Lerum

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Lerum waa degmada reerada uu fiican, lehna xariir gaadiid fiican oo tago magaalada dariska Göteborg!

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

42221

Cabirla dhulka

259 kiilomitir oo laba jibaaran

Dad laga arko xaga dambe iyo biyaha qasabadaha kor uga soo baxa oo xaga hore laga arko suuqa Lerum.

Deegaan

Lerum waxaa ka jirta kala duwanaansho weyn dhinaca hoyga iyo shirkaddaha guryaha. Shirkadda ugu weyn waa Förbo laakiin waxaa jira xitaa dhowr shirkaddo oo gaar loo leeyahay. Laakiinse waa in qofku safka kaga jiro Förbo dhowr sano si loo helo fursada in guri lagu casuumo.

Marka adigaaga dalka ku cusub aad Lerum ku timaado in laguu soo wareejiyay waxa ay degmadu ku siinaysaa meel aad ku noolaato. Meel lagu noolaado micnaheedu maaha in qof kastaba helayo guri gaar u ah. Xaalada guryaha ee aaga Göteborg waxaa aad ugu yar guryaha la kireysto, xitaa gudaha degmada Lerum. Degmadu badanaaba waxa ay bixin kartaa ku casuumida meel ah guri la wadaago halkaas oo qofku kireysanayo qol gaar u ah laakiin meelaha qaarkood la qaybsanayo dad kale.

Haddii aad iskaa u timaado Lerum, ma jirto fursad aanu degmo ahaan u haysano in aanu kugu casuuno wax hoy ah.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Degmada waxaa ka jira luqado badan oo kala gedisan. Wixii warbixin dheeraad ah kala xiriir qeeybta qaabilaada qaxootiga ee degmada.

Waxbarashada afka hooyo waxaa lagu dhigaa luqado badan oo kala duwan, waxaana ka mid ah carabida, boosniga, seerbiga, karawaatiga, faarsiga, kurdiga, ruushka iyo boolandiiska.

Jaaliyado iyo ururu

Lerum waxaa ku yaalo ururo badan oo leh nuucyo kala duwan, tusaale ahaan urada isboortiga iyo jimicsiga iyo ururada dhaqanka iyo xilliga firaaqeedka. Waxaa jiro ururo luugo tala galayba caruur iyo dadka waa weeynba. Ururada dhamaantood waxeey ku wada jiraan diwaanka-ururada.

Caruur ordaysa tartanka orodka ee Lerum.

Maxaa ka ag dhaw

Degmada Lerum waxeey ka kooban tahay bulshooyin badan, waxaa ka mid ah Lerum, Gråbo iyo Floda. Bulsho kasto waxeey lee dahay bartame leh soo bandhigyo adeeg iyo ganacsi. Bartamaha Lerum ayaa leh soo bandhiga ugu weeyn ee adeegyada muwaadinka iyo dukaamada. Halkaan waxaa ku yaalo guriuga-degmada, xafiiska dadka weeynaha, xafiiska bulshada, maktabada, xafiiska shaqada, farmashiye, rugta caafimaadka iyo in kale.

Wiil caawimaad ka helaya shaqaalaha maktabada.

Bartamaha Gråbo waxaa ka mid ah oo ku yaalo dukaan raashin, maqaayad bitsa, farmashiye iyo maktabad.

In yar oo ka baxsan bartamaha Lerum waxaa ku yaalo dukaamo kale oo badan, waxaa ka mid ah dukaanka sicirka jaban ee Lidl. Shan kilomitir in ka baxsan bartamaha Lerum waxaa ku taalo goobta Halun, halkaas waxaa ka mid ah oo ku yaalo dukaanka weeyn ee raashinka Ica Kvantum.

Bartamaha Lerum waxaa ku taalo goobta caanka ee dabaasha Vattenpalatset. Halkaan waxaa yimaado caruur iyo dad waa weeyn oo ka wado socdo goobaha-Göteborg si ee ugu dabaashaan.

Dalyeelka carruurta

Degmada Lerum waxaa ku taalo in ka badan 50 dugsi xanaano iyo dugsiga maalmeedka reerka oo leh shaqaale haboon ahna kuwo hami uu hayo caruurta. Waxaa la jiro kuwo degmadeed iyo kuwo madaxbanaan.

Caruurta dugsiga xanaanada oo banaanka lugaynaya.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Degmada Lerum waxeey heeysaa soo bandhig balaaraan ee dhanka fursdaha waxbarashada laga bilabaa dugsi xanaano, xanaanda maalmeedka ee reereed iyo dugsiyaal hoose ilaa dugsi sare iyo waxbarashada dadka waa weeyn. Waxaa ku jiro kuwo degmadeed iyo kuwo madaxbanaan. Bartamaha Lerum waxaa ku yaalo dugsiga sare ee Lerum oo soo bandhigaayo barnaamijyo dugsi sare oo badan. Sido kale dugsiyaal badan ayaa ku yaalo degmooyinka-dariska oo la kala dooran karo sidii tusaale ahaan Göteborg, Borås ama Alingsås.

Furadaha waxbarasho

Qofkii waxbarasho in uu dhigtoo doonaayo waxeey Lerum uu soo bandhigeeysaa fursad waxbarasho asago weeyn. Waxbarashada dadka weeyn ee Lerum waxaa ku dhigan kartaa sfi (iswiidhishka ajnabiga loogu tala galay) iyo koorsooyin kale oo badan iyo waxbarasho. Waxaa jiro koorsooyin oo ka mid yihiin xanaanada, waxbarashada bulshada iyo isticmaalida kombiyutarada. Tareenka ku socdo Göteborg waxuu qaataa lee 20 daqiiqo, halkaasna waxbarasho kale ayaa laga dooran karaa tusaale ahaan Jaamacada Göteborg iyo Jaamacada farsamada ee Chalmers.

Arday wada qaxwaynaya.

Caafimaadka

Degmada Lerum waxaa laga helaa doorashooyin fiican dhanka daryeelka caafimadka iyo bukaanka. Waxaa laga helaa afar ruggo caafimaad oo ku yaala bartamaha Floda, Gråbo iyo Lerum. Sidoo kale ruggaha caafimadka waxaa laga helaa ruggaha caafimaadka ee caruurta (BVC) iyo Qaabilaada umulisooyinka. Sido kale bartamaha Lerum waxaa ku taala Qaabilaada daaweeynta caruurta iyo dhalinyarta, qaabilaada dhalinyarada, qaabilaada umulisada, iyo qaabilaada baxnaaninta. Waxaa kale oo laga helaa rugaha daryeelka ilkaha oo ku yaala degmada Lerum, kuwo madaxbanaan iyo kuwo guud. Daryeelka ilkaha dadweynaha waxey ku yaallaan Floda, Gråbo, iyo bartamaha Lerum. Göteborg waxaa ku yaala isbitaalo waaweyn oo badan oo leh qaabilaadyo takhasus iyo qaybaha lagu dhalo caruurta.

Caawinaad turjubaan

Markaad la xiriirayso dhamaan hay'adaha dowlada, degmada, iyo daryeelka caafimaadka waxaad xaq u leedahay turjubaan hadii aanad ku hadli karin ama aanad fahmaynin luqada iswiidhishka. Taana waa in hore laguugu sii balammiyo si arintaaka aad u hesho.

Xiriirka gaadiidka

Tareenka uu dhaxeeyo Lerum iyo Göteborg waxuu qaadanaa lee 18 daqiiqo, baskana waxuu qaadana 28 daqiiqo. Tareenka iyo baskaba inta badana waa baxaan. Jidka baaburred ee uu dhaxeeyo Lerum iyo Göteborg si fiican uu dhisan yahay. Masaafad gaaban ee uu dhaxeeyso Lerum iyo Göteborg waxeey uu haboontahay in lagu safro. Dad badan oo degan Lerum ayaa ka shaqeeyo Göteborg. Warbixinta dhamaanteed oo ku saabsan waqtiyada iyo sicirka waxeey ku jiraan bogga Västtrafik.

Boosteejo ay joogaan dad raacaya tareen.

Shaqo iyo ganacsi

Degmada ama meelaha la iskugu socdo waxaa ka jira shaqo bixiyayaal yar yar iyo waaweynba leh. Shaqooyinka jira ee la codsankaro waxad ka helaysaa oo lagu soo bandhigaa meesha ay ku qorantahay shaqooyinka banaan. Websidka degmada waxaad ka helaysaa warbixin ku saabsan qofka doonaya in uu furto shikad.