Åtvidaberg

Degmada Åtvidaberg waxeey u dhaxeeysaa xeeb iyo Magaalo weyn, waxeeyna leedahay dhul qani ku ah balliyaal, doog, xoolo iyo hawo aad u wanaagsan. Degmada Åtvidaberg waxeey kaloo leedahay taariikh soo jireen ah oo ah dhinaca beeraha iyo kubbada cagta.

Soo bandhigid

​​​​​​​Deegaan

La xiriir xarunta isdhexgalka dadka ee degmada oo laga wici karo taleefan nambarka: 0120-830 00

 

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Degmada waxeey heshiis ah, ineey sanad kasta qaabisho 20 qaxooti, lagashay maamulka gobolka, dadka eey qaabisho ayaa waxeey ku kala hadlaan luqado kala duwan. Luqadaha ugu badan ee looga hadlo degmada waxeey ku xirantahay inta ajaanib oo usoo guurto ama ka guurto degmada. La xiriir xarunta isdhexgalka dadka ee degmada hadii aad rabtid inaad ogaato luqadaha ugu badan ee loogu hadlo degmada.

 

Jaaliyado iyo ururu

Wax Jaaliyado ah kama dhisna degmada, hase yeeshee waxeey ka dhisan yihiin magaalooyinka waaweyn ee dariska la ah degmada.

Maxaa ka ag dhaw

Bartamaha degmada Åtvidaberg waxaa ku yaal dukaamada cuntada, dukaamo yaryar, maktabad, xafiiska shaqada, dukaan gacan labaad, dugsiga xanaanada carruurta, dugsi hoose-dhexe iyo sare, dukaamo dhar oo weyn waxeey ku yaallaan degmooyinka dariska ah.

Dalyeelka carruurta

Dugsiyada xanaanada carruurta waxeey ku yaallaan Åtvidaberg iyo tuulooyinka Grebo, Björsäter iyo Falerum. Muddada safka loo galo dugsiyadaas waa ku dhawaad afar billood. La xiriir xarunta isdhexgalka dadka ee degmada hadii aad rabtid inaad wax ka ogaato ogaato daryeelka carruurta.

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Dugsiyada hoosedhexe waxeey ku yaallaan bartamaha degmada Åtvidaberg iyo tuulooyinka Grebo iyo Björsäter. Åtvidaberg waxaa ku yaal dugsiga sare ee Åtvidabergs gymnasieskola waxaana lagu bartaa barnaamijyada caadi ah oo dhan.

Furadaha waxbarasho

Åtvidaberg waxeey kuu heysaa waxbarashada dadka waaweeyn iyo barashada luqada iswiidhishka oo loogu tala galay dadka aan kasoo jeedin asal ahaan wadanka iswiidhan.

Caafimaadka

Åtvidaberg waxaa ku yaal rug caafimaad, rugta daryeelka hooyooyinka, rugta daryeelka carruurta iyo rugta daryeelka ilkaha.

Caawinaad turjubaan

waxaa jira caawimaad turjubaan marka aad la kulmeeysid shaqaalaha xarunta adeega bulshada iyo xafiisyada kala duwan. Caawimaada Turjubaan ee dhinaca taleefanka ayaa ah kan la isticmaalo badanaa.

Xiriirka gaadiidka

Degmada Åtvidaberg waxeey leedahay basas iyo tareenno aada meela kala duwan. Waxaa jira bas iyo isku xira Åtvidaberg iyo Lidköping. Waxaa isna jira tareen isku xira Åtvidaberg, Lidköping iyo Västervik.

Jedwalka wakhtiga waxaad ka heli kartaa Östgötatrafiken.

Shaqo iyo ganacsi

Shaqo bixiyayaasha ugu waaweeyn waa kuwa ku yaal degmooyinka dariska ah. Åtvidaberg waxaa ku badan milkiilayaasha shirkadaha yaryar. Heerka shaqa la'aanta ee degmada Åtvidaberg waxuu la mid yahay sida degmooyinka eey isla midka yihiin ee Iswiidhan.

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxad ka arkaysa shaqada ka banaan iminka degmada iyo nawaaxigeeda.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska
Ciwaan shaqoXirfad
Vi söker säljare i Åtvidaberg Utesäljare
Erfaren CNC - operatör sökes CNC-operatör/FMS-operatör
Homepartysäljare – Heminredning ZELECTED BY HOUZE AB Hemförsäljare
Medicinsk fotterapeut , Vårdcentralen Åtvidaberg Undersköterska, vård- o specialavd. o mottagning
Lärare i samhällskunskap Lärare i gymnasiet
Vikarierande skoladministratör Skolassistent
Lärare i Svenska och Engelska Lärare i grundskolan, årskurs 7-9
Lärare i matematik / NO Lärare i grundskolan, årskurs 7-9
Vikarier till Klaragården i Falerum Vårdare/Arbetshandledare/Boendestödjare
Montör / Verktygstekniker sökes för kunds räkning Verktygsmakare
En glad bilmekaniker sökes Fordonstekniker/Bilmekaniker/Personbilsmekaniker
Behandlare till KRONBACKEN Behandlingsassistent/Socialpedagog
Vision Omsorg söker Föreståndare Enhetschef inom social omsorg
Idrottsintresserad säljare sökes till Viasat Hemförsäljare
Kock Kock, à la carte
Butiksdemonstratör i Åtvidaberg Butiksdemonstratör
Pema People söker Egenföretagare inom Verkstad / Ind. Svetsare, manuell
Receptionist Hotellreceptionist
Serveringspersonal Servitör/Servitris
Städpersonal Städare/Lokalvårdare

Bogga 1 ee ka mid ah 61

Khariidada adeegga bulshada

Waxaa khariidada ka arki kartaa shaqooyinka guud ee degmada. Waxaad isticmaali kartaa meel khariidada kamid ah oo aad ku qori kartid ereyga waxa aad raadineysid, sida ciwaanka guriga aad raadineysid.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Åtvidaberg

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

11 500

Cabirla dhulka

690 km2

Masaafada u jirta magaalada waaweyn

Linköping 35 km

Norrköping 65 km

Bogga internetka degmada

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri