Ragunda

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Degmada Ragunda waxeey ku taal bariga gobolka Jämtland. Dadka degan degmada badankood weey is garanayaan. Taasna waxeey abuureysaa isku dhawaansho iyo ammaan gabid. Waxaan nahay dad iska war qaba. Masaafada eey xafiisyada dowladda dadka u jiraan weey dhowdahay, safafka guryaha loo galo lagama yaqaano meeshaan.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

5355

Cabirla dhulka

2633 kiilomitir oo laba jibaaran

Sawir diyaarad lagu qaaday korka Ragundadalen oo ay ka muuqato dhismayaal kala fog, doog iyo webiga yar ee Indalsälven oo buuro xaga dambe ka muuqdaan.

Deegaan

Gudaha Ragunda waxaa laga helaa guryo xaafadahayaga Bispgården, Stugun iyo Hammarstrand. Ragunda Bostad waa shirkada guryahay degmadu leedahay taas oo maamusha guryaha laakiin waxaa xitaa jira mulkiilayaal dhisme oo gaar loo leeyahay sida Sundsvalls bostäder iyoKA Driftteknik AB kuna taala Bispgården.

Waxaa kaloo jira fursado aad guryo ku kireysan kartid/ama gadan kartid, guryahaasoo ku yaal xaafadaha banaankooda. Guryahaas waxaa laga baahiyaa bogagga xayeeysiinta sida Blocket iyo Hemnet.

Akhri dheeraad ku saabsan guryaha degmadan.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Ragunda waxaa looga hadlaa 30-meeyo luqadood sida af-soomaaliga, tigree, carabi, burmees, isbaanish, iiraani/daari, jeek rebablikaan, islofaanikaan iyo holandees.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada qurxoon ee Ragunda waxaa yaala hoowlaha firfircoonida ee xilli firaaqaha oo badan. Garoon caws artifishaal uu yaallo, goobo isboortis, garoon fardo fuul, meelo lagu socdo, meelaha ciyaaraha barafka oo nuucyo badan leh. Hadaad rabtid inaad macluumaad dheeraada ka ogaatid howlaha firfircoonida ee xilli firaaqaha waxaa jira jaaliyado kalluumeeysi iyo jaaliyado kale.

Waxyaabaha dhaqanka la xiriira ee degmada weey badan yihiin waxaana jira jaaliyado badan oo da' kasta loogu tala galay. Iskoolkeena hiddaha iyo dhaqana waxuu ka mid yahay kuwa Iswiidhan oo dhan ugu fiican.

Maxaa ka ag dhaw

Dukaamo cunto, makhaayado, biibitooyin iyo maktabad ayaa waxeey ku yaallaan xaafadaha bartamaha degmada ku yaal ee Bispgården, Hammarstrand iyo Stugun. Hammarstrand waxaa ku yaal xafiis degmo, xafiiska shaqada, shineemo, farmashiiye, isteeshin boliis, dukaamo badan iyo dukaamada gacan labaad. Degmada xarunteeda is dhexgalka dadka waxeey xafiis ku leeyihiin Bispgården iyo Hammarstrand.

Dad waaweyn iyo caruur ku ciyaaraya barafka.  Dhowr qof oo hoos uga degaya buur watana gaadiidka snow racers.

Dalyeelka carruurta

Iskoollada xanaanada caruurta oo dhan waxaad warbixinnadooda ka heli kartaa degmada Ragunda boggeeda internetka. Degmad waxeey kaloo leedahay xarun xanaanada qoyska ah oo ku taal xaafada Hammarstrand iyo xanaanada furan oo ku taal Bispgården halkaasoo eey waalidiinta iyo carruurtooda isla aadi karaan.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Waxaa degmada Ragunda ku yaal afar dugsi hoosedhexe ah. Iskoollada Hansåkerskolan F-9 oo ku yaal Stugun, Järåskolan F-6 oo ku yaal Bispgården iyo Kullstaskolan F-5 iyo Anders-Olof skolan 6-9 oo ku yaal Hammarstrand.

Dugsiga sare ee Jämtlands gymnasium Bispgården (JGY) waxaa lagu bartaa barnaamijyada korontada iyo enerjiga, barnaamijka farsamada warshadaha iyo barnaamijka horudhaca sida kan luqadaha ee IM-språk.

Furadaha waxbarasho

Bispgården waxaa ku yaal iskool waxbarashada dadka waaweyn oo leh heerarka dugsiga hoosedhexe iyo sare iyo waxbarashada xirfadaha kala duwan. Waxaa kaloo jira waxbarasho xirfadeed ah dhinacyada alxanka iyo gacan yaraha kalkaalisada. Waxbarashada luqada iswiidhiska ee loogu tala galay dadka qaxootiga waxaa loo aadaa xaafada Hammarstrand.

Caafimaadka

Rug caafimad iyo dakhtarka ilkaha waxa laga hela Hammarstrand iyo Stugun. Bispgården waxa ku yaal rugta qaabilada ee kalkaalisoyinka.

Caawinaad turjubaan

Haddii uu baahan tahay turjumaan markaad la xiriirayso hey'addaha dawladeed, degmada iyo maamulka gobolka markaas waad helaysaa.

Xiriirka gaadiidka

Degmada Ragunda waxeey u dhaxeeysaa Sundsvall iyo Östersund, waxeey ku dhex taal bad iyo buuro qurux badan. Xaafada bartamaha degmada ku taal ee Hammarstrand waxeey 11 mayl u jirtaa Sundsvalla, 10 maylna waxeey u jirtaa Östersund 7 maylna waxeey u jirtaa Sollefteå. Jidka loo soo aado Ragunda waa inaad tareen ama diyaarad ku tagtid Östersund ama Sundsvalla kadibna aad baabuur ama bas soo raacdid. Maamulka gaadiidka dadweynaha ee gobolka Jämtland waxaad ka heli kartaa wakhtiyada basaska eey baxaan.

Shaqo iyo ganacsi

Degmada Ragunda waxeey ku taagan tahay dakhliga dhaqaale ee kasoo gala degmada oo ku saleeysan wax soosaarka 450 shirkadood iyo ururo. Shirkadaha badankood weey yaryar yihiin waana kuwo gaar loo leeyahay. Maadaama eey degmadu yartahay go'aamada kala duwan si dhaqsi ah ayaa loo gaaraa. Qaar kamid ah shirkadaha waaweyn ee degmada waa: Fors industrier, SCA Timber iyo Moderna försäkringar. Degmada Ragunda waa shaqa bixiye weyn gaar ahaan dhinacyada iskoollada iyo caafimaadka.