Wararka

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 6 8 2019

Halkan waxaad ka heli kartaa xiriiryada wararka oo ku qoran iswiidhish fudud, iyo wararka iswiidhishka oo ku turjuban luqado kale. Waxaad xitaa akhrin kartaa wararki ugu dambeeyay ee dhinaca Idaacada Iswiidhan.

Idaacadaha Raadiyowga qaranka Iswiidhan

​​​​​​Meeshan baa waxa ka heleysaa idaacadiihii ugu dambeyay Raadiyowga qaranka Iswiidhan. Hadii oo luqadaada hooyo lagu heleyn waxa isticmaaleynaa kan iswiidhishka.

Tuuji qoralka idaacada sidaa idaacada ugu akhrisatid bogga internetka Raadiyowga qaranka Iswiidhan. Isku xiriiriyahay wuxu furi daaqad kale

Samia:"Djibuutiba boolisku sidaas ayuu noo geli jirey"

Tue, 02 Jun 2020 17:15:00 GMT+2

Mudaharaad dijitaal ah oo looga soo horjeedo falkii George Floyd oo ku geeriyooday gacanta ciidanka ammaanka ee dalka Mareeynka ayaa maanta Sweden lagu qabtay. Kulankan waxaa soo qabanqaabiyay qaar ka mid ah ururada dalka ee u ololeeya ka hor taga midab takoorka. Samia Djama ayaa ka mid aheeyd dadkii ka qeeyb galay kulankaas.

Gobollada dalka oo aan ka sineyn xadka cabbirka cayilka

Tue, 02 Jun 2020 15:43:00 GMT+2

Gobollada dalka ayaa siyaabo kala duwan u arka cayilka haweenka, gaar ahaan kolka ey u baahan yihiin adeegga dhanka bacriminta. Tusaale ahaan nawaaxiga Jämtland Härjedalen ayuu xadka cayilka haweenka loo ogol yahay bacriminta uu ka hooseeyaa gobolka Gävleborg. -Waxaan ku fekeraa hadduu xadku fikir macquul ah yahay, waxay ahayd in dalku ka mideeysan yahay, sida ay sheegtay Anna oo magaca iyo codkeedaba la bedelay.

Xaaladda dalka ee covid-19

Tue, 02 Jun 2020 15:00:00 GMT+2

65 qof ayaa afar iyo labaatankii saac ee ugu danbeeyey Sweden ugu geeriyoodey xanuunka  covid-19, iyadoo guud ahaan dadka u geeriyooday cudurka tiradoodu tahay 4 468. Tirada la xaqiijeyey ee dadka ku nool isla markaana laga helay fayraska koroona ayaa guud ahaan ah 38 589 qof.

Dib u dhac ku iman kara fulinta kordhinta da'da howl-gabka

Tue, 02 Jun 2020 13:37:00 GMT+2

Waxay dhibaato ka iman kartaa fulinta qorshaha in la kordhiyo da’da howl-gabka sannadka 2023. Hey’adda howl-gabka ayaa iminka ka digeysa iney ku adag tahay fulinta arrinkaa iyadoo isla markaana hey’adda laga doonayo hirgelinta lacagta ay dowladdu ku kordhisay gunada howl-gabka.

Shaqaalaha bukaanka corona oo ka cabanaya caafimaadka dhimirka

Tue, 02 Jun 2020 11:29:00 GMT+2

Kadeedka balaaran ee ka yimid fayraska koroona ayaa khatar weyn ku ah caafimaadka dhimirka shaqaalaha goobaha daryeelka caafimaadka sida ka muuqata cilmi baaris iyo cisbitaalada. Baaritaan horey loogu sameeyey fayraska "sars" oo mar hore dunida ku faafay ayaa muujinaya iney weyn tahay khatarta caafimaad darrada dhimirka ee la soo gudboonaata shaqaalaha daryeelaya bukaan-socodka corona la il daran.

Khad qarameed lagu bixineyo macluumaadka covid-19

Mon, 01 Jun 2020 20:49:00 GMT+2

Koowda bisha juun ayuu dalka ka hirgalay khad telefoon oo qaran, midkaasina oo loogu talo galey bulshada ku dhaqan dalka ee luuqadda iswiidhishka aan kaga baahi bixi karin arrimmaha la xiriira faafidda fayruska corona, sida uu sheegay Haibe Hussein oo warreeysi siiyay laanta afka soomaaliga ee Raadiyaha Sweden. Tallaabadn ayay ka horreeysay mid dhiggeeda ah oo horay looga fuliyay xarun-cilmiyeedka dhaqammada ee gobolka Stockholm.

Yassin:"Gabadh ayaa iga joogta Los Angeles"

Tue, 02 Jun 2020 16:46:00 GMT+2

Dilkii dalka Mareeykanka loogu geystay George Floyd todobaadkii hore ayaa dood balladhan ka dhaliyay dalkaas iyo waddamo kaleba. Floyd wuxuu ahaa nin madaow oo u dhashay dalka Mareeykanka. Dhanka kale ayaa booliskiii lagu eedeeyey inuu geeridiisa ka dambeeyay dhowaan lagu soo oogay dacwad. Arrimmahaasi ayay laanta afka soomaaligu warreeysi kala yeelatay Ali Yassin Dahir oo gabadh uu dhalay ay ku dhaqan tahay  magaalada Los Angeles.

Xaaladda dalka ee covid-19

Mon, 01 Jun 2020 14:57:00 GMT+2

Afar iyo labaatankii saac ee ugu dambeeyey ee ugu danbeeyey ayey xanuunka covid-19 u dhinteen dalka Sweden 8 qof iyadoo guud ahaan dadka u geeriyooday cudurka tiradoodu tahay 4 403. Tirada la xaqiijeyey ee dadka ku nool isla markaana laga helay fayraska koroona ayaa illaa iminka ah 37 814 qof.

Yey dani ugu jirtaa wax ka bedelka xeerka xuquuqda shaqaalaha?

Mon, 01 Jun 2020 12:59:00 GMT+2

Dowladda ayaa maanta soo bandhigeysa baaritaankii la xiriiray xeerka xuquuqda shaqaalaha ee magaciisa loo gaabiyo LAS.Xeerka ayaa hadda sheegaya in qofka ugu danbeeyey shaqada laga fariisin karo haddii shirkadda ama hayaddu la soo gudboonaato dhaqaale darro ama shaqa la'aan. Arrinkan ayaa dood wayn ka dhex abuurey xisbiyada dalka, halka ururrada shaqaaluhuna diiddan yihiin farafareynta xeerka LAS.

37 jir iswiidhish soomaali ah oo ku geeriyooday xabsi mareeykan

Mon, 01 Jun 2020 11:46:00 GMT+2

Nin 37 jir iswiidhish ah, asalkiisuna yahay soomaali oo ku jiray xabsiga Lompoc, magaalada Kalifornia ee dalka Mareeykanka ayaa u geeriyoodey xanuunka covid-19. ”caddaalad darro”, sida uu sheegay qareenkiisii David Stern. 37-jirka ayuu xabsigu uga dhinnaa muddo sannad iyo bar kolkii xoriyaddiisa uu dib ugu heli lahaa.

Nabarka cunsuriyadda mareykanka oon wali la dhayin

Tue, 02 Jun 2020 16:46:00 GMT+2

Dilkii loo geystay George Floyd, ahna nin madow oo u dhashay dalka Mareeykanka ee uu ka danbeyey nin boliis ah ayaa keenay in dacwad lagu soo oogo ninka diley waxaase aan wali dalka ka istaagin mudaaharaadyadii. Mudaaharaadyo nabada ayaa bilowgii ka dhacay dalka Mareykanka oo dhan kadib markii George Floyd, aabbe madow oo laba carruur leh uu ku dhintay gacanta boliiska todobaad ka hor 25-kii maajo 2020.

C/llahi: Maalin mugdi ah ayay noo tahay reer Göteborg

Sun, 31 May 2020 20:47:00 GMT+2

Haddii aannu nahey reer Göteborg, gaar ahaan dhallinyarada magaaladan ku dhaqan waxay noo tahay maalin mugdi ah oo aannu ku waynay, macallinkii, saaxiibkii, shiikhii aabbihii waynaa ee magaaladeenna Cabdiraxmaan Muxyadiin oo dhowaantan  u geeriyooday xanuunka covid-19. Cabdullaahi Maxamed ayaa sheegay inay weli u muuqato maalintii ugu horreeysay ee uu shiikha la kulmo.

Goobaha tacliinta oo dib loogu laaban doono

Fri, 29 May 2020 15:04:00 GMT+2

Howlaha tacliinta ee jaamicadaha, dugsiyada sare iyo waxbarashada dadka waaeyn mar kale ayaa si caadi ah u bilaaban doono dayrta foodda innagu soo haysa, sida uu sheegay ra’iisal wasaare Stefan Löfven. Wasiirka waxbarashada Anna Ekström ayaa sheegtay in dugsiyada sare ay si caadi ah u howl-galayaan laga bilaabo 15 juun.– Laga bilaabo 15 juun dib ayay u bilaabaneysaa waxbarashada  dugsiyada sare, sida ay sheegtay.

Corona oo sababay kor u kaca shaqa la’aanta dhallinyarada

Fri, 29 May 2020 13:38:00 GMT+2

Shaqa la’aanta dhallinyarada da’doodu u dhaxeeyso 15-24 sano oo bishii febraayo aheyd 20 boqolkiiba ayaa gaartay 25 boqolkiiba bishii abriil sida ka muuqata tirakoobka heyadda tirakoobka  ee lagu magacaabo Statistiska centralbyrån. Dhallinyarada aan shaqeyn waxna baran ayey tiradoodu kor u kacdey 40 000 intii u dhaxeeysay bilaha febraayo iyo abriil.

Tartammada ciyaaraha kala duwan oo furmi doona 14 juun

Fri, 29 May 2020 10:39:00 GMT+2

Wasiirka ciyaaraha Sweden Amanda Lind ayaa maanta shir jaraa’id ku sheegtay in dowladdu ogolaatay in tartarammada ciyaaraha dib loo bilaabi doono 14-ka juun. Amanda Lind ayaa sheegtay in go’aankani khuseeyo dhamaan ciyaaraha kala duwan ee ragga iyo dumarka ee heerarka kala duwan ee lagu ciyaaro goobaha furan, hase yeeshee loo baahan yahay in la raaco talooyinka hayadda caafimaadka bulshada.

Xaaladda dalka ee covid-19

Thu, 28 May 2020 15:15:00 GMT+2

Afar iyo labaanti saac ee ugu danbeeyey wuxuu covid-19 ku diley Iswiidhen 46 qof iyadoo guud ahaan dadka u geeriyooday cudurka tiradoodu tahay 4 266. Tirada la xaqiijeyey ee dadka ku nool Iswiidhen isla markaana laga helay fayraska koroona ayaa ah 35 727 qof.

Löfven: Waan ka xumahay inaan tijaabooyin badan la qaadin

Thu, 28 May 2020 13:27:00 GMT+2

Madaxa dawladda Sweden Stefan Löfven ayaa wareysi uu maanta  siiyay laanta idaacadda ee Studio Ett ku xaqiijiyey iney aheyd in dad badan laga baaro xanuunka covid-19, isagoona sheegay sababta ay sidaa u noqon weyday iney tahay mid la xiriirta dowladda iyo gobalada oo tallaabadan aan isla fahmin habkii loo fulin lahaa. Sweden ayaa wada hadallo kula jirta waddammada deriska si looga xaajoodo arrimmaha socdaalka.

Dowladda oo lagu eedeeyey diyaar garow xumo

Thu, 28 May 2020 12:00:00 GMT+2

Dalka Sweden ayay  ka jirtay cabasho la xiriirtay helitaanka agabka looga hortago fayruska corona taasoo ka horeysay intaanu dunida ku faafin, iyadoo ay dhanka kale jirtay aqoon-darro la xiriirtay diyaar garowga sida ka muuqata baaritaanka laanta wararka Ekot. Hase yeeshee ay haddana dowladdu ku tilmaantay diyaargarowgu inuu yahay mid wanaagsan.

Carwa sannadeedkii buugagta Göteborg oo sannadka la baajiyey

Thu, 28 May 2020 10:45:00 GMT+2

Markii ugu horreeysay muddo 35 sannadood ah ayaan sannadka la qaban doonin carwa-sannadeedkii buugagta ee magaalada Göteborg, sida go'aan lagu gaarey. Hase yeeshee waxaa bedelkeeda la qaban doonaa kulammo wada hadal oo dijitaal ah. Wada hadallada qoraayada ayaa lagu kala qaadi doonaa magaalooyinka Stockholm, Göteborg iyo dalka Koonfur Afrika, oo mowduuca sannadka ee carwada la qorsheeynayey inuu noqdo.

Xaaladda dalka ee covid-19

Wed, 27 May 2020 15:54:00 GMT+2

24-kii saaca ee ugu danbeeyey waxaa cudurka covid-19 u geeriyoodey 95 qof iyadoo guud ahaan dadka u geeriyooday cudurka tiradoodu ey iminka tahay 4 220 . Tirada la xaqiijeyey ee dadka ku nool Sweden isla markaana laga helay fayruska koroona ayaa ah 35 088 qof.