Helida shaqo

Xafiiska shaqada waxuu abaabulaa adeegyo kala duwan oo aad ka qeyb qaadan kartid markaad shaqo raadis tahay, waxeey noqon kartaa siminaarro ku saabsan sida aad u qoreeysid arji shaqo dalbasho iyo talo ku saaabsan waraysiga shaqeed.

Si ad u aragtid shaqooyinka bannaan waxaad ka raadin kartaa halkaan. Haddii aad rabtid inaad ogaatid sida eey jaanisyaha shaqo ee xirfaddaada u egyihiin mustaqbalka waxaad ka raadisaa xafiiska shaqada adeegiisa lagu magacaabo jiheeyaha xirfadaha. Jiheeya xirfadaha waxuu ku fasiran yahay luqadda iswiidhishka ah oo kaliya.

Si aad uga qeyb qaadatid adeegyada kala duwan ee xafiiska shaqada waxaa shardi ah inaad si qof shaqo radis ah uga diiwaan gashan tahay xafiiska shaqada.  

Dhib miyaa inaad shaqo heshid ama waxaad u baahan tahay caawimaad dheeraad ah?

Haddii aad shaqo raadis tahay isla markaana uu jiro qof raba inuu ku shaqaaleeysiiyo waxuu xafiiska shaqada mararka qaarkood siinayaa shirkada ku shaqaaleysiineysa kaalmo dhaqaale waqti cayiman.

Sababta uu qofka shaqada ku siiyay u helayo kaalmada dhaqaale weey kaal duwan tahay. Waxaa laga yaabaa inaad u baahan tahay fursad aad ku baratid luqadda iswidhishka adigoo jooga goobta aad ka shaqeysid, in xaaladada shaqo eey u baahan tahay in la habeeyo sababo la xiriira cuuriyaannimo ama sababo kale oo la xiriira inaad caawimaad dheeraad ah u baahan si aad ula jaanqaadid ka shaqeynta Iswiidhan. Ujeedada ka dambeeysa in kaalmo dhaqaale la siiyo shirkadda ku shaqaalleeysiineysa waa in laguu fududeeyaa sidii aad shaqo ku heli laheyd.

Caawimaadaha kala duwan ee xaga shaqaaleysiinta waxaa loogu yeeraa waxyaabo kala duwan. Waxeey noqon karaan instegsjobbama nystartsjobb ​. La xiriir shaqaalaha mas'uulka kaa ah  si aad loo fiirsho haddii qaababkaan kaalmo ee shaqaaleysiinta aad dalban kartid. 

Waddooyin badan oo shaqo loo maro

Waxaa jira waddooyin badan oo shaqo loo maro, oo aannan aheyn kuwa uu xafiiska shaqada kaa caawiyo. Si toos ah ayaad ula xiriiri kartaa shirkadaha shaqada laga dalbado, dadka aad taqaanid ayaad u sheegi kartaa inaad shaqo raadis tahay, arjigaada shaqo ayaad qeybin kartaa, waxaad kaloo u jawaabi kartaa ogeysiisyada shaqo ee ku qoran bogaga internetka iyo joornaallada.

Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan siyaabaha kala duwan ee shaqo raadiska ayaa ka heleysaa halkaan.

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri