Xuquuqda carruurta

Qaraarka Qaramada Midoobey ee xuquuqda carruurta, ama loo yaqaan qaraarka carruurta, waxaa lagu heshiiyey sannadkii 1989. Qaraarka carruurtu wuxuu ka kooban yahay xuquuqda uu ilmo waliba leeyahay, waxayna khuseysaa dhammaan dhallaanka da’doodu tahay ilaa 18 sano oo ku nool ama sugan dal. Qaraarkaan carruurta waxaa carruurta iyo dhallinyarada loogu yeeraa dhallaan.

Xuquuqdaasi waxay u qaybsan lahaa qaybo kala duwan oo lagu magacaabo qodobbo. Qaraarka carruurtu wuxuu ka kooban yahay 54 qodob oo 41 ka mid ahi ay ku saabsan yihiin xuquuqda. Qodobada intaas ka baxsanna waxay ku saabsan yihiin sida dalalku u hirgelinaan qaraarka carruurta.

Matalaha carruurta waxa uu qoray uuna soo gaabiyey maqaalada si qoraalka uu u ahaado mid si sahlan loo fahmi karo. Waxey kaloo ukala habeeyeen maqaalada 10 qeyb si aad u aragto waxa ay ka hadlayaan.

Saamayn

12. Waxaad xaq u leedahay inaad ra’yigaaga ka dhiibato dhammaan su’aalaha adiga ku khuseeya. Dadka waaweynina waa in ay dhegeystaan oo tixgeliyaan ra’yigaaga. Marka ay maxkamad ama hay’adi qax ka qabaneyso oo go’aan ka gaareyso arrin adiga ku khuseysa waa in fursad laguu siiyaa inaad ka hadasho.

13. Waxaad leedahay xorriyadda hadalka. Taas oo micneheedu yahay in macluumaad iyo fekrado raadsan karto, guddoomi karto oo faafin karto.

14. Waxaad xaq u leedahay inaad fekeri karo oo waxaad doonto wax ka oran karto. Waxaad xaq u leedahay inaad waxaad doonto aamminto oo diinta aad doonto raacdo. Waalidkaa waa in ay ku hagaan, laakiin marnaba go’aanka fekradahaaga.

15. Waxaad xaq u leedahay inaad xubin ka noqoto ama ka baxdo ururo. Waxaad kaloo xaq u leedahay inaad ka qaybgasho bannaanbaxyo mar haddii ay yihiin kuwo hab nabad ah u dhacaya.

Aqoonsi

7. Waxaad xaq u leedahay inaad magac yeelato oo aad muwaadin ka noqoto dal. Waxaad kaloo xaq u leedahay mar walba oo ay suurtagal tahay inaad ogaato dadka waalidka kuu ah iyo in ay ku xannaaneyaan.

8. Waxaad xaq u leedahay aqoonsi. Aqoonsigaas waxaa ka mid noqon kara muwaadin aad dal ka noqoto, magac lagu siiyo iyo inaad xiriir la leedahay ehelkaaga. Haddii lagaa xayuubiyo aqoonsigaaga, waxaad xaq u leedahay in lagaa caawino sidii aad u ogaan lahayd.

Wargelin

17. Waxaad xaq u leedahay inaad ogaato waxa ka dhacaya dalkaaga iyo dunida inteeda kale oo laguugu soo gudbiyo hab aad fahmi karto, wargeysyada iyo telefishanada. Wargelintaasi waa in ay kaa caawintaa sidaas u kori lahayd oo caafimaadqab ugu noolaan lahayd.

Qoyska

5. Waalidkaa ayaa mas’uul kaa ah. Waa in ay ku siiyaan talooyin iyo hoggaamin marka aad sameyneyso wax qaraarka carruurtu xaq kuu siinayo inaad sameyso.

9. Qofna waalidka kaama reebi karo haddii aysan lagama maarmaan u ahayn waxa adiga kuu wanaagsan. Waxay tusaale ahaan lagama maarmaan noqon kartaa haddii aysan kuu xannaaneyn hab wanaagsan. Waxaad xaq u leedahay inaad la kulanto labadaada waalid haddii aysan ahayn mid xumaan kaaga iman karto.

10. Haddii adiga iyo waalidka aad midowdaan kadib markii in muddo la idin kala dheereeyey, waxaad doonan kartaan caawimaad iyo in sida ugu suurtagalka badan caawimaad la idinka siiyo dalka aad ku nooshihiin. Haddii labadaada waalidka uu midba dal goonni ah deggan yahay oo aad dooneyso inaad la kulanto, waa inaad caawimaad ka heshaan dalka aad deggan tahay.

18. Labadaada waalidka waxaa mas’uuliyad wadajir ah ka saaran barbaarintaada iyo korintaada. Waxayna mar walba ka fekerayaan waxa adiga kuu wanaagsan. Haddii waalidkaa ay bulshada uga baahdaan caawimaad, kolkaas waa in ay bulshadu siisaa caawimaaddaas, oo noqon karta daryeel iyo xannaano carruur.

20. Haddii aadan joogin karin guriga waalidkaa, waxaad xaq u leedahay in lagu siiyo daryeel iyo caawimaad gaar ah. Waxaad xaq u leedahay in laguu xannaaneeyo hab adiga kuu wanaagsan.

21. Dalalka oggol in carruur la siiyo dad korsada waxaa waajib ku in ay hubiyaan in laga wareegidda carruurta ay u dhacdo hab wanaagsan. Dalalkaasi waa in ay mar walba ka ambaqaadaan waxa adiga kuu wanaagsan.

Qiime isku mid ah

2. Qaraarka carruurtu wuxuu adiga iyo carruurta kale idin siinayaa xuquuq iyo qiime isku mid ah. Qofna xaq u leh in uu ku cunsuriyeeyo. Taas oo micneheedu yahay inaan qofna kuu la dhaqmi karin sidii inaad ka liidato qof kale. Marnaba lagugu ma takoori karo ama ciqaabi karo waxa waalidkaa yahay ama ay sameeyaan.

23. Haddii aad naafo tahay waxaad xaq u leedahay inaad hesho nolol wanaagsan. Sida dadka kale ayaad xaq u leedahay inaad dareento hanweyni iyo isku kalsoonaan.
Waa in ay kuu suurtagashaa inaad xubin firfircoon ka noqoto bulshada. Waxaad xaq u leedahay xannaano iyo caawimaad dheeraad ah.

30. Haddii aad ka tirsan dad laga tiro badan yahay ama dad asal waxaad xaq u leedahay inaad isticmaasho luuqadda, dhaqanka iyo diinta aad la wadaagto qowmiyaddaada.

Caafimaad qabi

3. Marka ay dadka waaweyni go’aan ka gaarayaan waxa khuseeya carruurta waa in mar walba lagu saleeyaa waxa ”carruurta u wanaagsan”. Taas oo micneheedu yahay in ay dadka waaweyni mar walba madaxa ku hayaan waxa adiga kuu wanaagsan iyo habka uu go’aankaasi saameyn kuugu yeelanayo. Waxaad xaq u leedahay inaad hesho ilaalinta iyo xannaanada aad u baahan tahay. Ahmiyad la mid ah ayey leedahay in dadka waaweyni ay madaxa ku hayaan waxa ”ilmaha u wanaagsan” marka go’aankaasi saameeyo carruur badan.

6. Waxaad xaq u leedahay nolol iyo horumar. Dalkaagu waa in uu sameeyaa wax walba oo kuu suurtagelinaya inaad hesho nolol iyo horumar.

22. Haddii aad ku timaaddo qaxooti ahaan, keligaa ahaw ama qof kale la soco, waxaad xaq u leedahay in lagu badbaadiyo oo lagu caawino. Waxaad kaloo xaq u leedahay in lagaa caawino sidii aad u la midoobi lahayd qoyskaaga.

24. Waxaad xaq u leedahay fiyoobi sida suurtagalka ah. Haddaad xanuunsato waxaad xaq u leedahay in lagu daaweeyo oo lagu baxnaaniyo ilaa aad ka caafimaaddo. Waxaad kaloo xaq u leedahay in lagaa badbaadiyo caadooyinka dhaawacu ka soo gaari karo.

25. Haddii lagu qaabbilay si laguu badbaadiyo ama daaweeyo, waxaad xaq u leedahay in daaweyntaas lagu hubiyo in wax waliba si sax ah u dhaceen.

26. Waxaad xaq u leedahay daryeel iyo badbaado. Haddii loo baahdo waa in ay bulshadu kaa caawintaa inaad hesho guri, cunto iyo dhar.

27. Waxaad xaq u leedahay inaad u noolaato hab fursad kuu siinaya horumar ka sameyso xag jir, xag maskax, xag caqiido, xag mooraal iyo xag bulshaba. Waalidkaaga ayey mas’uuliyadda ugu weyni ka saaran tahay arrintaas, laakiin waa in lagu caawinaa haddii ay u baahdaan.

39. Haddii laguu geysto daryeelxumo, ama in lagu isticmaalo ama lagu faraxumeeyo, waxaad xaq u leedahay in lagaa caawino sidii aad uga caafimaadi lahayd. Waxaad xaqaas oo kale yeelaneysaa haddii laguu geysto jirdil ama nooc kale dibinbaadyo ah, ama laguu la dhaqmo hab bani-aadanimada ka baxsan ama sharafrid ah, ama aad soo jiigtey meel dagaal ka socdey.

Badbaadin

11. Marnaba laguu ma kaxayn karo dal kale iyadoo aysan waalidka raalli ka ahayn.

16. Waxaad xaq u leedahay in lagaa badbaadiyo in lagu xadgudbo shakhsiyaddaad gaar ah. Taasi waxay khuseysaa guriga ama meeshii kale oo aad ku nooshahay. Qofna xaq u ma leh in uu akhristo warqadahaaga ama xasuusqorkaaga adigoo aan u fasaxin. Taasi waxay kaloo khuseysaa dhammaan marxaladaha kale oo macluumaadkaaga lagu maareeyo. Qofna xaq u leh in uu dhaawaco sharaftaada ama sumcaddaada. Sharcigu wuxuu si xooggan kaaga badbaadinayaa xadgudubyadaas.

19. Waxaad xaq u leedahay in lagaa badbaadiyo dhammaan xoogsheegad xagga jirka ama maskaxda, daryeelxumo, jirdil, faraxumeyn ama nooc kale isticmaalid ah.

32. Waa in lagaa badbaadiyaa inaad qabato shaqo dhaawac kaa soo gaari karo, ama kaa hor-istaagi kara waxbarashada iskoolka ama horumar kale oo aad gaari karto. Marnaba laguma isticmaali karo dhaqaale ahaan, sida in qof kale lacag ka sameeyo shaqo aad qabatay iyadoo aan adiga wax lacag ah lagu siin.

33. Waa mas’uuliyadda dalalka in ay kaa badbaadiyaan daroogooyinka iyo wixii kaloo maankaaga doorin kara. Dalalku waa in ay hubiyaan in aan lagu isticmaali karin samaynta iyo iibinta daroogooyinka.

34. Waxaad xaq u leedahay in lagaa badbaadiyo in laguu isticmaalo qaabab galmo ah ama faraxumeyn ah. Waa in tusaale ahaan lagaa badbaadiyaa in laguu isticmaalo dhilleysi iyo filimada qaaqaawan.

35. Marnaba khasab lagugu ma kaxaysan karo ama lagu ma iibin karo. Dalkaaga ayaa mas’uul ka ah in aysan taasi dhicin.

36. Waxaad xaq u leedahay in lagaa badbaadiyo dhammaan noocyada isticmaalka oo ku dhaawaci kara.

37. Marnaba laguu ma geysan karo jirdil ama nooc kale oo dibindaabyo ah. Sidoo kale marnaba lagugu ma xkumi karo dil ama xabsi daayin. Haddii lagu qabto, xabsiga lagu dhigo ama lagu xiro adigoo aan raalli ka ahayn, waa in ay noqotaa tallaabadii ugu dambeysey ama waqti gaaban sida ugu suurtagalka badan. Waa in mar walba laguu la dhaqmaa hab xushmad leh adigoo xaq u leh inaan lagugu dhexdarin dad waaweyn. Waxaad xaq u leedahay inaad xiriir joogto ah la yeelato qoyskaaga inta aad xabsiga ku jirto iyo in arrintaada dhaqso wax looga qabto. Xuquuqdaada ku qoran qaraarka
carruurtu wuxuu kaloo khuseeyaa haddii lagu xiro adigoo aan raalli ka ahayn.

38. Haddaad ka yar tahay 15 sano waa in lagaa badbaadiyaa inaad ka qaybgasho dagaal. Haddii waxyeelo ka soo gaarto dagaal, waa inaad heshaa badbaadada iyo daryeelka aad u baahan tahay.

40. Haddii lagugu tuhmo fal dembi ama ay caddaato inaad dembi gashay, waa laguu la dhaqmaa hab xushmad iyo qaddarin leh. Hay’adaha aad xiriirka la leedahay inta dacwaddu socoto waa in ay noqdaan kuwo loogu talagalay adigoo kale. Waxaad xaq u leedahay inaad caawimaad ka hesho qof garyaqaan ah. Arrintaada waa in wax looga qabtaa sida ugu dhaqsaha badan. Qofna kugu ma khasbi karo inaad sheegto waxa aad og tahay ama qirato wax aadan samayn.

Waxbarasho

28. Waxaad xaq u leedahay waxbarasho. Waa inaad dhigataa dugsiga hoose oo lacag la’aan ah.

29. Iskoolka waa inaad horumar uga sameysaa si
walba oo aad ugu diyaargarowdaa inaad nolol
mas’uuliyadqaad ah ugu dhexnoolaato bulsho xor ah. Waa inaad halkaas ka barataa inaad xushmeyso xorriyadda iyo xuquuqda aadanaha, waalidkaa, dhaqankaaga iyo kan dadka kale iyo dabeecadda.

Cayaar, waqti firaaqo; dhaqan iyo nasasho

31. Waxaad xaq u leedahay inaad hesho waqti firaaqo ah, cayaar iyo nasasho. Waxaad xaq u leedahay inaad ka qaybqaadato dhaqdhaqaaqyada dhaqanka iyo farshaxanka.

Qaraarka carruurta

1. Qaraarka carruurtu wuxuu khuseeyaa carruurta adigoo kale ah oo ka yar 18 sano. Qaraarka carruurta waxaa carruurta iyo dhallinyaradaba loogu yeeraa ”carruur”.

4. Dhammaan dalalku waa in ay sameeyaan wax alla oo lagu fulinayo xuquuqda ku qoran qaraarka carruurta. Taas oo la micne ah in ay raacaan qodobada qaraarka carruurta.

41. Haddii sharciyada iyo xeerarka dalka aad ku nooshahay ay ka wanaagsan yihiin qodobada ku qoran qaraarka carruurta, waa in kolkaas la raacaa sharciyada iyo xeerarka dalkaas.

42. Dalkaagu wuxuu mas’uul ka yahay in uu carruur iyo waayeelba ku wargeliyo waxa ku qoran qaraarka carruurta.

 

Mabaadii'da waaweyn ee sharciga carruurta

Qodobada 2, 3, 6 iyo 12 ayaa noqonaya qodobada aasaaska u ah qaraarka carruurta.

Waxayna qodobadaasi kaa caawinayaan inaad fahanto qodobada kale. Dhammaan qodobada qaraarka carruurtu ka kooban yahay waa kuwo isku xiran.

Heshiiska Caruurta oo ku qoran luqada kala duwan 

Xayeeysiiska ninka metala carruurta

Waraaqda xayeeysiiska ninka metela carruurta

​Sharciga carruurta ee iswiidhan

Iswiidhen waa in dadaalka ugu wanaagsan u gashaa sidii looga rumeyn lahaa dhammaan qodobada ku qoran qaraarka carruurta. Waxaa tusaale ahaan ka mid ah in sharciyada iyo xeerarka Iswiidhen ay noqdaan kuwo waafaqsan xuquuqda ku qoran qaraarka.

Iswiidhen waxaa waajib ku ah sugto inaan la illaawin xuquuqda carruurta oo maalin walba laga dhawraa dhammaan laamaha bulshada. Dowladduna waxay hubisaa in carruurta iyo dadka waaweyn labadaba lagu wargeliyo xuquuqda carruurtu leedahay.

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri