Sharciyada farxad ku noolaanta

Marka la degen yahay guryaha dabaqa ah waxaa la isku dhowyahay dariska. In uu qofku ixtiraam u muujiyo deriskiisa waa arrin iska cad si dhammaan dadka guriga degen iyo xaafaddaba ay u qanacsanaadaan. Kirsaysteyaasha ayada oo loo digay haddana qalad u sii dhaqma, waxa ay waayi karaan haysashadii xaqa kiraysiga (waa laga saari).  Halkan hoose waxa ku qoran tusaalaha waxyaalaha ay tahay in maskaxda lagu hayo.

Tixgelin muujin

Qof kasta oo degan guri waa inuu xushmad muujiyaa. Inaad xushmad muujisaa waxeey aad muhiim u tahay waqtiyada u dhaxeeya saacadaha. 22.00–07.00. si aadan u dhibin dariskaada xusuusnoow:

  • Aad ayaa leesku maqlaa marka jaranjarada lagu socdo. Orodka, cayaarta iyo qeylida aad ayaa loo dhibsanaa. Ka guri kireeyste waxaad mas'uul ka tahay ineey dadka martida kuu ah eeysan dhibin dariskaada.
  • In aad gaabiso codka tv-ga, kombiyuurarka ama qalabka muusigga.
  • In aanad daloolin ama musbaar ku garaacin gidaarka wixii ka dambeeya 20.00.
  • In aad xaflad dhigato waa farxad laakiin u sii sheeg deriskaaga wakhti hore. Qodob fiicani waxa uu noqonayaa in codka hoos loo dhigo markasta oo ay habeen sii noqoto.

Baasgeeladaha iyo baabuurta carruurtu waa halista ugu weyn marka uu dab dhaco

Sabab xagga nabadgelyada dabka ah darteed, lama dhigan karo  jaranjarrada guriga , agabka guriga, caagga lagu fariisto ee barafka lagu taraaraxo, baaskeeladaha,  ama baabuurta carruurta lagu qaado. Waxay kaloo dhib ku tahay shaqaalaha nadaafadda.

Baraboolada iyo anteenooyinka

Haddii aad rabto in aad rakibato barabool ama anteeno, waxa loo  baahan karaa ruqsad aad ka hesho guri-kireeyaha. Waxay taasi qusaysaa xiitaa ku rakibidda barandahaaga ama daaqadda guriga.

Sii jeedka barandaha

Maskaxda ku hay in saxaradaha ubaxu ay gudaha ugu jiraa derbiga barandaha. Ayada oo la tixgelinayo deriska iyo nabadgelyada dabka, lama ogola in barandaha wax lagu dubto.

Maaraynta qashinka iyo dib u warshadaynta

Iska jir dhibaatada qolka qashinka iyo qashinka meelaha lagu tuuro adiga oo guntaya kiishka qashinta inta aanad tuurin. Dadka oo dhan farxaddooda darteed, waa in aan qofna kiishashka qashinka dhigin albaabka bannaankiisa, xiitaa wakhti yarna ha ahaatee. Qashinka waaweyn ee alaabooyinka qarada leh, sida alaabada guriga waxa aad geynaysaa xarunta dib u warshadaynta ee degmada.

Ka akhri faahfaahin dheri ah oo ku saabsan kala saaridda iyo dib u hagaajinta kartoomada- iyo diiwaanka lagu uruuriyey joornaalada

Xayawaankaaga guri-joogta ah

Haddii aad leedahay xayawaan guri joog ah oo guriga debeddiisa u baxa, waxa jira dhowr arrimood oo aad u baahantahay in aad maanka ku hayso, farxadda iyo ammaanka dartii. Wax xayawaan ahi waa in aanay ´xarig la´aan joogin jaranjarta guriga, eyduna waa in ay xirnaadaan.  Waxa kale oo aad mas´uul ka tahay in aanay wasakhayn dhismaha dhexdiisa iyo hareerihiisa (gaar ahaan meesha carruurtu ku ciyaarto), mar walba adeegso bacda saxarada. Xagga caafimaadka dartii lama ogola in shimbiraha laga cuntaysiiyo barandaha, daaqaadda ama dhulka.  Cuntadu waxa ay soo jiidataa xawaanka wax dhaawaca sida walada iyo doolliga.

Goobaha dadka ka dhexeeya

Jardiinadu waa bar-kulanka dadka meesha degen oo dhan  iyo xiitaa goob ay carruurtu ku ciyaaraan. Sidaas darteed jardiinadu waxa ay ahaanaysaa goob baabuurta ka caaggan. Dabcan qof  waliba waa in uu fiiriyo in uu qof waliba ilaaliyo waxyaalaha la beeray  iyo qalabka kale ee dadka ka dhexeeya  iyo in uu isticmaalo kolayga qashinka ee yaalla jardiinada. Haddii aad aragto waxa jajajab la xiriir  adeegga macaamiisha.

Sharciyada guriga qasaaladda

Guriga qasaaladdu wuxu idinka dhexeeyaa adiga iyo deriskaaga, masuulna waad ka wada tihiin! Taas macneheedu waxa weeye, waa in aad nadiifiso marka aad dhammaysato dhar-dhaqashadaada. Yacnii waa in aad guriga qasaaladda ka baxdo isaga oo nadiif ah oo fureesh ah, sidii aad adiguba jeclaan lahayd in aad ugu timaaddo.

​Guri-kireeyayaasha kala duwani waxa ay leeyihiin sharciyo farxad-gelin oo kala duwan. Soo ogow waxa quseeya gurigaaga.
Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri