Strömstad

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Degmadeena wax walba waan u dhawdahay. Waxaa u dhaw waxyaabaha dabiiciga ah oo quruxda badan, miiga ama magaalo. Waxa u dhaqw shaqo, adeega dadwaynaha iyo dukaamo. Waxaa jira urur badana iyo dhaqan iyo waqtiyada fasaxa waxyabaha la isku madadaaliyo oo ayagana badan. Halkaan waxaad ka helaysaa wax qof walba anfacaya. Kusoo dhawaaw degmadeena!

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

13211

Cabirla dhulka

467 kiilomitir oo laba jibaaran

Deegaan

Degmada waxaa ku yaala shirkado guryo kuwa oo aad ka raadsan karto guryo kiroo ah, guyaha iskaashatada, iyo noocyada kale ee deegaan. Websidka degmada waxaad ka akhrisan kartaa wax badan sida guryaha banaan iyo shirkadaha xiriiriya guryaha.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Degmada waxaa ka jira luqado badan oo kala gedisan. Wixii warbixin dheeraad ah kala xiriir qeeybta qaabilaada qaxootiga ee degmada.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada waxaa jira jaaliyado badan oo kala duwan. Tusaale ahaan jaaliyadaha cayaaraha, jaaliyadaha dhaqanka, kaniisado iyo isbahaysiyo kala duwan. Wesidka degmada waxaad ka raadin karaa jaaliyadaha ka diiwaangashan kadibna waxaad kadooran kartaa jaaliyada markaa adiga ku anfacaysa.

Maxaa ka ag dhaw

Degmada waxaad ka heli kartaa waxkasto oo aad ku fakarto oo aad rabtid. Waxaa ku yaala maktabad, dukaan cunto iyo edeegyada kala duwan iyo dukaamo. Waxaa kale oo aad ka helaysaa dhismaha cayaaraha iyo waxyaabo kale duwan waqtiyada firaaqada- iyo dhaqan firfircoon. Websidka degmada waxaad ka akhrisan kartaa wax yaabaha jira iyo hawlaha firfircoon ee dhacaya.

Dalyeelka carruurta

Degmada waxay bixisaa xanaano ay ugu tala gashay qofka carruurta ku haysta guriga. Degmada waxa ay leedahay qaybta waxbarida sida xananada carruurta, xanaanada qoyska ee maalinti gaar ahan kuwa da'dooda u dhaxaysa 1 -5 sano.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Degmadu waxay bixisaa dugsi hoose dhexe waxay siisa ardaysa dhigata ilaa iyo fasalka sagaalaad. Websidka degmada waxaad ka heli kartaa warbixin dheeraad ah oo ku saabsan dugsiga hoose dhexe iyo xataa fursado ilaa iyo waxbarashada dugsiga sare.

Furadaha waxbarasho

Degmadu waxay bixisaa waxbarasgo kala duwan ee dadka waaweyn iyo luqada iswiidhishka ee dadka ajnabiga ah, sfi. Websidka degmada waxaad ka akhrisan kartaa wixii fursado dheeraad ah ee jira.

Caafimaadka

Degmada dhexdeeda waxaad ka qayb qaadan kartaa noocyada kala duwan ee daryeelka caafimaad. Waxaad ka heli kartaa xarun caafimaad ee arimada dadweynaha iyo waxaad kale ee hili kartaa xarunta daryeelka carruurta, xarurta daryeelka hooyooyinka iyo daryeelka ilkaha. Websidka degmada waxaad ka heli kartaa warbixio dheeraad ah oo ku saabsan halkuu qofku ka helo karo waxa ku saabsan daryeelka kala duwan ee caafimaadka.

Caawinaad turjubaan

Markaad la xiriirayso dhamaan hay'adaha dowlada, degmada, iyo daryeelka caafimaadka waxaad xaq u leedahay turjubaan hadii aanad ku hadli karin ama aanad fahmaynin luqada iswiidhishka. Taana waa in hore laguugu sii balammiyo si arintaaka aad u hesho.

Xiriirka gaadiidka

Degmada waxaa isku xera gaadiidka dadweynaha. Warbixin ku saabsan jadwalka waqtiyada iyo siyaabaha kala duwan ee safarda waxaad ka helaysaa websidka degmada.

Shaqo iyo ganacsi

Degmada ama meelaha la iskugu socdo waxaa ka jira shaqo bixiyayaal yar yar iyo waaweynba leh. Shaqooyinka jira ee la codsankaro waxad ka helaysaa oo lagu soo bandhigaa meesha ay ku qorantahay shaqooyinka banaan. Websidka degmada waxaad ka helaysaa warbixin ku saabsan qofka doonaya in uu furto shikad.