Älvsbyn

Dadka deggan degmada Älvysby waxaa lagu yaqaan iney yihiin dad ganacsiga u furfuran. Degmada waxaa ka jira 800 shirkado oo ka hawlgala dadyowga degmada oo tiradoodu gaareyso 8000 qof. Degmada Älvysby waxay leedahay jawi ganacsi ee ugu wanaagsan gobolka Norrbotten sida laga soo xigtay rugta ganacsiga Iswiidhan waxayna ku jiraan kuwa ugu wanaagsan marka laga hadlayo ganacsiga dumarka. Degmada Älvsbyn waxaa kaloo ka jira nolosha ururada oo ah mid aad u xoogbadan oo firfircoon ee dhammaan dhinacyada ciyaaraha iyo dhaqanka. Älvsbyn waxaa loogu magac daraa "Dheemanka Norbotten" waxayna si deggan u dhex fadhidaa buuraha kaymaha leh ee ku dheggan Piteälven. Degmada Älvsbyn waxaa ku jira biyadhaceenka weyn ee xoogga badan kaasoo ah biyo dhaceen iskii u socda ee ugu weyn yurub.

Soo bandhigid

Närområdet1,-Foto-Peter-Lundberg.jpg

Deegaan

Dadka badigoodu waxay degmada ka deggan yihiin tuulada dhexe Älvsbyn taasoo u dhaw dabeecadda, badda, meelaha barafka, daadegga barafka lagu ciyaaro iyo waxyaabo kale. Shirkadda guryaha ee Älvsbyn (Älvsbyns fastigheter) waa shirkad degmadeed ee guryaha taasoo iibisa guryo dabaq oo baaxado kala duwan leh ee ku yaala bartamaha tuulada Älvsbyn.

Cinwaano dheeraad ah ee milkiileyaasha guryaha waxaad ka heleysaa bogga internetka degmada ee Älvsbyns. Guryo filooyin, guryaha waqtiyada fasaxyada iyo guryaha xaqa deggenaansha ee bannaan ayaa waxay yaalliin tusaale ahaan shirkadda guryaha ee Älvsbyn.

Dadyowga cusub ee doorta iney aqbalaan marka hay'ada baasaboorada ama xafiiska shaqada uu soo dejiyo degmada Älvsbyn ayaa waxay caawinaad sidey guri ku heli lahaayeen ka helayaan mas'uulka isuduwaha isdhexgalka oo degmadu u shaqaaleysay hawshaa.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Afafka ugu waaweyn ee hadda looga hadlo degmada Älvsbyn waa afka beershiyaanka/daariga, afka soomaaliga, afka tigreega, afka carabiga iyo taylaandiga.

Jaaliyado iyo ururu

älvsbyn - föreningar.png

Ururka saaxiibtinimada ee Älvsbyn waxaa ku jira dad cusub oo iswiidhish noqday ee deggan degmada Älvsbyn. Waa barta kulanka ee dhammaan soo galootiga waddanka iyo dadka waddanka ku dhashay labadaba. Ururka saaxiibtinimada wuxuu gacan ka geysanayaa wanaajinta wadajirka dadyowga. Waxay abaabulaan noocyo kala duwan oo ah firfircooni sida tusaale ahaan qaxweysi iyo ciyaarta bilyaardiga si dadka loogu soo dhaweeyo wadahadallo iyo xiriir yeelasho isku xidhaya xuduudaha dalka gudihiisa. Waxaa kaloo intaa dheer in kaniisadaha kala duwani ay abaabulaan hawlo firfircoon iyo xarumo kulan. Kaniisadaha ku yaalla degmada Älvsbyn waxaa ka mid ah Korskyrkan, EFS-kyrkan iyo Svenska kyrkan. Diiwaanka ururada waxaad ka heleysaa adigoo booqda bogga internetka degmada ee Älvsbyns.

Maxaa ka ag dhaw

Halkaa waxaa laga helaa dukaanada dharka iyo cuntada, maktabada buugaagta, xafiiska shaqada, xafiiska maamulka degmada ee qaabilaadda soo galootiga dalka iyo xafiiska adeegga bulshadda.Dukaanada gacan labaadka (alaabaha la soo isticmaalay), maqaayado, goobaha qaxweysiga, rugta jimicsiga, isboortiga & dabaasha. Degaandegga lagu ciyaaro barafka ee ku yaalla Kanisberget iyo fursado wanaagsan oo lagu sameyn karo ciyaaro firfircooni ee xilliyada xagaaga iyo jiilaalka, tusaale ahaan ciyaarta xeegada barafka, ciyaaraha kubadda cagta iyo ciyaaraha kale ee barafka.

närområdet - älvsbyn.jpg

Dalyeelka carruurta

Degmada Älvsbyn waxaa ku yaalla 8 dugsiyada xanaanada caruurta ee leh guud ahaan 21 waaxood. Celcelis ahaan waxaa ku jira 17 caruur waaxdiiba. Dugsiga xanaanada wuxuu ku dadaalayaa dugsi tayo wanaagsan sidii caruurtoo dhammi u heli lahaayeen dugsi xanaano oo leh jawi deggan oo aamin ah. Waqtiga sugitaanka ee in qofku caruurtiisa u helo dugsiga xanaanada waa 4 bilood.

Förskola

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Degmada Älvsbyn waxay leedahay lix dugsiyo oo loo kala qaybiyey dhammaan fasalada 1-9. Waxaa kaloo haddana ka jira dugsi sare oo leh barnaamijyo waxbarasho kala duwan.Warbixino dheeraad oo ku saabsan waxbarashada waxaad ka heleysaa bogga internetka ee degmada Älvsbyn.

Furadaha waxbarasho

Waxaad halkan ka jira fursado fiican oo ah waxbarashada dadka waaweyn ee dhammaan heerka dugsiga hoose, dugsiga sare iyo waxbarashada jaamacadda. Bogga internetka ee Älvsbyn waxaa ku jira waxbarashada sfi, särvux, komvux, barashada xirfadaha (yrkesutbildning) iyo fursado wax lagu baranayo adigoo meel fog jooga (distansundervisning) oo aad ka baran karto jaamacadda Luleå iyo Umeå. Barashada mujtmaca dalkan waxaa lagu dhigaa Luleå ayadoo lagu baranayo afka hooyo. Ma jiro waqti sugitaan ee dugsiga sfi. Warbixin dheeraad oo ku saabsan hababka kala duwan ee waxbarashada waxaad ka heleysaa bogga internetka ee degmada Älvsbyn.

Caafimaadka

Magaalooyink waaweyn ee Älvsbyn waxaa ka jira xarumo caafimaad oo aad ka heleyso daryeelka caruurta iyo hooyooyinka,Daaweynta masaajeynta,tababarka xubnaha jidhka iyo rugta qaabilaadda dhallinyarada.Daryeelka caafimaadka ee dhakhtarada takhasuska waxay ka jiraan Piteå (50 km) iyo Sunderbyn (65 km). Cusbitaalka ilkaha wuu ku yaalaa tuulada.

Caawinaad turjubaan

Fursad ah in la helo caawimaad tarjumaada waxay ka jirtaa xafiisyada dawladda oo dhan.Badanaaba dhinaca telefoonka ayaa caawinaadda tarjumaadda luqado qaar waxay ka jiraan tuulada.

Xiriirka gaadiidka

Isgaarsiinta dhinaca gaadiidka ee u kala goosha tuulada Älvsbyn wey wanaagsan tahay. Iskuxidhka basaska ayaa si sahal ah waxay kaaga dhaqdhaqaajin karaan magaalooyinka dhawdhaw sida Boden, Luleå iyo Piteå. Tuulada Älvsbyn waxaa ka jira saldhig tareen ee ku geyn kara Boden, Luleå iyo Stockholm. Isku xidhka diyaaradaha  waxay ka jiraan Luleå. Duulimaadka Luleå – Stockholm waxay qaadaneysaa ku dhawaad hal saac.

Shaqo iyo ganacsi

Degmada Älvysbyn waxay leedahay jawi ganacsi ee ugu wanaagsan gobolka Norbotten sida laga soo xigtay rugta ganacsiga Iiswiidhan waana kuwa ugu wanaagsan marka laga hadlayo ganacsiga dumarka,waana kan ugu sareeya ee gobolka dhinaca ganacsi abaabulka cusub. Älvsbyn waxaa ka jira dhaqaale ganacsi xoogan oo kala duwan ee leh 800 shirkado shaqeeya. 

Shirkadda macdan qodista ee Boliden ayaa waxay qorsheyneysaa iney ka bilowdo qodista macdanta naxaasta qaybaha galbeedka degmada sanadka 2020. Haddii ay godka macdanqodista ka furaan waxay u baahan doonaan shaqaale gaaraya 700 qof.

Shirkadaha ugu waaweyn ee degmada Älvsbyn waa Polarbröd iyo Älvsbyhus.Waxaa xitaa ku yaalla shirkadaha ku tijaabinta gaadiidka cimilada qabow sida Arctic Falls ee leh tijaabooyinka joogtada ah ee ugu horeeyey iswiidhan ee tijaabinta gawaarida xilliga qabowga jiilaalka waana tan ugu weyn iswiidhan ee tijaabinta taayirada baabuurta.

Waxaa kaloo jira shirkado dad iska leh ee ku yaalla meelo aan fogeyn sida shirkadda biraha ee SSAB ee ku taalla Luleå iyo warshadda waraaqaha ee Smurfit Kappa Kraftliner ee ku taalla Piteå.

Warbixin dheeraad ah ee ku saabsan dhaqdhaqaaqyada ganacsi waxaad ka heli kartaa adoo booqda bogga internetka ee degmada Älvsbyn.

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxad ka arkaysa shaqada ka banaan iminka degmada iyo nawaaxigeeda.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska
Ciwaan shaqoXirfad
3 st turistvärdar / värdinnor 75 % till Storforsens turistinformation Turistvärd/Turistvärdinna
Ekonom Redovisningsekonom
Sommarjobb hos OKQ8 Älvsbyn Bensinstationsbiträde/Servicebiträde
Säkerhetsexpert till Älvsbyn Hemförsäljare
Nu förstärker vi ekonomiteamet med en Kvalificerad redovisningsekonom Redovisningsekonom
Handledare i Stöd och Matchning , Älvsbyn Jobbcoach/Utbildningscoach
Servitör / Servitris sökes Servitör/Servitris
Kock sökes Kock, à la carte
3 Enhetschefer 100% inom särskilt boende och korttidsverksamhet Äldreomsorgschef
Behandlingsassistenter Semester - / timvikarie , Boromir HVB i Älvsbyn Behandlingsassistent/Socialpedagog
Skogskonsulent Älvsbyn Skogskonsulent/Skogsvårdskonsulent
Sommarvikariat Älvsbyn 2018 Maskinoperatör, bageri
Morgondistributör Tidningsbud/Tidningsdistributör
Sommarvikarier 2018 Undersköterska, hemtjänst och äldreboende
Lernia söker lagermedarbetare Lagerarbetare
Glad , positiv elektriker för omväxlande installationsuppdrag i Luleå Installationselektriker
Chefer till BF / IGV - grupper vid LPO Luleå / Boden Enhetschef, offentlig förvaltning
Konstnärlig ledare Produktionsledare: kultur, media, film
Affärsassistent på en internationell marknad Försäljningsassistent
Intresseanmälan Chaufförer Distributionsförare

Bogga 1 ee ka mid ah 37

Khariidada adeegga bulshada

Waxaa khariidada ka arki kartaa shaqooyinka guud ee degmada. Waxaad isticmaali kartaa meel khariidada kamid ah oo aad ku qori kartid ereyga waxa aad raadineysid, sida ciwaanka guriga aad raadineysid.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Älvsbyn

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

8 194

Cabirla dhulka

1 713 km2

Masaafada u jirta magaalada waaweyn

Luleå 65 km

Boden 50 km

Piteå 50 km

Bogga internetka degmada

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri