Aneby

Kusoo dhowoow degmada Aneby- degmo yar oo laakiin qani ah! waxyaabaha keenaya inaad jeclaatid inaad usoo guurtid degmadaan waa iskoollo fiican, shirkadaha oo ganacsigoodu wanaagsan yahay iyo masaafadooda oo aan kala fogeyn.

Soo bandhigid

Deegaan

Shirkada ugu weyn ee guryaha waa Aneby bostäder. Waxaa kaloo jira shirkado badan oo kuwa gaarka loo leeyaha ah oo iyagana kireeya guryaha.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Waxaa degmada Aneby looga hadlaa luqado badan. Qaar kamid ah luqadahaas waa carabi, tigree, daari, iiraani, boosniyaan, af-ruush iyoaf-jarmal.

Jaaliyado iyo ururu

Aneby waxaa ku taal kaniisada iswiidhishka iyo kaniisado kaloo madax banaan. Waxaa ka jira meeshaan jaaiyado badan oo gaaraya 80 jaaliyadood. Waxaa degmada Aeby ka jira xiiso loo qabo arrimaha la xiriira isdhexgalka dadka, maamulka degmadana waxeey wada shaqeyn la leeyihiin jaaliyadaha kala duwan si loo sameeyo meelo ey dadka ku kulmaan.

Maxaa ka ag dhaw

Aneby meel kasta waad u lugeyn kartaa. Bartamaha degmada waa Fredstorget. Waxaa meeshaan ku yaal dukaamo cunto, farmashiiye, bangiyo, makhaayado iyo dukaamo. Waxaa kaloo ku yaal dukaamada gacan labaadka oo gada dhar, gabo iyo maacuun.

Bild på Anebys kommunhus och en gågata i orten

Guriga degmada xataa waxuu ku yaal Fredstorget. Waxaa meeshaan ka shaqeeya dadka u shaqeeya xafiisyada dowladda ee degmada oo isugu jira dhinaca daryeelka caafimaadka iyo iskoollada. Xafiisyada degmada ayaad la xiriireysaa hadaad qabtid su'aalo ku saabsan qaxootiga iyo hadaad wadanka ku cusub tahay. Xafiiska shaqada waxuu xafiis ku leeyahay Aneby waxuuna furan yahay laba maalin isbuucii. Xafiiska cashuuraha iyo kan ceymiska waxeey xafiisyo ku leeyihiin degmooyinka Nässjö iyo Tranås.

Maktabada Aneby waxeey boqol mitir u jirtaa guriga degmada. Waxaad ka amahaan kartaa buugaagta, joornaallada iyo filimo luqado kala duwan leh. Waxaad isticmaali kartaa kombiyuutarrada maktabada. Maktabada Aneby waxaad imaan kartaa markeey xataa eey dadka ka shaqeeya aaney joogin.

Waqtiyada eey shaqaalaha joogin maktabada waxeey furan tahay saacadda markeey tahay 07:00-22:00. Waxa lagaa rabo waa kaar iyo nambar iyo inaad ka diiwaan gashan tahay maktabada isla markaasna aad imaan kartid waqtiyada aaney shaqaalaha joogin. Waxaa arrimahaas oo dhan kaa caawinaya shaqaalaha maktabadda.

Bild på utsidan av Anebys bibliotek

Dalyeelka carruurta

Hadaad iskool dhigatid ama aad shaqeeysid waxeey carruurtaada xaq u leeyihiin ineey dugsiada xanaanada dhigtaan. Hadaad rabtid inu cunugaaga xanaanada dhigto waa inaad foom dalbasho ah buuxisid si boos aad u heshid, foomka aad buuxineysid waxaa la dhahaa " dalbashada boos dugsiga xanaanada carruurta ah eller guriga xanaanada carruurta".

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Aneby waxeey caruurta ku koreysaa bii'ad wanaagsan iskoolladeeduna eey fiican yihiin. Waxaa ku yaal meeshaan xanaanada carruurta, guriga xanaanada carruurta, dugsiyada hoosedhexe iyo iskoolka ardayda dhimirka la'. Hadafka laga leeyahay waa in waxbarashada eey noqoto wax lagu farxo oo aan dhib aheyn. Dugsiga hoosedhexe ee Aneby waxuu ka kooban yahay shan qeeybood. Bartamaha degmada waxaa ku yaal iskoollada Furulidskolan, Parkskolan iyo Svartåskolan. Degmada bannaankeedana waxaa ku yaal Vireda iyo Sunhult.

Degmada Aneby kuma yaal dugsi sare. Sidaas darteed dhalinyarada degmada badankood waxeey dugsisare u aadaan degmooyin kale. Degmooyinka dariska ah waa Eksjö, Tranås, Nässjö iyo Jönköping.

Furadaha waxbarasho

Weey badan yihiin fursadaha waxbarashada dadka waaweyn ee ka jira degmada. Aneby waxaad ka baran kartaa sfi (luqadda iswiidhishka loogu tala galay qaxootiga). Waxbarashada waxeey ka kooban tahay 15 saacadood isbuucii, maalmaha isniin-arbaco ama arbaco-jimco. Si aad ugu qeybgashid casharadda waa inaad ku qoron tahay diiwaanka dadka degmada isla markaasna aadan hore usoo dhigan luqadda iswiidhishka (shahaadada koorsada D).

Waxbarashada sfi waxaad dhigan maalin kasta ama geybqeyb ayaad u dhigan kartaa, hadaad rabtid waxaad la qaadan kartaa koorsooyin kale. Waxbarashada sfi waxeey la jaan qaadeysaa hadafka aad rabtid inaad gaartid. Koorso markeey dhamaato waxaa la gu siinayaa natiijoyinka E-A. macalimiinteena luqadooda hooyo iswiidhish maahan ee waa (ruush, carabi iyo iiraani) taasoo fududeeyneyso in luqadaada hooyo wax laguugu fasiro.

Hadaad rabtid inaad maadooyin aan iswiidhish aheyn baratid waxaad ka baran kartaa degmoyinka dariska ah sida Eksjö, Tranås, Jönköping. Barashada sida uu mujtamaca iswiidhishka u shaqeeyo waxaa lagu bartaa luqadda carabiga, luqadaha kale waxaan wado shaqeyn la leenahay degmooyinka kale.

Machadjaamacadeedka Högskolan Höglandet (HH) oo ku yaal Aneby waxaad ka baran kartaa waxbarasho heer jaamacadeed ah. HH waa wada shaqeyn ee leeyihiin ururka Höglandets kommunalförbund iyo degmooyinka Aneby, Eksjö, Nässjö, Sävsjö iyo Vetlanda. Xarunta waxbarashada dadka waaweyn waxaad bokiman kartaa qol iyo kombiyuutar. Mararka qaar imtixaanada waxaad ku sameyn kartaa degmada Aneby. Jaamacadaha ugu dhow waxeey ku yaallaan finns i Jönköping och Linköping. hadaad degan tahay Aneby waxaa tigitkaada safar ee jaamacada kaa bixinaya degmada Aneby.

Caafimaadka

Aneby waxaa ku yaal rug caafimaad, rugta ilkaha iyo rug ilkaha oo gaar loo leeyahay. Isbitaalka ugu dhow waa isbitaalka Höglandssjukhuset ee ku yaal Eksjö iyo isbitaalka sjukhuset Ryhov ee ku yaal Jönköping. Degmada Aneby waxaa kaloo ku yaal rugta daryeelka qoyska meeshaasoo eey ku yaallaan dugsiga xananada furan, rugta daryeelka hooyada iyo rugta daryeelka carruurta.

Caawinaad turjubaan

Turjubaan waad heleysaa marka aad kulan la leedahay xafiisyada dowladda iyo meelaha kaloo aad rabtid.

Xiriirka gaadiidka

Degmada Aneby waxeey leedahay fursado safar oo wanaagsan. Waxaa jira tareen toos kuu geynaya Nässjö-Jönköping iyo Tranås-Linköping-Norrköping, wakhtiyada uu baxana weey isku dhowyihiin. Jönköping hadaad bas ama tareen ugu safartid waxuu safarka qaadanaa hal saac wax ka yar. Linköping xataa waa isku mid. Wakhtiyada eey baxaan gaadiidyada kala duwan iyo qiimaha waxaa ka heli kartaa JLT ama SJ.

Shaqo iyo ganacsi

Shirkadaha ka dhisan degmada weey kala duwan yihiin, kuwa ugu badan waa warshadaha waxsoosaarka. Saddaxii qofoodba hal qof ayaa ka shaqeeya warshadaha waxsoosaarka degmada Aneby.

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxad ka arkaysa shaqada ka banaan iminka degmada iyo nawaaxigeeda.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska
Ciwaan shaqoXirfad
Förskolechef / rektor till område tätort Öster Rektor
Trädgårdsmästare Trädgårdsmästare, anläggning
Vi söker säljare i Aneby Utesäljare
Kundsupport / orderläggare Kundtjänstmedarbetare
Danspedagog Danspedagog
Konstruktör Grupphus Byggnadskonstruktör
Sjuksköterska till hemsjukvården i Aneby Sjuksköterska, grundutbildad
Sommarjobb , barnmorska Barnmorska, förlossning
Sommarjobb , undersköterska / skötare Undersköterska, vård- o specialavd. o mottagning
Sommarjobb , undersköterska / skötare Undersköterska, vård- o specialavd. o mottagning
Personlig assistent till aktiv tjej i Aneby Personlig assistent
EXTRAJOBB i Jönköping med ett flexibelt schema! Innesäljare
Sommarjobb för tandläkarstuderande Tandläkare
Instruktör till djurvården Smådjursskötare
Planarkitekt / planingenjör / fysisk planerare Planarkitekt
Kommundirektör tillika förvaltningschef Kommundirektör
Medarbetare till Funktionshinderomsorgen Personlig assistent
Restaurangchef Restaurangchef
Kyltekniker till Höglandet Kyl- och värmepumpstekniker
Rosenlundsgrillen i Jönköping söker medarbetare Restaurangbiträde

Bogga 1 ee ka mid ah 56

Khariidada adeegga bulshada

Waxaa khariidada ka arki kartaa shaqooyinka guud ee degmada. Waxaad isticmaali kartaa meel khariidada kamid ah oo aad ku qori kartid ereyga waxa aad raadineysid, sida ciwaanka guriga aad raadineysid.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Aneby

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

6 374

Cabirla dhulka

521 km2

Masaafada u jirta magaalada waaweyn

Nässjö 26 km

Eksjö 25 km

Tranås 27 km

Jönköping 45 km

Linköping 100 km

Växjö 128 km

Malmö 336 km

Göteborg 192 km

Stockholm 295 km​​

Bogga internetka degmada

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri