Åre

Åre waa degmo loogu tala galay haddii aad tahay qof jecel xarago iyo nolol firfircooni, isla markaana raba inuu ka agdhawaada adeeg degmo oo dhisan, xarumo caafimaad oo wanaagsan iyo fursado waxbarasho oo fiican. Halkaan waa meel ammaan ah una fiican korinta carruurta, waa degmo yar oo wax kasta kuu heysa. Degmada Åre waxaa kusoo badanaya dadka usoo guuraya waxaadna halkaan ka heleysaa dad badan oo adduuna dacalladiisa ka kala yimid. Hawo macaan, dhul dabiici ah iyo dad qali furan ayaa ah waxyaabaha keenay ineey dad badan usoo guuraan halkaan sanad walba. Soo dhowoow oo naga mid noqo!

Soo bandhigid

Degmada Åre waxeey ku taal gobolka Jämtland waxaana degan illaa 10 300 oo qofood. Bartamaha degmada waa xaafada Järpen oo eey degan yihiin illaa 1550 oo qofood. Degmada waxaa ka buuxa dhul dabiici ah oo aad u qurux badan oo uu qofka jeclaanayo inuu dego. waxaa ka jira shirkado badan oo kuwa dalxiiska ah shqaaleeysiiyana dad badan. shaqa bixiyayaasha kaloo waawey waa degmada shaqaalaheeda oo ka shaqeeya caafimaadka, daryeelka, iskoollada iyo waxii la mid ah. 

Deegaan

Degmada Åre waxaa ku yaal fillooyin badan, guyro la kireysto iyo guryo dabaq ku yaal oo la gato. Waxaa jira guryo kireeyayaal baraayfat ah iyo shirkad eey degmadu leedahay oo heysa guryo wanaagsan weeyna fududahay inaad saf u geshid guryaha. Dadka wadanka ku cusub oo Hey'adda laanta socdaalka ka dalbado in la dejiyo degmada Åre, isla degmada ayaa ka caawineysa ineey guryo helaan.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Waxaa ku nool degmada Åre dad meelo badan ka kala yimaaday. Marka laga reebo luqadda iswiidhishka waa luqada ingiriiska. Luqadaga kale waa, carabi, faarisi, tigree, af-tigree, shiinees, teeylaandees, af-iiraan, soomaali iyo kuwo kale.

Degmada waxaa degan dad kasoo jeeda asalii hore ee Saami oo ku hadla luqada saamikoofureed.

Jaaliyado iyo ururu

Waxaa ka jira degmada jaaliyado badan qofkii xiiseynayana hidde iyo dhaqan waxa jira waxyaabo badan oo uu sameyn karo. Degmada waxeey leedahay iskool hidde iyo dhaqan oo muusik leh, qoob ka cayaar, shaleemo, maktabado badan iyo xarumo heeso.

Waxaabaha xilli firaaqaha la sameyn karo weey badan yihiin, khaasatan kuwa jecel jimicsiga. Waxaan heynaa meel lagu dabbaasho, hoolal isboortids, garoomo banooni iyo xarumaha dhalinyarada e xilli firaaqaha, hoolka fardaha, hool baraf, xarumaha ciyaaraha barafka, dhabbe loogu tala galay socodka iyo biyo mareenno fiican oo laga kalluumeysan karo.

Jaaliyado dhowr ah ayaa ka shaqeeya maddaalinta carruurta iyo dhalinyarada taasina waxeey keeneysaa in dadka ku cusub degmada eey ba isla markiiba la qabsadaan degmada.

Maxaa ka ag dhaw

Järpen ee ah tuulada bartanka waxaa ka jira dhammaaan adeegyada degmada sida xarunta caafimaadka,adeegyada isdhexgalka, dugsiyo waxbarasho,daryeelka caruurta, xafiiska shaqada & dugsiga SFI iyo dukaanada cunada iyo maqaayado.

Åre waxaa ku yaalla kooxo dhowr ah oo ah dhammaan maqaayado, dukaano iyo hawlo firfircooni sida ku socodka ulaha barafka, dabaasha, wadista baaskiilka, doonwadista iwm.

Saabaanta (alaabta) guriga waxaad ka heleysaa Kupan, dukaanada laanqayrta cas iyo rugta qaxweysiga.

Adeegyada isdhexgalka bulshada

Bartamaha xaafada Järpen waxaa ku yaal xarunta is dhexgalka bulshada, halkaas waxaa lagaaga caawinayaa waxyaabahaan sosocda:

Warbixin waadix ah oo lagu bixinaayo luqad aad fahmeysid.

  • Caawimaad baraktiko ah oo laguugu tusaayo sida aad gurigaada u hagaajisan laheyd una wanaajin laheyd.
  • Ugu yaraan laba maalin isbuucii ayaad waxaad xaq u leedahay inaad tagtid adigoo xajisanin waqti xarunta adeega is dhexgalka bulshada. Halkaas waxaa lagaaga caawin karaa sida loo bixiyo kirada, sida loola xiriiro xafiisyada bulshada, in lagaa caawiyo warqadaha iyo wixii la midka ah.
  • Hal habeen isbuucii waxaa lagaa caawinayaa layliska iskoolka iyo su'aalaha kaloo aad qabtid.

Waxaad fursad laguu siinayaa inaad kulan kali ah la yeelatid shaqaalaha xarunta adeega is dhexgalka bulshada iyadoo turjumaan ku caawinayo.

Dalyeelka carruurta

Xanaanada carruurta waxeey ku yaallaan xaafado badan oo degmada ka mid ah. Markaad inta usoo guurtid anagaa kaa caawineyno sida aad isaga diiwan galineysid Iskoolka xanaanada carruurta.

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Dugsiyada hoosedhexe waxeey ku yaallaan Kall, Mörsil, Järpen, Åre, Duved, Undersåker iyo Hallen. Dugsiga sare waxuu ku yaallaa Järpen.

Furadaha waxbarasho

Sfi, iskoolka dadka waaweyn waxeey ku yaallaan Järpen, Waxaa kaloo ku yaal machadka dadka waaweyn oo lagu barto xirfado kala duwan oo ku saabsan ka shaqeynta makhaayadaha iyo dalxiiska.

Masaafo aad safar yar u galeysid ayaa waxaa ku yaal jaamacada Mittuniversitet oo heysa barnaamijyo waxbarashadeed badan.

Waxeey wada shaqeyn fiican naga dhaxeysaa xafiiska shaqada oo isagana haaya koorsooyin qofka u sahmeyso inuu shaqo helo.

Caafimaadka

Xarunta caafimadka waxeey ku taal Järpen, Hallen, Åre iyo Mörsil. Isbitaal leh qeybta dhallaanka Östersund. Xarunta ilkaha waxeey ku taal Åre iyo Järpen.

Caawinaad turjubaan

Degmada Åre Waxaad fursad laguu siinayaa inaad qabsatid turjumaan. Waxaan isku daynaa inaad isticmaalno turjumaano fadhiya meesha lagu kulmayo iyo inaanan isticmaalin kuwa taleefanka ka turjuma.

Xiriirka gaadiidka

Xaafadaha kala duwan ee degmada waxaad u qaadan kartaa bas, tareenna waxaad u qaadan kartaa Östersund, Mörsil, Undersåker, Åre iyo Duved.

Shaqo iyo ganacsi

Degmada waxaa sanadaha soo socdo si fiican loogu baahnaan doonaa shaqaalaha heysta xirfadaha dhakhtarnimo, macalin, kabalyeeri, cunto kariye, bir tume iyo korontada kuwa ka shaqeeya. Waxaa kaloo iyaga jiri doono fursado shaqo oo ah dhinacyada caafimaadka iyo daryeelka, alxanka iyo garaash ka shaqeyna, gaadiidka iyo geedo jaridda. ​

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxad ka arkaysa shaqada ka banaan iminka degmada iyo nawaaxigeeda.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska
Ciwaan shaqoXirfad
Kock sökes till Åre boende finns Kock, à la carte
Servis / servitör sökes till Åre , boende finns Servitör/Servitris
Hotell / frukost / reception till Åre , boende finns Frukostvärd/Frukostvärdinna
Kock Specialkock
Lärare i fritidshem / fritidspedagog Lärare i fritidshem/Fritidspedagog
Lärare i fritidshem / fritidspedagog Lärare i fritidshem/Fritidspedagog
Lärare med specialpedagogisk kompetens , Åre Specialpedagog
Mark - och exploateringsingenjör Exploateringsingenjör
Förskollärare / lärare förskoleklass Lärare i förskoleklass
Vårdare , Järpen Undersköterska, hemtjänst och äldreboende
Studie - och yrkesvägledare till Jämtlands Gymnasium Åre Studie- och yrkesvägledare
Frukost / Lunch Kock Kock, à la carte
Sjuksköterska till Gastroavdelning i Östersund Sjuksköterska, grundutbildad
ECY - certifierade elektriker till Bravida Elektriker, film/TV
Vårdbiträden till nattarbete inom Hemvården i Åre / Duved Vårdbiträde
Vårdbiträden till Hemvården i Åre / Duved Vårdbiträde
Undersköterskor till Hemvården i Åre / Duved Undersköterska, hemtjänst och äldreboende
Undersköterskor för nattjänst till Hemvården i Åre / Duved Undersköterska, hemtjänst och äldreboende
Verksamhetsutvecklare , Leanenheten Administrativ utvecklare
Receptionist Hotellreceptionist

Bogga 1 ee ka mid ah 19

Khariidada adeegga bulshada

Waxaa khariidada ka arki kartaa shaqooyinka guud ee degmada. Waxaad isticmaali kartaa meel khariidada kamid ah oo aad ku qori kartid ereyga waxa aad raadineysid, sida ciwaanka guriga aad raadineysid.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Åre

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

9 483

Cabirla dhulka

7 199 km2

Masaafada u jirta magaalada waaweyn

Järpen - Stockholm 636 km

Järpen - Sundsvall 261 km

Järpen - Trondheim 184 km

Järpen - Östersund 73 km

Bogga internetka degmada

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri