo nolol shirkadlay iyo dhaqan. Halkan waxaa si fudud looga helaa wax dadka oo dhan ku habboon. Soo dhawow!

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

124741

Cabirla dhulka

440 kiilomitir oo laba jibaaran

Kaniisadda Lund.

Deegaan

Shirkadaha guryaha ee degmada Lund waxaa laga helaa shirkadda guryaha ee degmada Lund ee AB (LKF) iyo shirkado dhismo gaar loo leeyahay iyo shirkado guryo. Si guri kiro ah loo raadsado waa in adigu aad la xiriirto mulkiile dhismo oo kasta ama shirkadda dhismaha.

La xiriir degmada si aad u hesho liistada dhanka guri kireeyayaasha gaarka ah ee Lund iyo tuulooyinka Veberöd, Södra Sandby iyo Genarp.

Jid ku yaala Lund oo leh guryo gaboobay.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Degmada waxaa ka jira luqado badan oo kala gedisan. Wixii warbixin dheeraad ah kala xiriir qeeybta qaabilaada qaxootiga ee degmada.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Lund waxaa laga helaa nolol shirkado oo qani ah, doorashooyin wakhti firaaqo iyo dhaqan. Waxaa laga helaa dhowr boqol oo jaaliyadood, kulamo waxbarasho, ururro iyo wehelyo kale oo lagu hawlanaan karo. Dhinaca jadwalkayaga dhacdooyinka waxaad ka helaysaa warbixin ku saabsan waxa soo socda wakhtiga dhow.

Maxaa ka ag dhaw

Degmada Lund waxaa ka jira noocyo kala duwan oo dukaamo iyo bangiyo ah, maktabado, farmasiyo, xafiiska shaqada iyo degmada xafiiskeeda arrimaha bulshada iyo xafiiska muwaadiniinta. Hey'adda Cashuuraha iyo Qasnadda Caymiska waxay xafiis ku leeyihiin Lund.

Halkan waxaa ku yaala dhismayaasha isboortiga, hoolalka dabaasha iyo waxyaabo badan oo la kala dooran karo oo la xiriira hawlaha wakhti firaaqaha iyo dhaqanka.

Haweenay joogta foorno.

Dalyeelka carruurta

Degmada Lund waxay ku casuuntaa carruurta oo dhan boos ah dugsiga xannaannada laga bilaabo marka ay yihiin hal sanno ilaa inta ay bilaabaan iskoolka.

Adigaaga guriga la jooga carruur yar-yar oo aan ku qornayn dugsiga xannaannada waxaa si diirran laguugu soo dhaweynayaa dugsiyada xannaannada ee furan kuwaas oo u shaqeeya sidii goob lagu kulmo oo loogu talogalay carruurta iyo dadka waaweyn labadaba!

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Dugsiga hoose-dhexe waxaa dhigta dhammaan carruurta u dhexeysa 6 iyo 16 sanno. Billowga sannadka ilmahaagu buuxinayo 6 sanno waa wakhtigii la dhiibi lahaa rabitaanka nooca iskoolka ee ilmahaagu dhigan doono fasalka barbaarinta. Gudaha degmadan waxaad kala dooran kartaa dugsiyada hoose dhexe ee degmadu leedahay iyo kuwa madaxa bannaan labadaba.

Gudaha Lund waxaad kala dooran kartaa shan dugsi sare oo degmadu leedahay iyo laba iyo toban madax banaan. Dhinaca dugsiga sare ee degmadu leedahay waxaa laga helaa doorashada waxbarashooyin ballaaran si aad u awooddo in aad doorato waxbarashada adiga kugu haboon.

Degmada Lund waxaa lagu soo dhaweeyaa dhammaan carruurta iyo ardayda dalka ku cusub LundaVälkomsten. Halkan ayaan ku diiwaan gelinaa oo ku daraasadaynaa ardayga oo ka dib halkaas dhigta inta u dhexeysa 1 -3 toddobaad. Markaas ka dib ayaa ardayga lagu casuumaa boos iskool.

Furadaha waxbarasho

Xarunta hagidda ee Lund Vägledningscentrum waxaad ka heli kartaa hagid, qorsheyn iyo warbixin ku saabsan waxbarashada iyo suuqa shaqada. Waxaanu bixinnaa hagid waxbarasho iyo xirfad oo bilaa kharash ah oo waxaanu ku jiheysannahay adigaaga ah qof weyn oo ku jira diiwaan gelinta dadweynaha ee degmada Lund.

Iswiidhishka loogu talogalay ajnabiga (SFI) waxaa lagu casuumaa adigaaga ku nool gudaha Iswiidhan ee aan lahayn aqoonta aasaasiga ee afka Iswiidhishka. Dhinaca waxbarashadan waxaad ku baranaysaa hadalka, akhriska iyo qorista Iswiidhishka kuna tababaranaysaa in aad luqadda ku isticmaasho nolosha maalinlaha ah iyo shaqada. Ka dib markaad dhammayso koorsadan ayaad helaysaa shahaaddo. Dhammaan waxbarashadan waa bilaash.

Xarunta waxbarashada dadka waaweyn ee Lund waxay adigaaga doonaya inaad billowdo waxbarasho adigoo ah qof da' weyn kugu casuumaysaa dhowr waxbarasho kala duwan oo aad doorato. Qaabkaas ayaad ku dooran kartaa waxbarasho kugu habboon adiga oo ku salaysan waxyaabaha aad xiisayso, baahidaada iyo fursadahaaga.

Hanuunintan bulshada ee loogu talogalay dadka dalka ku cusub waa koorso ku saabsan Iswiidhan looguna talogalay adigaaga ku cusub Iswiidhan. Halkan waxaad ka helaysaa aqoonta ku saabsan xuquuqdaada iyo waajibaadkaaga, dimoqraadiyadda Iswiidhishka iyo sida bulshada Iswiidhishka u shaqayso. Koorsadan waxaa lagu bixiyaa luqaddaada hooyo ama luqad kale oo aad taqaano. Adigu waxaad xitaa koorsadan baran kartaa adigoo aan joogin goobta waxbarashada. Inta koorsadani socoto waxaad fursad u helaysaa in aad dhiibato su'aalo oo laga wada hadlo. Ka dib markaad dhammayso koorsadan ayaad helaysaa shahaaddo.

Akhri dheeraad ku saabsan waxbarashada dadka waaweyn ee degmadan.

Caafimaadka

Adigu waxaad heli kartaa dhowr qaab oo rugo caafimaad ah oo kala duwan gudaha degmada Lund. Halkan waxaa laga helaa rugo caafimaad, xarumaha daryeelka hooyada, xarumaha daryeelka carruurta iyo daryeelka ilkaha.

Rugta caafimaadka deg-degga ah ee ugu dhow waxay ku taallaa isbitaal jaamicadeedka Lund, waxaa kale oo jira isbitaallo ku yaalla Malmö iyo Landskrona. Wixi ah su'aalo iyo warbixin ku saabsan caafimaadka iyo daryeelka waxaad la xiriiri kartaa Hagidda Daryeelka oo laga helo telafoon lambarka 1177.

Caawinaad turjubaan

Markaad la xiriirayso dhamaan hay'adaha dowlada, degmada, iyo daryeelka caafimaadka waxaad xaq u leedahay turjubaan hadii aanad ku hadli karin ama aanad fahmaynin luqada iswiidhishka. Taana waa in hore laguugu sii balammiyo si arintaaka aad u hesho.

Xiriirka gaadiidka

Degmada Lund waxay leedahay fursado badan oo gaadiidka lagu safro ah oo waxay u dhowdahay oo si fudud looga safri karaa tusaale ahaan Malmö, Kobanheegan ama Helsingborg. Safarrada gudaha degmada iyo Skåne waxaa loo adeegsadaa Skånetrafiken. Waxa jira saddex ah xarumaha tareennada: Xarunta tareennada Lund, Gunnesbo iyo Stångby.

Dad jooga boosteejada tareenka.

Haddii aad doonaysid inaad u safarto masaafooyin dhaadheer, tusaale ahaan Göteborg, Stockholm ama magaalooyinka kale ee waaweyn ee ku yaalla Iswiidhan waxaad raaci kartaa tareenka SJ. Marka laga baxayo Lund waxaad xitaa bas u raaci kartaa gudaha Iswiidhan dhinaca Swebus iyo Nettbuss. Garoonada diyaaradaha ee ugu dhow waxaa laga helaa Malmö (Sturup) iyo Koobenheegan (Kastrup).

Shaqo iyo ganacsi

Lund waxaa laga helaa caado dheer dhinaca shirkadlayda. Wax badan oo nolosha ganacsiga ah waxay la xiriirtaa jaamicadda iyo isbitaalka, laakiin Lund waxay xitaa hoy u tahay shirkado badan oo guul gaaray.

Dhinaca Xafiiska Shaqada boggeeda intarnatka waxaa laga helayaa warbixin ku saabsan shaqooyinka bannaan. Haddii aad doonaysid inaad ka shaqayso degmada Lund markaas waxaad shaqooyinka bannaan oo dhan ka helaysaa degmada boggeeda intarnatka. Warbixinta ku saabsan in la billaabo oo la socodsiiyo shirkad waxaa laga helayaa degmada boggeeda intarnatka.