Sharraxaad ka bixi awoodaada xirfadeed

Markaad shaqo ka raadsaneysid Iswiidhan waa muhiim inaad muujisid wixii aad horay uga soo shaqeeysay ama aad horay usoo sameysay si aad u heshid jiheyn wanaagsan oo ku aadan shaqada ama waxbarashada kugu habboon. In la qiimeyo awoodaada xirfadeed waxaa Iswiidhan looga yaqaan ansixin. Marka la ansixiyo awoodaada xirfadeed waxaa kuu fududaanayo inaad qorsheyso qeybta xigta ee ku aaddan inaad shaqo ka heshid Iswidhan.

 

Kaligaa qiimeyn ku sameey awoodaada xirfadeed

In sharraxaad laga bixiyo waxa aad taqaanad iyo shaqooyinka aad hore usoo qabatay waxaa lagu matali karaa ineey tahay in qofka uu qiimeyn ku sameeyo awoodaada xirfadeed. Xafiiska shaqada waxuu hayaa foomam loogu tala galay inuu qofka ku buuxiyo qiimeynta uu ku sameynayo aqoontiisa iyo xirfadaha uu horay uga soo shaqeeyay. Adigoo ka duulaya jawaabaha aad qortay ayaa waxaad ogaan kartaa sida aad khibradaada ugu isticmaali kartid suuqa Iswiidhan. Qiimeynta aad isku sameyneysid waxeey ku anfanceysaa markaad wadahadal la yeelaneysid shaqaalaha xafiiska shaqada ama qofka ah jiheeyaha xaga waxbarashada iyo xirfadaha. Waxaad qiimeynta isku sameyn kartaa inta aadan iska diiwaan galin xafiiska shaqada. Foomamka is qiimeynta waxaa lagu fasiray 12 luqadood oo kala duwan iyo 20 qeybo shaqo oo kala duwan. Waxaad ka heleysaa halkaan.

Baraaktiyo kala duwan ayaa albaabyo cusub furi kara

Haddii aad baraktiik ku sameysid goob shaqo waxaad aqoon dheeri ah ka heleysaa xirfadda, waxaad heleysaa khibrad, waxaad kaloo sii dhiseysaa khibraddii aad hore u laheyd.

Waxaa jira baraaktiyo kala duwan. Waxaad tusaale ahaan u sameyneysaa baraktiik si aad warbixin dheeraad ah uga heshid xirfad aad xiiseyneysid ama inaad baratid qaabab cusub oo shaqo. Ujeedo kale waa inaad tababar ku sameysid luqadda iswiidhishka adigoo goob shaqo joogo, inaad tijaabisid xirfad mar hore kuugu dambeeysay ama inaad tusisid awoodaada xirfadeed. Ugu dambeyn baraktiika waxuu ka dhaginyahay inaad tixraacyo ka heleysid shaqo bixiye wadanka Iswiidhan dhexdiisa.

La hadahal shaqaalaha xafiiska shaqada waxaadna weeydiisaa baraaktiigee adiga kugu habboon. Haddii aad rabtid inaad warbixin dheeraad ah heshid ka akhriso halkan.

Qiimeyn ku sameey awood xirfadeedkaada

Marka uu xafiska shaqada daraasad ku sameeyo baagraankaada, khibradaada iyo codsigaada, waxaa lagu sinayaa fursad inaad waxa aad taqaanid aad ku muujisid goob shaqo isla markaana waxa aad taqaanid isla goobta shaqo qiimeyn loogu sameeyo

Qiimeynta xirfadda marka la sameeyo waxaa kuu caddaanaya waxa aad u baahantahay inaad baratid si aad ugu sii shaqeeysid xirfaddaada. Qiimeynta xifadda kadib waxaa la ogaanayaa haddii aad u baahan tahay baraaktiik ama inaad waxbarasho gashid si aad u buuxsatid waxa kaa dhiman oo shaqadaada looga baahan yahay.

Qiimeynta xifadda waxeey socon kartaaa illaa saddax isbuuc waxaana lagu sameeyaa goob shaqo. Goobta shaqada waxaa caawimaad ka heleysaa qof adiga mas'uul kaa ah, qofkaasoo qiimeynaya shaqooyinka kala ee lagaa fiirinayo.  

Qiimeynta xirfadda waxaa loogu tala galay qofka aanan khibrad shaqo ka laheyn wadanka Iswiidhan ama qofkii heysta khirad oo aad u kooban. La hadahal shaqaalaha xafiiska shaqada waxaadna weeydiisaa baraaktiigee adiga kugu habboon. Haddii aad rabtid inaad warbixin dheeraad ah heshid ka akhriso halkan.

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri