Avesta

Avesta waxeey ku taala markii la raaco wabiga-Dala ee koonfurta Dalarna, waxeeyna uu dhawdahay dabiicada iyo magalooyinka sii weeyn. Dadaalka loo sameeynaayo caruurta iyo dhalinyarada waa badanyihiin. Avesta waxaa ku taalo Verket/Avesta, oo ka mid ah xarunta sawirka caruurta ee Dalarna. Jardiinada isboortiga waa goob isboorti oo lagu tago si lama filan ah, waxeeyn ku xiran tahay Metropooloen Avesta oo ah guriga dabaasha reeerka ee wanaagsan, qeeybaha degmada banankoodna waxaa ku yaalo goobo isboorti oo ka yar taasi oo si lama filaan ah lagu tagi karo.

Soo bandhigid

​​dalahäst.jpg

Deegaan

Degmada Avesta waxeey lee dahay guriyaal badan oo kala duwan. Waxaad ka heli kartaa guriyaal la kireeysto, guri milkiyeed, guri filo ah iyo beero yar. Bogga degmada waxaad ka heleeysaa warbixin dheeraad ah oo ku saabsan hababka degaameed ee kala duwan iyo warbixinta xariirka ee guri kireeyaasha iyo dalaalka guriyaasha.

Turridning i Axelsbo

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Koox-Luuqadeedka ugu badan waa af carabi, af tigrinya iyo afka iraan/af daari. Sido kalena af fransiis, af kurdi, af ugriigi, af ruush, afka thayland iyo af soomaali ee dad badan oo degmad joogo ku hadlaan.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada waxeey taajir ka tahay soo bandhigi ururyada. Waxaad ka wada heleeysaa diiwaanka degmada. Munasabadooyinka ugu badan ee degmada ka dhaco waxaa lagu soo dhajiyaa jedwalka-munaasabadooyinka.

Badhus

Maxaa ka ag dhaw

Degmada waxeey lee dahay soo bandhig weeyn ee dukaameed, maktabad oo leh laamo badan iyo xafiiska isdhex galka oo xafiis ku leh gudaha maktabada Avesta. Qasnada ceeymiska, xafiiska shaqada iyo xafiiska canshuuraha waxeey lee yiihin xafiis wadajir ah. Waxaa jiro hoowlo qaabilaad oo gaar ah oo loogu tala galay dadka degmada goor dhow uu soo guuray.

strandbacken båtliv

Dalyeelka carruurta

Degmada Avesta waxeey lee dahay xanaano-caruur oo sii fiican uu dhisan, waxeey soo bandhigi kartaa xanaaneeyn caruur oo habeen iyo habeen barka waxii sii dhaafo taasi oo degmooyin dhif ah ee soo bandhigi karaan. Dugsiyaasha xanaanada ma ahane, waxaa sido kale sii jiro xanaanada maalmeedka ee reerka oo ah hab xanaaneeyn caruur ah.

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Dugsiyaasha hoose ee degmada oo dhan waxaad ka wada heleeysaa bogga degmada. Degmada waxaa sido kale ku yaalo dugsi madaxbanaan. Dugsi sare ee Karlfeldt waa dugsiga sare ee degmada. Dugsi sare ee Karlfeldt waxuu soo bandhigaa nuuc waxbarasho oo balaaran, in badan oo ka tirsan waa waxbarasho kuliyaad oo herkood la xaqiijiyay.

Furadaha waxbarasho

Agagaarka Avesta waxaa laga helaa fursad waxbarasho oo fiican. Ka akhriso in dheeraad ah bogga degmada.

Bibliotek i Avesta

Caafimaadka

Degmada Avesta waxaa ku yaalo isbitaal-dhawaan oo leh qaabilaad degdeg ah, oo furan afar iyo labaatan saac. In kale oo ku saabsan isbitaal ka akhriso halkaan.Waxaa jiro ruggag caafimaad oo madaxbanaan iyo kuwo maamulka gobolka maamulo. Ruggagiisa caafimaad waxeey ka hoowl galaan daryeelka koobaad. Adiga ayaa dooraneeysid meesha aad tageeysid markaad jiran tahay. Ruggaga caafimaadka waxaa laga helaa oo ka mid ah daryeelka hooyooyinka, daryeelka caruurta, baxnaaneeynta iyo jimicsiga bukaanka.

Maamulka gobolka iyo daryeel dhibaha madaxa banaan waxeey wada soo bandhigaa daryeel ilko. Sido kale waxaa jirto qaabilaad dhalinyaro. Si aad uu hesho warbixin dheeraad ah oo ku saabsan daryeelka caafimaadka iyo bukaanka Avesta, fiiri bogga degmada.

Caawinaad turjubaan

Markii xariir lala yeelanaayo xafiisyada dowlada waa jirtaa fursad lagu helo caawinaad turjumaan oo kula joogo ama ku jiro qadka taleefoonka.

Xiriirka gaadiidka

Basaska xaadaha ee Avesta raacitaankooda waa lacag la'aan. Waa sahlan tahay in Avesta la imaado iyo laga tago ayadoo la raacaayo gaadiidyo kala duwan. Stockholm ilaa Avesta waxeey qaadaneeysaa hal saac iyo bar markii la raaco tareen. Arlanda markii laga soo baxo waa ku dhuwaad hal saac. Si aad uu hesho warbixin dheeraad ah oo ku saabsan gaadiidka xaafadaha iyo gobolka, fiiri Dalatrafik.

Shaqo iyo ganacsi

Gudaha Avesta waxuu ka heli karaa tageero weeyn qofkii daneeynaayo in uu noqdo shirkadle. Waxaa jiro tusaale ahaan xarunta shirkadleeyda cusub, waxbarasho ganacsiyeed, xafiiska shirkadeeynta iyo koox gacanyaro degmada joogto oo ka caawineeyso qofka in si fudud wax uga qabto ogalaanshooyinka loo baahan karo. Sido kale waxaa jiro hey'ado badan oo loogu tala galay shirkadleeyda.

Shaqo dhibyaasha weeyn ee degmada waa tusaale ahaan Outokumpu, Stora Enso Fors, xafiiska degmada Avesta iyo maamulka gobolka Dalarna, laakin sido kale waxaa jiro shirkado badan, kuwo yar iyo kuwa dhexdhexad ah oo ka hoowl galo goob-hoowleed badan oo kala duwan. Goobo-shaqo oo badan, tusaale ahaan, daryeelka iyo xanaaneeynta, shaqaale badan ayaa howl gab ka noqonaayo sanadooyinka dhaw ee soo socdo. Taasi mecnaheed waa in ee jirto baahi shaqaale cusub.

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxad ka arkaysa shaqada ka banaan iminka degmada iyo nawaaxigeeda.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska
Bogga 1 ee ka mid ah 6

Khariidada adeegga bulshada

Waxaa khariidada ka arki kartaa shaqooyinka guud ee degmada. Waxaad isticmaali kartaa meel khariidada kamid ah oo aad ku qori kartid ereyga waxa aad raadineysid, sida ciwaanka guriga aad raadineysid.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Avesta

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

21 582

​Cabirla dhulka

669 km2

Masaafada u jirta magaalada waaweyn

Borlänge 60 km

Falun 68 km

Gävle 98 km

Västerås 73 km

Uppsala 103 km

Stockholm 158 km

Örebro 136 km​

Bogga internetka degmada

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri