Waxbarasho

Ciwaankan dhexdiisa waxad ku ogaanaysaa wax badan oo ku saabsan fursadaha waxbarasho ee jira, qiimaynta aqoonta iyo sida aad u baran karto Af iswiidhishka.

Ka qaybgalaha barashada bulshada
Sawir: Mikael Jönsson

Af Iswiidhishka loogu talogalay ajaanibta (sfi)

Sfi waa waxbarasho aasaasi oo luqada iswiidhishka ah oo loogu talogalay dadka waaweyn ee ka weyn 16 sano, kuwaasoo deggen iswiidhan lakiin aan heysanim aqoon aasaasi ah ee luqada iswiidhishka. Sfi-ga waxaad dhigan kartaa wakhti buuxa ama nus. Waxbarashadu waa bilaash. Buugaagta waxbarashada waxad ka ammaahan kartaa iskuulka aad dhigato. La xiriir degmada si aad wax dheeraad ah uga ogaato Sfi-ga degmadaada.

Waxbarashada dadka waaweyn ee degmadu leedahay (Komvux)

Komvux-ku waa iskuul dadka waaweyni ka dhigan karaan isla waxa lagu dhigto iskuulka aasaasiga ah iyo dugsiga sare. Qofkaaga aan soo dhigan iskuul aasaasi ah ama dugsi sare ama aan heysan shahaado, waxa aad xaq u leedahay in aad dhigato komvux-ka. Haddii aad dhammayso komvux-ka waxad sii dalban kartaa kulliyad ama jaamacad. In aad dhigato komvux-ka waa bilaash laakiin waa in aad iibsato buugaagta iyo waraaqaha kale ee loo baahanyahay.

Waxbarashooyinka xirfadaha

Waxbarasho xirfadeed waa waxa lagu bedelan karo in aad waxbarasho wakhti dheer ka dhigato kulliyad iyo jaamacad. Inta waxbarashadu socoto waxay ardaydu la yeelanayaan shirkadaha xiriir aad u badan ayagoo tababar ku qaadanaya. Taasi waxay u fududayn doontaa inay shaqo helaan waxbarashada ka dib. Haddii aad doonayso in aad ogaato waxbarashooyinka xirfadeed ee jira waxa aad ka raadin kartaa waxbarashooyinka Myndigheten för yrkeshögskolan.

Jaamacad iyo kulliyad

Waxbarashooyinka jaamacadda iyo kulliyadda waxa laga bixiyaa dhibco iyo qalin-jabin isku mid ah. Waxa gobol walba ka jira ugu yaraan hal kulliyad ama jaamacad.

Barnaamij waxbarasho ama koorsooyin madaxbannaan

Barnaamij waxbarasho wuxu ka koobanyahay koorsooyin badan oo aakhirka qalin-jebin lagu gaarayo. In la qalinjebiyo macneheedu waa in lagu baasay dhammaan itixaanadii, waxbarashadiina la dhammaystay. Waa in aad akhrisato koorsooyinka ugu badan ee ku jira barnaamijka waxbarasho. Waxase jira koorsooyin aad iskaa u dooran karto. Tusaale ahaan si aad u qaadato qalinjebinta dhakhtarnimo, socianom, sharciyaqaan ama injineernimo waa in aad raacdo barnaamijka waxbarasho ee jira.

Haddii aad dhigato koorsooyin madaxbannaan, adiga ayaa iskaa u dooranaya sida ay u kala hor dhiganayso koorsooyinkaaga. Haddii aad wakhti buuxa wax dhiganayso waxad sanadkiiba akhrisanaysaa 60 dhibcood oo jaamacadeed.

Dugsiyada waxbarashada bulshada

Dugsiga waxbarashada bulshada (folkhögskola) waa dugsi loogu tala galay ardayda waaweeyn. Waxaad halkaas ku dhiganeeysaa koorsooyin ah heer dugsi hoose-dhexe iyo dugsi sare. Dugsiyo badan oo ka mid ah kuwaan waad degnaan kartaa adigo waxbarasho ku dhiganaayo. Dugsiyada waxbarashada bulshada waxaa ku baran kartaa koorsooyinka kala duwan:

  • Koorsooyinka guud ayaad dhigan kartaa badalka dugsiga sare iyo marmarka qaarkood dugsiga hoose-dhexe. Waxaad halkaa wax ku baran kartaa sannad ilaa afar sano ayadoo la fiirinaayo waxbarashadaadi hore. Xawliga waxbarashaduna waa deggan tahay kan komvux.
  • Koorsooyin gaar ah waa koorsooyin loo ku jiheeysan maado gaar ah. Waxaad tusaale ahaan dhigan karta heesaha ama farshaxanka. Sido kale waxaad dhigan kartaa shaqo gaar ah barashadeed tusaale ahaan hogaamiyaha guriga xilliga firaaqada ama kalkaaliyaha daryeelka.
  • Af-iswiidhishka loogu talagalay ajnebiga Waxaad dugsiga waxbarashada bulshada ku baran kartaa koorsooyin SFI ah.
  • Koorsada la qabsashada ee uu bixiyo folkhögskolan-ka waa waxbarsho loogu talo galay dadka soo galootiga ee cusub waxaana la dhiganayaa tusaale ahaan iswiidhishka iyo arimaha bulshada iyo qeybo loogu talo galay u diyaar garowka shaqada. Warbixin dheeri ah oo ku saabsan koorsada la qabsashada waxaad heli kartaa Folkbildningsrådet.
  • Folkhögskolespåret waa fursad loogu tala galay adiga ah dhalinyaro keligiis yimid una dhaxeeya da'da 17-21 sano in uu dhigto folkhögskola. Halkaan waxaad ka dhiganaysaa koorsooyin dugsi sare ah. Halkaan waxaad kaloo ka bilaabi kartaa oo kale hadii ay kaa maqan yihiin maadooyinka dugsiga hoose. Warbixin dheeri ah ka akhriso www.folkhogskolesparet.se

Dugsiyada waxbarashada bulshadu ayaa go’aan ka gaaraya qofka halkaa wax ku baranaya. Dugsiyada waxbarashada bulshadu waxay leeyihiin nidaam shahaado oo u gaar ah. Waxbarashada dugsiyadaan waxay ku siinayaan waxbarasho asaasi ah oo aad ku bilowdo jaamacadaha. Taas micneheedu waa in aad ka heleyso aqoonta aad u baahan tahay si aad wax ugu barato jaamicadaha.

Dhaqaale ma u haysaa in aad waxbarato? - Gunno waxbarasho

Dadka waaweyn ee waxbarta waxey ka codsan karaan kaalmada waxbarashada hey'adda dhexe ee kaalmada waxbarashada (CSN). Kaalmada waxbarashada waa kaalmo yo deeyn. Kaalmada waad heleysaa, lakiin deynta waa inaad dib usoo celiso ayada oo ay ribo saaran tahay. Arintaasi xitaa waxey khuseysaa haddii aad ka guureyso Iswiidhan. Marka aad codsaneyso waxaad dooraneysaa haddii aad rabto inaad lacag deynsato ama maya. Waxaad bilaabeysaa inaad dib u bixiso ugu horeyn lix bilood ka dib markii ugu danbeysay ee aad qaadatay kaalmada waxbarashada. Haddii aad heysato waxaad heli kartaa deeq badan, taas waxaa lagu magacaabaa deeqda dheeriga ah.

Waxaad xaq u leedahay deeqda waxbarasho ee Iswiidhan haddii aad heysato sharci degenaansho oo joogto ah (PUT). Taasi waxaad heystataa caadi ahaan haddii aad ka heshay sharci hey'adda socdaalka maadaama aad tahay qaxooti, magangelyo u baahan ama sabab la xariirta xaalado gaar ah oo adag dartood. Taasi waxey khuseysaa xitaa haddii ay sharcigaagu uu yahay mid waqti ku eg. Waa inaad buuxisaa oo kale shuruudaha kale si aad u hesho kaalmo waxbarasho, tusaale ahaan in waxbarashadu ay ku siineyso xaqqa kaalmo waxbarasho.

Ka qaxooti ahaan sida caadiga ah xaq uma lihid kaalmada waxbarashada ee iswiidhishka.

Warbixin dheeri ah waxaad ka heli kartaa bogga CSN ka, www.csn.se.

Aqoonsi-siin waxbarasho

Macanaha (Validera) waxaa weeyaan ansixinta waxa aan hab sax ah loo cabbiri karin. Haddii aad wax soo baratay ama aad khibrad xirfad u leedahay, laakiinse aadan shahaado u haysan, waxaa lagu qiimayn kara karti-xirfadeedkaaga. Taasoo ku suuragelin doonto inaad dhaqsi u dhamaystirato waxbarashadaada kaddib shaqaysato. Warbixin dheeraad ku saabsan ansixinta ka aqriso halkaan: https://www.arbetsformedlingen.se/For-arbetssokande/Yrke-och-framtid/Validera-din-kompetens.html

Qiimaynta waxbarashada waddamada kale

Haddii dugsi shisheeye ka soo qalin-jebisay heer dugsi sare, heer xirfadaha kulliyadaha ama heer jaamacadeed, waxaa shahaadada qiimayn karo Goleha jaamacadaha iyo kulliyadaha. Ansixinta waa lacag la’aan. Haddii nasiibxummo darteed aadan gebi ahaan ama qaar shahaadooyinka kamid ah haysan, inkastoo sidaasi tahay haddana waad codsan karta in taclintaada lagu qiimeeyo. Warbixin dheeraad ka aqriso: www.uhr.se/bedomning/utandokument

Turjumidda shahaadooyinka waddamada kale

Haddii dal shisheeya aad wax ku soo baratay oo luqada shahaadada ku qoran aysan ahayn af-ingriisi, af-fransi, af-isbanish, af-jarmal ama luqadaha lagu hadlo waqooyiga Yurub, waa in shahaadada la soo turjumma.

Waxaa lagu turjumma af-iswiidish ama luqad kamid ah luqadaha kor ku xusan. Tan kale, turjumaha waa in shati u haysta karti-xirfadeedkiisa.

​Isbahaysiga dugsiyada waxbarashada

Dugsiyada Ururrada taclinta dadka waawayn waxay ka hawlgalaan dalka Iswiidan oo idil. Waana goobaha dalka Iswiidan ugu wayn ee taclin iyo dhaqamada awgood lagu kulmo. Waxaa goobahaas xiriir la yeesho dad da’dooda kala duwan, oo doonaayo in wadajir aqoon-korsadaan iyo horumar. Dhammaan dugsiyada Ururrada taclinta dadka waawayn, waxay hirgeliyaan dhaqdhaqaaqyo kala duwan, kuwaasoo aad ka qaybgeli karto. Tusaale, tababarka luqadaha, goobabinta waxbarashada iyo dhaqdhaqaaqa dhaqamada. Tirada dugsiyada Ururrada taclinta dadka waawayn waa tobban. Mid kasta-na wuxuu leeyahay muqaal iyo fikrad u gaar ah. Warbixin dheeraad ku saabsan ururrada kala xiriir barta internetkooda. Isla barta waxaad ka heli karta dhaqdhaqaaqa ururka ee degmada degan tahay, kaasoo ka qaybgeli karto.

ABF

Folkuniversitetet

Ibn Rushd

Kulturens

Medborgarskolan

NBV

Sensus studieförbund

Studiefrämjandet

Studieförbundet Bilda

Studieförbundet Vuxenskolan

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri