Wax ku soo barashada dalalka shisheeyaha

Soo-galeetiyada dalka Iswiidan badidooda waxay ka soo qalin-jebiyeen dal kale. Bogyada soo socda waxaa ku qoran tilmaan kooban oo ku saabsan, waddooyinka lo maro xirfadaha kala duwan. Tan kale, waxaad ka heleysa warbixin xiriir la leh, sida karti-xirafdeedkaaga loo qiimeeyo. Haddii aad doonayso tixraaca waddooyinka kala duwan ka dhaqaaji masawirada, ama toos u gal bogga "Xirfadaha jaamiciyiinta".

Adiga oo dal shisheeya wax ka soo bartay, maxaa ku khuseeya?

  • Bilaw hageha

Xog qoran ma kala timid dal kale oo aan Iswiidhan ahayn?

Marka aad raadinayso shaqo, kulliyad ama jaamacad ama waxbarashooyin dhammaystir ah, waxad u baahantahay xog qoran oo ku saabsan waxbarashadaadii.

Waxa loo baahanyey in la turjumo shahaadooyinka haddii aanay ahay af Iswiidhish, afafka waqooyiga yurub ama Af Ingiriisi, Af Faransiis, Af Jarmal ama Af Isbaanish midkood.

  • Ma jiro wax dhukumenti ah oo qoran
  • Dhukumenti ku qoran Af Iswiidhish, Af Ingiriisi iwm
  • Dhukumenti af kale ku qoran

Ma jiro wax dhukumenti ah oo qoran

Haddii aad doonayso in laguu qiimeeyo laakiin aanad haysan wax warqado shahaado ah, waxad la xiriiri kartaa kulliyad ama jaamacad. Laakiin kulliyadaha iyo jaamacadaha ma jiro wax ku qasbaya inay qiimayn sameeyaan haddii aanad ahayn arday ka diiwaangashan iyaga.

  • Tallaabada xigta

Dhukumenti u baahan in la turjumo

Haddii shahaadooyinkaaga iyo dibloomyadaaadu ku qoranyihiin luqad kale oo aan ahayn Iswiidhish, afafka kale ee waqooyiga yurub, Af ingiriisi, Af Jarmal, Af fransiis ama Af isbaanish, waxad u baahan kartaa in aad turjunto.

Waxay tusaale ahaan noqon kartaa in shaqo-bixiyahaagu  rabo inuu fahmo bal haddii shahaadooyinkaagu quseeyaan shaqada aad dalbatay. Waxa kale oo ay noqon kartaa in aad dalbanayso waxbarasho kulliyadeed ama  jaamacadeed ama haddii aad dalbanayso waxbarasho dhammaystir ah.

Haddii aad ka diiwaangashantahay xafiiska shaqada, waxad heli kartaa  caawimo turjumaaneed. Haddii aanad ka diiwaangashanayn xafiiska shaqada , waxad la xiriiraysaa turjumaan haysta aqoonsi.

  • Tallaabada xigta

Waxbarasho noocee ah ayaad haysataa?

Haya´adda dawladeed ee aad la xiriirayso si waxbarashaada loo qiimeeyo waxay kolba ku xidhan tahay nooca waxbarasho ee aad haysato iyo haddii aad dhammaysatay iyo haddii kale.

  • Waxbarasho sare oo dhammaatay
  • Waxbarasho sare oo la bilaabay
  • Waxbarasho dugsi sare
  • Waxbarasho xirfadeed
  • Xirfad aqoonsi u baahan
  • Waxbarasho kale

Waxbarasho sare oo dhammaatay

Adiga ah muwaadin wadan ka mid ah wadamada EU/EES ama dalbaday sharciga degenaanshaha ee iswiidhan waxaad dalban kartaa in qiimeyn lagu sameeyo waxbarashadaada dibadda ah. Waxey khuseysaa xitaa haddii aad tahay magangalyo doon.

Waxa qiimayn ku heli kartaa waxbarasho jaamacadeed oo dal kale oo aad dhammaysatay oo ay qiimeynayaan guddiga jaamacadaha ama macaahidda sare.. Markaa waxad helaysaa faallo kooban oo caddaynaysa shahaadada jaamaceed ee Iswiidhan ee u dhiganta waxbarashaada.

Waxbarasho sare oo la bilaabay

Kulliyadaha/jaamacadaha ayaa sameeya qiimaynaha waxa aad ka xisaabsan karto waxbarashooyinkaagii hore.

Marka aad samaynayso codsigaaga waad sheegaysaa haddii aad leedahay waayo-aragnimo u dhiganta shuruudda ehelnimada. Ula xiriir iskuulka haya waxbarashada aad xiisaynayso talobixin ahaan.

Waxbarasho dugsi sare

Guddiga jaamacadda iyo macaa'hidda sare (Uhr) waxay qiimayn ku samaysaa shahaadooyinka dalalka kale.

Adiga ah muwaadin wadan ka mid ah wadamada EU/EES ama dalbaday sharciga degenaanshaha ee iswiidhan waxaad dalban kartaa in qiimeyn lagu sameeyo waxbarashadaada dibadda ah. Waxey khuseysaa xitaa haddii aad tahay magangalyo doon.

Waxbarasho xirfadeed

Adiga ah muwaadin wadan ka mid ah wadamada EU/EES ama dalbaday sharciga degenaanshaha ee iswiidhan waxaad dalban kartaa in qiimeyn lagu sameeyo waxbarashadaada dibadda ah. Waxey khuseysaa xitaa haddii aad tahay magangalyo doon.

Waxaad qiimayn ku heli kartaa waxbarasho xirfadeed oo dal kale oo aad dhammaysatay oo ay qiimeynayaan guddiga jaamacadaha ama macaahidda sare.. Markaas waxad helaysaa faallo kooban oo caddaynaysa shahaadada jaamaceed ee Iswiidhan ee u dhiganta waxbarashaada.

Xirfad aqoonsi u baahan

Xirfadaha qaarkood waa ay xakamaysannyihiin, way caddahay oo qeexantahay waxa la iska rabo si looga shaqeeyo xirfaddaas. Si aad uga shaqayso xirfad noocaas ah waa in aad aqoonsi ka codsato  hay´adda qaabilsan xirfaddaas.

Mer information

Yrken för akademiker

 
 
Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri