Hoowlo iyo waqti firaaqo

Waxaa Iswiidhan ka jiro ururo iyo kooxyo badan. Waxaa jiro ururo loogu tala galay hami kasto. Kooxo-isboorti, kooxi-filimaan, kooxo-teyaatar, ururo-ciyaar, kooxo-sahamiyo, ururo akhlaqeed, ururo bananeed, ururo-masawireed iyo in kale oo badan. In qof uu ku jiro urur oo uu qabto wax uu jecel yahay wee fiicantahay oo dad kale ayaa isku hami lee dihiin ayaa la kulmeeysaa, waa uu fiican tahay xariir iyo si aad uu toobarato luuqada.

Maktabada iyo kaarka-maktabada

Degmo kastaa waxa ay leedahay maktabad. Rugta kutubtu waxa ay u furantahay dadka oo dhan.

Rugta kutubta waxaa yaala kutub ama buugaagta caruurta iyo kuwa dadka waawayn oo ku qoran luuqado kala duwan, joornaalo kala duwan, koorasyo luuqadaha ah,warbixinta bulshada, muusig, filim, kombiyuutaro iwm. Rugta kutubta lacag la’aan ayaa buugta looga amaahan karaa. Si aad buugta u amaahato waxaad u baahan tahay kaarka amaahda. Kaarkuna waa lacag la’aan. Hadii aad wax amaahato axaad haysan kartaa 4 wiig inta badan, balse waa laga yaabaa in uu waqtigu intaa ka yaryahay ee ka hubi rasiidka.

Meelaha-xiliga firiqada

Degmooyinka mararka qarkood waxeey le yihiin meelo la joogo xiliyada firiaaqada oo loogu tala galay dhalin yarada uu dhaxeeyso 12 iyo 18 sano. Sido kale waxa karto meelo loogu tala galay dhalinyaro waa weeyn. Meelahaan waxaa ka fiirsan kartaa filin, kulana kulmi kartaa asxaab. Marmarka qarkood waxaa lagu qabtaa korso lagu baranaayo ciyaar, teyaatar ama hees.

La xariir degmada si oogato waxa jiro ama ka akhriso bogga internetka ee degmada.

Hoowl-dhalinyaro

Meelaha-xiliga firaaqada markii laga soo tago, degmooyin badan ayaa dadaal gaar ah uu qabto dhalinyarada. Laga yaaba meelo loogu tala galay ama meelo ee dhalinyarada ku kulmaan oo fursad ugu helaan in ee mashruuc ama kooxyo bilaabaan.

La xariir degmada si oogato waxa jiro ama ka akhriso bogga internetka ee degmada.

Ururada ciyaaraha

Ururada ciyaaraha waxey muhiim u yihiin carruur iyo dhalinyaro badan oo Iswiidhan joogta. Dhalinyarada isboortiga ciyaarta caafimaadkooda waa fiican yahay, waxeyna aragti fiican ka heystaan mustaqbalka. Istareeskooda waa yaryar yahay, saaxiibo badana waa leeyihiin. Isboortiga wuxuu kaloo muhiim u yahay in ay dadka ku kulmaan si dabiici ah , dadka dhanna ay siman yihiin.

Dugsiga dhaqanka

Dugsiga dhaqanku wuxuu carruurta iyo dhallinyarada siinayaa fursad ay uga qeyb qaataan hawlaha farshaxanka iyo dhaqanka, dugsiga ka bacdi.

Dugsiga dhaqanka wuxuu canuggaagu ku baran karaa waxyaabo ay ka mid yihiin in uu ciyaaro qalab muusiko, heeso, qoob ka ciyaar sameeyo, dhigo riwaayad iyo in uu ku mashquulo qaabab kaloo kala duwan oo fan ah.

Halkan waxaad ka akhrisan kartaa macluumaadka dugsiga dhaqanka.

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri