Deegaanka

Waxyaabo badan oo eey tahay in lagu fikiro ayaa jira markaad guri heshid. Halkaan waxaa ka aqrisan kartaa macluumaad ku saabsan habwanaaga, ceymiska, kaalmada guriga och dhaqaalaha guriga.  

Caymisyada

Waa muhiim inaad heysatid ceymis badbaadinaya adiga iyo xoolahaada. Boqolkiiba 95 guryaha Iswiidhan waxeey leeyihiin ceymis guri. Ceymiska guriga waa gabbaad asaasi ah waxuuna kuusoo celinayaa lacag ama qiimo u dhigma alaabta lagaa xaday ama kaa gubatay aama dhaawac biyo kaa gaaray. Ceymiska guriga waxuu gabbaad siinayaa dadka ku qoran warqadda ceymiska oo dhan isla markaana guriga isla degan. Ceymiska guri waxuu leeyahay oo kale gabbaad safarka ah.

Ceymiska shilalka waxuu kusiinayaa qiima u dhigmo dhaawaca kaa soo gaara shil. Ceymiska shillalka sida caadi ag waxa lagu kordhistaa ceymiska guriga ama si gaar ah ayaa loo sameeystaa.

Dhaqaalaha qoyska

Lacagta waa iney ku filnaataa kharashka oo dhan. Waa fiican tahay in la sameeyo miisaaniyad fudud. Ku bilaaw inaad ku uruuriso hal meel warbixinta ku saabsan oo dhan kharashka kaa baxa iyo midka kusoo gala, ka dibna ka duul xogtaas marka aad qorsheyneyso bisha soo socoto ka hor. Mararka qaarkood waxaad yareeyn kartaa kharashka kaa baxa haddaad doorato bedel raqiis ah. Mararka kale waxaad meel dhiganeysaa lacag adigoo dooranaya bedel tayo sare leh kaasoo muddo ku heynaya.

La xiriir bangi si aad u furato koonto iyo kaadh bangi. Internetka waxad ka fiirsan kartaa inta lacag kuugu jirta koontaada, waxaanad ka bixin kartaa biilashadaada. 

Kaalmada carruurta

Haddii aad carruur leedahay ama weli aadan 29 sano buuxsan, waxad xaq u leedahay in aad dalbato kaalmada kirada guriga. Si aad u hesho kaalmada kirada guriga, waa inaad ka diiwaan gashantahay oo aad degantahay dalka Iswiidhan. Haddii kaalmada kirada guriga lagu siin karo iyo Inta ay leegaanayso waxay ku xirantahay inta qof ee qoysku ka koobanyahay. Waxa kale oo ay ku xirantahay inta ay kiradu leegtahay, inta qol u guriga ka kooban yahay iyo lacagta idin soo gasha. Qasnadda caymiska ayaa go´aaminaysaa in aad heli karto kaalmada kirada guriga iyo in kale.

Deeynta qalabeeynta guriga ee ka timaada CSN

Haddi ay degmo kuu qaabishay si qaxootinomo ah ama qaraabo la ah qof qaxooti ah, waxaad codsan kartaa inaad deynsato lacag si aad u iibsato qalabka guryaha iyo wixii uu guriga u baahan yahay. Inta aad deysan karto waxey ku xiran tahay tirada xubnaha qoyska iyo haddii aad kireysatay guri goglan iyo mid aan goglaneyn. Deynta kadib dib ayaad u celineysaa. Markaasna waxaad xitaa bixineysaa ribo. Waa CSN ka cidda go'aamineysa deynta qalabeynta guriga.

Waxaad ka akhrin kartaa faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan deeynta qalabeynta guriga bogga CSN-ka: www.csn.se/hemutrustningslan

Cambaarayn lacag-bixineed

 Waa muhiim inaad ku bixiso xisaabaadkaada waqtiga loogu tala galay. Haddii aadan ku bixin xisaabaadkaada iyo deymahaaga wakhtigooda, waxa laguu soo dirayaa warqad xasuusin ah in aad bixiso. Haddii aad taas ku bixin waydo dayntaada waxaa xisaabaadkaada loo dirayaa shirkad qaan-sheegad ah (inkasso). Markaas waxaad halis ugu jirtaa iney kugu dhacdo cambaar lacag-bixineed. Haddii aad taasna ku bixin waydo waxay dacwaddaas loo gudbinayaa hay´adda qaan-sheegadka ee Kronofogden. Howsha Kronofogden waa in ay xaqiijisaa in ciddii heysata lacag ay cid kale ku leedahay in ay ka caawinto in ay dalbato lacagtaas ka maqan. Waxaa kaloo ay ka mas'uulyihiin qofkuu lagu leeyahay deyn in uu helo kaalmo iyo hagid ku saabsan sida uu wax u maareyn lahaa.

Cambaar lacag-bixineed waa calaamad muujinaysa in aanad si hagaagsan u bixin wixii aad bixin lahayd. Taasi waxay keeni kartaa in aad lagu siin deyn, guri iyo shaqo ama telefoon aad furato.

Haddii aanad haysan wax lacag ah 

Taageerada masruufka waxa lagu magacaaba “socialbidrag“ ama kaalmo dhaqaale. Waa caawimo la siiyo qofka aan wax lacag ah haysanin. Haddii qofkan dalbanaya taageerada masruufka uu shaqayn karo, waa in uu isla markaa dhinaca kale shaqo ka raadsado. Sidoo kale waa in uu ka qaybqaato hawlqabadyada kale ee ay qabanqaabiso hay´adda adeegga bulshadu.

Haddii qofku ka qaybqaadan waayo hawlqabadyada ay qabanqaabiso hay´adda adeegga bulshadu, waxa la soo diidi karaa codsigiisa oo lacag ma helayo. Sida caadiga ah xaq uma lihid lacagta hay´adda adeegga bulshada haddii aad lacag ku haysato bangiga ama aad leedahay wax qaali ah sida baabuur.

La xiriir degmadaada si aad warbixin dheeraad ah uga hesho taageerada masruufka.

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri