Säter

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Degmada Säter, oo leh 11 000 oo qof, waxeey ka mid tahay meelaha Darlarna ugu qurxoon uguna dhow magalooyinka, waxaa ku badan magalaanimada yar iyo baadiyaha.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

11116

Cabirla dhulka

625 kiilomitir oo laba jibaaran

Sawirka xagaaga ee jid qurxoon oo leh dhismayaal alwaax ka samaysan iyo shirkado yar yar.

In la dego degmada Säter waa in la dago meel qurxoon oo dagan laakina leh hoowlo, jawi magaalo weeyn, waxbarasho, shaqo iyo isgaargsiin meel dhow jirto. Säter waxaad ka heleeysaa xasiloonida, adigoo isla markaas ee kuu dhow yihiin waxyaalaha dhan aad uu dooneeyso naftaada iyo reerkaada. Shaqada oo ku dhow. Iskuulka oo kuu dhaw. Xilli firaaqo oo badan. Korniin uu fiican reerkaada.

Deegaan

Magaalada geedaha Säter waxdeey soo bandhigeeysaa degaan xaqiiq ka ah bey'ad magaalo yar oo dhawaanaansha uu leh dukaamo, biibito iyo maqaayado. Meelaha kale ee degmada waxeey lee dahay bey'ado gaar ah oo leh janiinadaha-dala oo gaduudan, dhul-beereed iyo jiq oo marmarka qarkood ku kala qeeybsamto halku webiga-dalarna tago.

Säter waxaa ku yaalo milkiyaale-guri oo kireeyo guriyaal. waxaad ka heleeysaa warbixinada-xariirka dhamaantood bogga degmada.

Markii ee arinta ku saabsan tahay qaxootiga dalka ku cusub, guri helida ka caawinaayo xafiiska isdhexgalka.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Kooxaha-luuqadeed weey kala duwan yihiin, waxeeyna ku xiran yihiin inta guurto iyo inta soo dagto. Waxaa ka mid ah oo jiro af soomaali, afka thayland, af kurundi, af sawaxili, afka iraan, af dari, afka ruushka, afka flibiin, af carabi iyo afka tigrinya oo meesha ku matalan.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Säter waxeey taajir ka tahay ururada. Ururada isboortiga waa qeeybta ugu weeyn ayadoo leh 40 ururo. Xataa dadka raadsanaayo howlooyinka xiliga firaaqada ee kale, waxeey heeystaan in badan oo ee kala dooran karaan tusaale ahaan dabida malaayga, liish, dhaq-dhaq wax sahmiyo, ciyaaro dhaqameed, kooxo hees, hoowl ka tirsan ururada hoowlgabka iyo curyaanka iyo in kale oo dheerad ah.

Degmada waxaa ku yaalo jid-iftiimeed oo koronto leh, goobo tennis, jidka baaskiilka mountainbike, jidadka skoterka, jidadka barafka iyo maaylo badan oo leh jid wareeg iyo jimicsi. Säter waxaa ku dhex yaalo goob barafeed, goob isboorti iyo goob dabaal.

Ururada shaqeeyo dhamaantood waxaad ka heleeysaa degmada diiwaankeeda-urureed.

Dhalinyarada waxaa uu jiro Ungdomens Hus oo ah goob loogu tala galay dhalinyarada uu dhaxeeyo 13-19 sano. Halkaan waxaa lala joogi karaa asxaabta, laguna casriyeeysan karaa biibitada, laga ciyaari karaa biljard, bingis, airhockey, ciyaaraha telefinishka, ciyaaro hal qof ka badan uu ciyaaro, qalabka heesaha ama lagu fuliyo hoowlo fudud.

Maxaa ka ag dhaw

Magaalada Säter waxaa ku taalo sadax dukaan oo cunto ICA, Konsum iyo Willys. Waxaa jiro dukaamo yaryar oo badan, dukaamo dhar iyo dukaamaha alaabta guriga, Lidens. Laanta cas waa ku taala Säter, waxeeyna kala wadaan dukaanka gacan labaadka iibiyo ee Kupan oo ku yaalo bartamaha. Waxaa sii jiro farmashiye, rug caafimaad iyo xafiis bulsho.

Jidad yar yar oo labada dhinacba ku leh guryo alwaax ka samaysan. Hal qof oo la taagan baaskiil meel yara fog iyo dhanka bidix oo laga arko meesha lagu sameeyo dhoobada.

Dalyeelka carruurta

Waxaan soo bandhigeeynaa xanaano-caruur ayadoo kala ah nuuca dugsiga xanaanada, xanaanadeeyn waxbarasho leh (guriga maalmeedka reerka) iyo guriga xilliga firaaqada. Xilliga ee furan tahay waa 06.30 1800, isliin ilaa jimco.

Haddii aad shaqo la'an tahay ama fasax waalidnimada ku jirto hoowsho waxaa la soo bandhigaa ayadoo la raacaayo tan soo socoto:

  • Hoowl dugsi xanaano: 15 saacadood isbuuciiba
  • Guriga xilliga firaaqada 10 saac isbuuciiba

Dugsiga xanaanada ee guud waxuu uu bandhigaan yahay 3 5 jirka (laga bilaaba dugsi xiliyeedka dayrta uu canuga gaaraayo sadax sano), waxuuna ka kooban yahay 525 saacadood/sanadkiiba. Dugsi xanaanada ee guud waa lacag la'aa. Hoowlaha sanadka waxeey ka bilaabmaan bisha sebtembar ilaa maayo. Haddii booska la sii deeynaayo, waa in labo bil ka hor la sii sheegaa.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Dugsiga hoose-dhexe

Xaafadha Säter waxaa ku yaalo dugsiyaasha hoose iskuulka Kungsgård fasalka 1-6, iskuulka Prästgärd fasalka 1-2 iyo iskuulka Klockar fasalka 7-9, Stora Skedvi waxaa ku yaalo iskuulka Stora Skedvi 1-6, Gustafs waxaa ku yaalo iskuulka Enbacka fasalka 1-6. Ka akhriso in dheeraad ah oo ku saabsan dugsiyada hoose dhamaantood, gudaha bogga degmada.

Dugsiga sare

Degmada Säter waxeey soo bandhigeeysaa waxbarashada dugsi sare oo laga dhiibaayo Dahlander kunskapscentrum oo ah ku yaalo meesha qurxoon ee Skönvik oo dhow wabiga Ljustern gudaha Säter. Iskuulka waxuu soo bandhigaa shan barnaamij oo qarameed: Barnaamijka barashada bulshada, Barnaamijka cilmigi sayniska, Barnaamijka dhaqaalaha, Barnaamijka farsamada iyo barnaamijka daryeelka iyo xanaaneeynta. Sido kale iskuulka waxuu lee yahay barnaamijka-bilaabadka.

 

Furadaha waxbarasho

Waxbarashada dadka waa weeyn waxaan ku soo bandhigeeynaa waxbarasho sax ah heerkaad aa ku jirtabee.

Waxaan soo bandhigeeynaa:

  • Waxbarasho heer dugsi hoose
  • Waxbarasho heer dugsi sare
  • Waxbarashada dadka waa weeyn ee gaarka
  • SFI Barashada Iswiidhishka loogu tala galay ajnabiga
  • Waxbarasho la soo dalbay

Caafimaadka

Magangalyo doonka iyo qaxootiga dhamaantood waxaa loo soo bandhigaa kadib markii Iswiidhan imaadaan wadahadal-caafimaad. Wareeysiga waxuu siinaa qofka warbixin bilaabad ah oo ku saabsan habka uu shaqeeyo daryeelka bukaanka iswiidhan.

Wadahadalka waxaad kula kulmeeysaa kalkaaliso caafimaad, markii loo baahdana turjumaan shahaado uu heeysto xirfada. Waxaan ka hadleeynaa cuduro hore oo jiro kare iyo dhibaato caafimaad, waxaana dulmareeynaa baahida aad uu qabto baaris, daryeel, dhig/kaadi-qaadin, talaal iyo difaaca-faafinta.

Wadahadalka qasab ma ahan, waana lacag la'an.

Rugta caafimaadka Säter waxaa ku yaalo talobixinta-caafimaad, qaabilaad dhakhtar, qabilaad kalkaaliso, qaabilaada-wadahadal, umuliso iyo daryeelka caafimaadka hooyoyinka, baxnaaneyn, caafimaadka-qaxootiga iyo in kale oo la mid ah.

Caawinaad turjubaan

Qofka aan si fiican uu aqoon afka iswidhishka waxuu xaq uu lee yahay turjumaan markuu la xariiraayo hey'addaha dhamaantood. Degmada Säter waxeey heshiis la lee dahay xafiiska-turjumaanada ee gudaha Borlänge.

Xiriirka gaadiidka

Säter waa dhawdahay. Goob duulimaad waxeey uu jirtaa Säter 15 daqiiqo. Jidka tareenka iyo jidka gaarida waxeey maraan magaalada. Waxaa jiro xariiro basas oo lala lee yahay qeeybaha kala duwan ee gobolka iyo qeeybo kale oo Iswiidhan.

Shaqo iyo ganacsi

Degmada Säter iyo maamulka gobolka Dalarna ayaa ah shaqo-bixiiyayaasha ugu weyn.

Waxaa bilaabatay wadashaqeeyn ka dhaxeeyso degmada Säter iyo xafiiska shaqada ayadoo la isku dayaayo in la abuuro shaqooyinka suq-galinta (nystarts-jobb) iyo lug-lagalida (Instegs) oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub iyo dadka ajnabiga ka soo jeedo.