Canug 6-12 sano jir

​Canug dugsi billaabaya, iyo saaxiibbo iyo waxa aad daneyneysid ayaa noqonaya wax ka muhiimsan. Isla markaasna baahida loo qabo xiriir dhaw oo qoyska ah weli waa ay weyntahay.

Horuumarka canugga

Carruurtu siyaabo kala duwan ayey horuumar u sameeyaan. Waxaad la xiriiri kartaa daryeelka caafimaadka dugsiyada haddii aad taageero u baahantihid ama aad qabtid su’aalo ku aaddan horuumarka canuggaaga.

Hagaha daryeelka caafimaadka ee 1177 ayaad wax badan ka akhrisan kartaa.

​Dugsi

Laga billaabo 6 sano jir wuxuu canuggu xaq u leeyahay in uu billaabo fasalka dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta, ka qaab dugsi oo aan waajib ahayn ahaan. Lix jirrada Swiidhan badankoodu waxay dhigtaan fasalka dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta. Fasalka dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurtu waa lacag la’aan, waxaana uu leeyahay qeyb weyn oo shaqo hal abuurnimo ah iyo ciyaar. Carruurtu waxay dhigtaan dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta isniin ilaa iyo jimco. Sabtiyada, axadaha iyo maalmaha fasaxa ah waa fasax.

Dugsiga hoose-dhexe waa waajib, lacag la’aan ayuuna dhammaan carruurta u yahay. Waa sida ugu caadi ahaansan in canuggu uu dugsiga billaabo dayrta sannadka uu 7 sano buuxinayo. Dugsiga hoose-dhexe wuxuu ka koobanyahay sagaal fasal. Sannad dugsiyeed kasta waxaa uu u qeybsanyahay laba xilli dugsiyeed, mid deyrta ah- iyo mid xilli dugsiyeedka guga ah. 

Barta intarneedka ee Hey’adda dugsiyada waxbadan ka sii akhriso Xagga dugsiyada swiidhishka ah.

Halkan waxaad sidoo kale ka akhrisan kartaa canugga waqtigiisa ugu horreeya ee dugsiga.

​Xilliga firaaqada

Marka ay ku jiraan da’aaddan carruurta badankoodu waxay tijaabiyaan hawlo kala duwan oo xilliga firaaqada la qabto, waana muhiim in ay saaxiibbo la jiraan.

Waa muhiim in canuggu uu ka tirsanaado wax urur ah, si uu tusaale ahaan uu u sameeyo jimicsi, u barto ciyaarid qalab muusiko ama u tijaabiyo farshaxan iyo riwaayad.   

Halkan waxaad wax badan ka akhrisan kartaa hawlaha kala duwan ee la qabto xilliga firaaqada.

Caafimaadka canugga

Haddii canuggu uu xanuunsado waxaad la xiriiri kartaa rugtaada caafimaadka.

Haddii aad qabtid su’aalo ku aaddan horuumarka canugga waxaad la xiriiri kartaa caafimaadka ardayda.

Halkan waxaad ka akhrisan kartaa caafimaadka carruurta.

Ammaanka canugga

Da’dan marka lagu jiro waa iska caadi shilal in ay ka dhacaan goobaha isboortiga. Waa muhiim in canuggu uu isticmaalo difaac, sida tusaale ahaan koofiyadda madaxa dhawrta, marka uu jiro isboorti iyo hawlo u baahan taas.

Halkan waxaad ka akhrisan kartaa ammaanka carruurta.

​Talo iyo taageero

Degmada waxaa ku yaalla dhawr meelood oo aad la xiriiri kartid si aad talo iyo taageero u heshid, una heshid waxbarasho waalid ama si aad khibrado ula wadaagtid waaliddiin kale.

Halkan waxaad waxbadan ka akhrisan kartaa halka aad la xiriireysid.

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri