Talo iyo taageero

Hey’adda adeegga bulshada

Mid ka mid ah shaqada hey’adda adeegga bulshadu waa in ay hubisaa in carruurta iyo dhallinyaradu ay helaan koritaan aammin ah. Waxaad la xiriiri kartaa hey’adda adeegga bulshada si aad kaalmo iyo taageero ugu heshid dhibaatooyinka kala duwan ee ku adag qoyska in ay gacantooda ku xalliyaa. Waxaad heli kartaa talooyin iyo taageero haddii dhibaato arrimaha qoyska ah aad qabtid, daroogo, dembi iyo wax kaloo badan. Haddii aad taqaannid wax canug ama dhallinyaro ah oo dhibaateysan markaas waxaad la xiriiri kartaa hey’adda adeegga bulshada

Warbixin kale ka akhriso Maamulka dhexe oo arrimaha u adeegida bulshada.

Talo bixinta waaliddiinta

Degmooyinka qaar waxaa jirta tala bixin waalid oo gooni ah, halkaas oo aad kala xiriiri kartid arrimaha ku aaddan waalidnimadaada.

Sharciga daryeelka dhallinyarada (LVU)

Haddii qof ka yar 18 sano aynan waaliddiintiisu sabab jirta awgeed canugga dhallinta yar u siin karin taageerada uu u baahanyahay ama ay u baahantahay, ama haddii canugga naftirkiisu uu ku noolyahay nolol is baabi’in ah tusaale ahaan daroogiistanimo iyo khamriyacabnimo ama dimbiilanimo, kan dhallinta yar gacanta ayaa lagu dhigi karaa si waafaqsan sharciga daryeelka dhallinyarada, LVU.

Waxay taasi u baahantahay in ay jiraan xaalado xun-xun oo keenaya in si cad uu caafimaadka canugga dhallintayar uu khatar ugu jiro ama horuumarkiisu dhaawacmayo, daryeelka la siinayana aan si rabitaankiisa ah lagu siin karin.

​Tala siinta qoyska

Adinku ka lammaane ahaan ama qoys xagga xiriirka dhibaato ma ka qabtaan? Waxaa Tala siinta qoyska ka jirta fursad taageero iyo talo siin. Tala siinta qoysku waxaa ay la shaqeysaa lammaanayaasha, dadka kali-kaliga ah iyo qoysaska.

Macluumaadka ku aaddan tala siinta qoyska waxaad ka heli kartaa bogga intarneedka ee degmada.

Koox waaliddiin ah

Waaliddiintu dhammaan taageero ayey mararka qaar ugu baahan karaan waalidnimadooda. Bogga intarneetka ee degmadaada waxaa ku jira warbixin ku aaddan taageerada waalidka ee aad degmada ka heli kartid.

Degmooyin badankoodu waxay bixiyaan nuucyo kala duwan oo waxbarasho waalid ah inta lagu jiro koritaanka canugga.

Waxbarashada waalidka waxaad idinku ka waalid ahaan waaliddiinta kale isku dhaafsan kartaan aqoon iyo khibrado.

Xeerka qoyska

Haddii ay is furayaan oona ay ku heshiin karin xilhaynta xannaanadda, waa in xafiiska arrimaha qoysaska la xiriiraan. Wuxuu xafiiskas ku caawini karaa xal u helida qilaafka taagan. Haddii eey heshiin waayaan waxeey arinta noqoneeysaa mid uu taalo maxkamada degmada. Maxkamada waxeey markaasi ka codsaneeysaa in xafiiska arrimaha qoyska baaritaan sameeyo inta ee san maxkamada go'aan ku soo gaarin waalidka la siinaayo xilheeynta xanaanad iyo meesha uu canuga dagaayo.

Rugaha qoysaska

Rug qoys waxay ka shaqeysaa hawl ku jeedda waaliddiin iyo carruur. Rug qoys waa in ay ugu yaraan ka koobnaataa daryeelka caafimaadka hooyada, daryeelka caafimaadka carruurta, dugsi xannaano iyo barbaarin carruureed oo furan iyo adeeg bulsho oo ku wajahan hawlaha ka hortagga.

Dugsi xannaano iyo barbaarin carruureed oo furan

Dugsi xannaano iyo barbaarin carruureed oo furan waa hawl kooxeed la xiriirta habka waxbaridda oo loogu tala galay carruurta. Dugsiga furan ee xannaanada iyo barbaarinta carruurtu wuxuu qaabilayaa carruurta sii yar-yar iyo waaliddiintooda ama dad kale oo waaweyn. Dhammaan waa la soo wada dhaweynayaa, mana u baahnid in aad boos ka codsatid.

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri