Baabuur, bas, tareen iyo diyaarad

Leysin gaari wedid Swiidhan gudeheeda

​Waa inaad buuxisid 18 sano isla markaana aad leesin baaabuur lahaataa si aad baabuur u wadid Iswiidhan. Hadaad leesin baabuur ka heysatid wadan kale lama hubo inaad baabuur ku wadi karto leesinkaas.

Hadaad leesin baabuur ka heysatid midowga suuqa dhaqaalaha ee yurub (EES) waad ku wadi kartaa baabuur waadna isticmaali kartaa inta leesinkaas laga aqoonsanyahay wadankii lagu sameeyay. Leesinka nuucaas oo kale ah waxaa lagu baddeli karaa kan iswiidhishka ah.

Haddii aad leysin gaari wedid ka haysatid waddan ka baxsan EES laguma beddeli karo leysin swiidhish ah. Haddii aad swiidhan ka diiwaan gashantihid diiwaanka dadweynaha waxaad leysin nuucaas ah ku wedi kartaa gaari ilaa iyo hal sano. Haddii aad diiwaanka dad weynaha Swiidhan ka diiwaan gashaneed in ka badan hal sano leysinku ma shaqeynayo markaa. Haddii aadan diiwaanka dad weynaha Swiidhan ka diiwaan gashaneyn ma jiro waqti go’aan oo ku aaddan inta aad leysin nuucaas ah gaari kula wadan kartid waddanka.

Barta intarneetka ee guddiga gaadiidka waxaa ku jira warbixin akhris-fudud oo ku aaddan in leysin gaari wedid lagu qaato Swiidhan gudeheeda.

Gaadiid dad weyne

Magaalooyinka inta badan waxa ka jira taraafiik guud oo ay heliin dadka oo dhan. Waxey noqon kartaa tusaale ahaan, basas, tareeno xaafadeed, tareeno dhulka hoosmara iyo maraakiib kuwaasoo isaga goosha boosteejooyin kala duwan ee magalada dhexdeeda ama taren iyo basas isaga goosha magaalooyinka dhexdooda ama tuulooyinka. Magaalooyinka qaarkood xitaa waxaa dhex mera Diyaaradaha maxalliga ah. Xagga Gotland waxaa aada Maraakiib ayadoo ka dhaqaaqaya deked.

Si aad u korto taraafiigaas waxaa lagaa rabaa inaad ka iibsatay tikid. Boggaan www.resrobot.se waxaad ka raadsan kartaa safarada boosteejooyinka kala duwaan ee Iswiidhan. Waxaad kaloo iibsan kartaa tikidyo magaalooyinka iswiidhan oo dhan

Sawir: Misak Nalbandian

Tikidho

Shirkado fara badan oo kala duduwan oo leh basas iyo tareenno ayaa wada gaadiidka isaga goosha magaalooyinka kala duduwan ee Swiidhan.

Xasuusnaw in aad tikid ka soo goosatid shirkadda aad gaadiidkeeda raaceysid inta aadan raacin tareenka ama baska. Badanaa gudaha gaadiidka tikid kama goosan kartid. Masaafooyinka tikidka gudaha gaadiidka laga goosan karo, badanaa wey ka qaalisanyihiin marka la barbar dhigo haddii aad tikidka horay u soo goosatay.

Tikidho badan oo tareen waxaa ku qoran nambarka buudhiga iyo nambarka booska, oo muujinaya meesha aad fadhiisaneysid Haddii aad iibsatay tikid shakhsi ah waa in aad marka la koontaroolayo muujisaa dukumiinti aqoonsi ah oo waafaqsan magaca ku qoran tikidka.

Tusaale dukumiinti aqoonsi oo shaqeynaya waxaa ah baasaboor, kaar qaran oo aqoonsi ama leysin gaari oo Swiidhan, waddamada woqooyiga ama EU/EES laga soo saaray. Xitaa kaarka LMA-ga (waxaa soo saaray Hey’adda socdaalka si la xiriirta megengelyo-doonnimada) waa loo isticmaali karaa safarrada Swiidhan gudeheeda ah. Dukumiinti la aqoonsanyahay oo laga soo saaray meel ka baxsan EU/EES waxaa ah oo keliya baasaboor.

Tikidhada waxaa la koontaroolaa marka aad baska fuushid. Haddii aad tareen raaceysid waxaa tikidhada lagu koontaroolaa tareenka dhexdiisa. Hadii aad tikid shaqeynaya la’aantiis safreysid waa in aad lacag khidmo ah bixisaa, ama aad tareenka ka degataa.

Xeerar gaadiidka dushiisa

Xasuusnaw in aad qaddarin muujisid si aadan musaafiriinta kale u qasin Tusaale ahaan maaha in aad musaafiriinta kale meeshooda usoo dhaaftid ama aad taleefanno gacan u isticmaashid si loo arko in ay dhibaato tahay.

Haddii aadan xeerarka gaadiidka dushiisa raaceynin wuxuu shaqaaluhu go’aan ku gaari karaa in aad tareenka ama baska ka degtid. Waxay tusaale ahaan noqon kartaa marka aad nidaamka iyo kala dambeynta qaseysid, aadan raaceyn waxa shaqaaluhu ku dhaho, aad safreysid tikid shaqeynaya la’aantiis ama aad cafash aad u fara badan sidatid.

Cafash

Tareennada iyo basaska badankooda waxaad la raaci kartaa oo keliya inta cafash ah ee aad kaligaa si dhib yar u xambaari kartid. Dhammaan cafashyada waxaa la dhigayaa boos loo cayimay, tusaale ahaan booska cafashka ee tareenka, iskafaallooyinka kore ama kursiga hoostiisa, ama meesha cafashka ee baska.

Sigaar cabid

Sigaar cabiddu waa ka mamnuuc dhammaan tareennada iyo basaska. Haddii aad jebisid wax la mamnuucay waxaad khatar u geleysaa in aadan safarkaaga sii wadannin.

Ammaanka

In waddada tareenku maro la dul jooga waa sharci darro. Waxaad waddada tareenka ka gooyn kartaa oo keliya meelo laga gooyo oo tabbeellooyin lagu dhejiyay. Maaha in aad meelaha laga gooyo waddada joogtid haddii birta la soo dejinayo, lasoo dejiyay ama kor loo qaadayo, saacad digniin ay yeereyso, calaamadda istaagiddu ay muuqato ama tareen uu soo dhawyahay. Haddii cid aan ehel u ahayn ay joogto aagga waddada tareenka waxaa loo yeerayaa booliis.

Aqoonsi koontaroolid marka laga soo safrayo Denmark

Haddii aad ka safreysid Denmark oo aad ku socotid Swiidhan xudduudda ayaa dukumiintigaaga aqoonsiga lagu koontaroolayaa. Haddii aadan haysan dukumiinti aqoonsi ah oo shaqeynaya kama soo gudbeysid xudduudda. Carruurta ka yar-yar 18 sano uma baahna in ay haystaan dukumiinti aqoonsi oo shaqeynaya, haddii ay la safrayaan waalid is caddeyn kari.

Aqoonsi shaqeynaya marka loo soo safrayo Swiidhan oo laga socdo Denmark waxaa tusaale ahaan ah baasaboor, kaar qaran oo aqoonsi ama leysin gaari oo Swiidhan ama waddamada waqooyiga laga soo saaray. Kaarka LMA-ga (waxaa soo saara Hey’adda socdaalka si la xiriirta megengelyo-doonnimada) lama oggolaanayo aqoonsi koontarooliddan iyada ah.

Xasuusnaw in:

  • Aad tikid iibsatid inta aadan gaadiid raacin.
  • Aadan sidannin cafash ka badan inta aad kaligaa si fudud u qaadi kartid.
  • Sigaar cabiddu ay mamnuuc tahay.
Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri