Svenska kyrkan

Dad badan oo ka imaaday meelaha ay ka jiraan isku dhaca iyo dagaalada waxey hadda usoo cararayaan Yurub. Kaniisada iswiidhishka waxey joogtaa meesha ugu fog ee wadada qaxa. Waxaan heysanaa waayo aragnimo aan ku taageerno dadka ku sugan xaaladaha culus, in aan abuurno wadajir fiican iyo nashaadaad macno leh, waxaana si gooni diirada loo sooraa xuquuqda carruurta iyo xuquuqda dumarka.

Kaniisada Iswiidhishka waxay dadka ku cusub Iswiidhan ku casuumeysaa in ay ka caawiyaan xalinta dhibaatooyinka maalinlaha ah, fursad wada hadal, xanaaneyn shaqsi, caawin nafsibulshadeed iyo qaabguud oo macna leh. Kaniisada waxey xataa ka shaqeysaa howl raadin, tusaale ahaan deegaanka dadka magangalyo doonka ah iyo Hey'adda socdaalka xabsigeeda ku meel gaarka ah.

Talo sharciyeed dadka ugu horeeyntii waxaa la siinaa ayadoo loo marayo Rådgivningsbyrån qaxootiga iyo magangalyo doonka taasoo kaniisadda Iswiidhishka ay la maamusho Amnesty, Rädda barnen iyo Sveriges frikyrkosamråd (golaha kaniisada xorta ah ee Iswiidhan).

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri