Waxaan heystaa xirfado shaqo oo hore

Haddii aad heysatid xirfad shaqo iyo/ ama waxbarasho kooban waxaad fursad u heli kartaa inaad buuxsatid khibradaada iyo awoodaada xirfadeed.

Billoow jidkii kugu hagi lahaay inaad shaqo hesho

Si aad kor u qaadid fursadaha ku aaddan inaad shaqo ka heshid Iswiidhan waa muhiim inaad sida ugu dhaqsiyaha badan u biloowdaa barashada luqadda iswiidhishka. Xafiiska shaqada waxaad ka heli kartaa jiheyn adiga gaar kuu ah oo laguugu wargalinaayo sida aad u heli kartid shaqooyin adiga kuu qalma.

Dhis awoodaada xirfadeed- kor u qaad jaanisyadaada shaqo

Sharrixidda awooddaada xirfadeed waxeey kuu fududeeyneysaa qorsheynta marxalada labaad ee shaqo raadiska.

Helida shaqo

Xafiiska shaqada waxuu leeyahay maclumaad badan oo kombiyuutarka lagu keydiyay kuwaasoo isugu jira shaqooyinka bannaan, warbixin ku saabsan xaalada dhaqaale ee suuqa iyo macluumaad ku saabsan sida loo qorto arji shaqo ama warbixin ku saabsan waraysiga shaqada oo aad ka faa'ideysan kartid markaad shaqo raadiska tahay.

Billaabidda shirkad kuu gaar ah

Haddii aad tahay shaqo raadis isla markaana aad heysatid shuruudaha leesaga baahan yahay si loo furto shirkad kuu gaar ah waxaad caawimaad ka heli kartaa xafiiska shaqada.

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri