Alingsås

Alingsås waxaa degan ku dhowaad 40 000 oo qofood. Degmada oo ku taal meel istaraatiiji ah iyo dadka oo ku soo badanaya ayaa keentay in is bedel joogta ah uu ka jiro degmada. is bedelkaas joogtada ah asigoo jiro ayey degmada wali waxeey heysataa raadkeedii hore. sanadihii lasoo dhafay waxey degmada heysatay qaab dhismiyeedkii taariikhiga ahaay ee lagu yaqaanay oo ah waddooyin dhagaxyo ka sameysan iyo dhismo alwaax ka sameysan oo ka soo jeeda qarniyadii 1700- iyo 1800-kun sideed boqol. Alingsås waxeey caan ku tahay "magaalada kafeyga" sababtana waa biibitoyinka kaffeega iyo macmacaanka oo ku badan aawgeed. sanadihii ugu dambeeyay waxeey xataa ku caan baxday Alingsås ineey tahay "magaalada iftiinka". bil kasta oo oktoobar ah waxaa degmada soo booqdo 70 000 oo qofood, waxeeyna u yimaadaan munaasabada nalal qurxinta lagu sameeyo meelaha shacabka, oo ah midda ugu weyn waqooyiga Yurub.

Soo bandhigid

Deegaan

Alingsås waxaa ku yaal guryo nuucyo kala duwan leh iyo shirkad guryo. Shirkadda ugu weyn waa Alingsåshem, waxaa kaloo jira shirkado gaar loo leeyahay. qofka waxuu kala dooran karaa inuu dego guryo waaweyn uu ku yaal meel magaalada ka baxsan ama inuu dego guri yar oo ku yaal bartamaha magaalada. waxaa yaal qof kasta guryo qancinaya. Alingsås waxeey ahmiyad siisay in waxyaabaha ugu muhiimsan nolol maalmeedka ineey isugu keento meelo isku dhow sida shaqada, iskoollada, xanaanada carruurta, dhulka dabiiciga ah iyo is gaarsiinta gaadiidka.

Markaad qaxooti ahaan ku ku timaadid degmada Alingsås waxa ku qaabilaya qof xoghaye ah oo qaabilsan qaxootiga, asigaana ku tusinaya guridaada cusub aad degi doontid. Mararka qaarkood dadka waxaan dejinnaa "guryo ku meel gaar ah" oo aan alaab oollin. Ama waxaa lagu dejinaa guryo ku meel gaar ah, oo aad ka gureysid markaad guri caadi ah laguu helo. Guryaha ku meel gaarka ah mar kasta weey firaashan yihiin.

Hadii aad iskaa u timaadid Alingsås, markaas kuuma heeyno guryo aan ku dejin karno. Laakin wax kastoo kale waan kuu heynaa sida iskoolka, xanaanada carruurta iyo wixii la mid ah. bogga internetka ee degmada waxaad ka heli kartaa warbixin ku saabsan shirkadaha guryaha ee degmada Alingsås. waxaad guryo bannaan ka raadin kartaa Blocket bostad.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Waxaa looga hadlaa luqadaha isbaanishka, sawaaxili, kongaalees, carabi, iiraani, ruush, daari, oromo, tigreega, faransiis, faransiis, ingiriis, jarmal, albeeniyaan iyo seerbiyaan.

Jaaliyado iyo ururu

Alingsås waxaa ka dhisan 350 jaaliyadood oo meherado kala duwan ku howlan sida isboortiska, muusikada, howl gabka, howlaha xilli firaaqaha, kaalmada iyo taageerada iyo kuwo kaloo badan. jaaliyad waxaa la dhahaa koox leh qaanuunyo iyo hogaan. howlaha eey jaaliyada qabatana waxeey yihiin kuwo iskaa wax u qabso. Howlaha firfircoonida ee degmada waxeey muhiim u tahay caafimaadka dadka. Waxeey wax tar u leedahay jirka iyo maskaxda. waxyaalaha eey jaalidaha qabtaan waxaa loogu tala galay da'kasta, jinsi kasta iyo dhalasho kasto aa leedahay. waxaa yaal wax kasta, laga bilaabo meesha eey ciyaalka ku dabbaashaan illaa cunto kariska.

Maxaa ka ag dhaw

Alingsås waxaa ku yaal maktabad, dukaamo, kooxo isboortis, xafiisyada dowladda iyo wax yaalo kaloo badan.

Dalyeelka carruurta

Alingsås waxaa ku yaal 30 xananada carruurta oo kuwa dowladda ah. iskoolladaas xanaanada waxaa loogu tala galay carruurta jirta 1-5 sano. Waxaa kaloo jira 10 iskoollada xananada ah oo kuwa gaarka loo leeyahay ah.

Waxaa kaloo jira iskoollada "xanaanada caadiga ah" iyo xanaanada furan. iskoollada xanaanada caadiga ah waxaa maamula degmada waxeey siisaa caruurta 15 isbuucii, kuwa da'dooda eey u dhaxeeyso 3-5 sano. Xanaanada furan waa xarum wanaagsan oo eey ku kulmaan waalidinta heysta carruurta da'doodu tahay 0-6 sano. Wixii dheeraad ah oo ku saabsan iskoollada xanaanada carruurta ka akhriso degmada boggeeda internetka.

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Degmada Alingsås waxaa ku yaal dugsiga sare ee Alströmergymnasiet, kaasoo leh 12 barnajimo waxbarasho, waxuu leeyahay llokaallo loogu tala galay waxbarashada, macallimiin u qalma shaqadooda iyo meel lagu cunteeyo, meel isboortis, hool iyo meelo kale oo lagu kulmo. iskoolka waxuu kaloo leeyahay barnaamijyo u diyaar garoow waxbarasho oo dhinaca waxbarasho xirfadeedka ah. Dugsiga sare ee Alströmergymnasiet waxuu kaloo heshiis la galay ururka isboortiska kubadda cagta iyo kubbada gacmaha ee Iswiidhan si loo hir galiyo isboortis oo buuxineysa shuruudaha waxbarashada ciyaaraha ee heer qaran, NIU. Wixii dheeraad ah oo ku saabsan iskoolka ka akhriso degmada boggeeda internetka.

Furadaha waxbarasho

Degmada waxeey heysaa waxbarasho ka duwan oo loogu tala galay dadka waaweyn iyo iswiidhishka loogu tala galay qaxootiga, sfi. Alingsås waxaa dadka cusub loo hayaa barashada sida uu mujtamaca u shaqeeyo, SO, oo ah koorso ka kooban warbixinno ku saabsan wadanka Iswiidhan iyo mujtamaca iswiidhishka ah. koorsadu waxey ku baxdaa luqadaada hooyo, laguna dhigtaa magaalada Göteborg oo wada shaqeyn eey ka dhexeeyso gobolka Göteborg.

Caafimaadka

Alingsås waxaa ku yaal rugag caafimaad oo badan iyo rugta qaabilaadda ilkaha. Waxaa kaloo halkaas ku yaal isbitaalka Alingsås lasarett. Wixii dheeraad ah ka akhriso degmada boggeeda internetka.

Caawinaad turjubaan

Qofka aan garaneyn luqadda iswiidhishka waxuu xaq u leeyahay turjubaan. Turjubaanka Alingsås waxaa maamula waaxda is dhexgalka dadka. Waxaa laka dooran karaa turjubaan dhinaca taleefanka ah iyo turjubaan caadi ah.

Xiriirka gaadiidka

Alingsås waxaa ku yaal jidad baaskiil oo fiican. waxa kaloo ku yaal xiriirka is gaarsiinta gaadiidka ee basaska iyo tareenka oo ku geynaya Göteborg iyo degmooyinka kaloo u dhowdhow.

Shaqo iyo ganacsi

Shaqa bixiyaha ugu weyn ee degmada waa isla degmada Alingsås. Qeybaha aan ka shaqeyno oo kala ah iskoollada iyo goobaha xanaaneynta, waxaa badanaa u baahannahay dad waqtiyo yar iyo waqtiyo dhaadheer marmar shaqeeya. Waxaa kaloo degmada ku yaal warshadaha wax soosaarka iyo shirkadaha qandaraaska qaata oo badan. Shaqooyinka ka bannaan degmada waxaad ka heli kartaa darafka eey ku qoran tahay Shaqooyinka bannaan hoostiisa. Degmada boggeeda internetka waxaad ka heleysaa warbixin loogu tala galay qofkii raba inuu shirkad furto.

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxad ka arkaysa shaqada ka banaan iminka degmada iyo nawaaxigeeda.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska
Bogga 1 ee ka mid ah 265

Khariidada adeegga bulshada

Waxaa khariidada ka arki kartaa shaqooyinka guud ee degmada. Waxaad isticmaali kartaa meel khariidada kamid ah oo aad ku qori kartid ereyga waxa aad raadineysid, sida ciwaanka guriga aad raadineysid.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Alingsås

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

39 602

Cabirla dhulka

472 km2

Masaafada u jirta magaalada waaweyn

Göteborg 42 km

Bogga internetka degmada

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri