Berg

Berg waxeey ku taala gobolka Jämtland. Bartamaha waa Svenstavik oo leh 1004 oo qof. Svenstavik iyo meelaha ka yar ee degmada waxaa ka jiro inta badan oo loo bahaan yahay si loogu noolaadu nolol wacan. Tusaale ahaan iskuulo, dukaamo, dugsi xanaaneed, xrun caafimaadeed iwm. Isbitaalka gobolka iyo bandhigyada ee badeeceed waxeey jirtaa masafaafad-tareen ee gudaha Östersund. Dadka doonaayo waxa jiro hoowlo badan oo xooga lagu saaraayo howlaha firfircooniga ee dibada. Degmada Berg waxaa si fiican uga jiro howlo firfircooni iyo dhaqaameed iyo jawi-shirkaadeed oo xoog leh.

Soo bandhigid

Flicka på en äng

Gabar joogto dabaal daga xilliga xagaaga - masawir: Johanna Ekstrand

Deegaan

Degmada waxaa laga heli karaa kuriyaal kiro ka bilaabmo hal qool iyo guriyaal afar qol leh. Shirkada guriga ee degmada waxaa la dhahaa Bergs hyreshus laakin sido kale waxaa jiro guriyaal la kireeysto oo loo maro shirkad guriyaasha ee gaarka ah, Nordros fastigheter. 

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Berg waxaa joogo dad ku hadlo af carabi, af soomaali, af tigrinya, af faarisi, afka thayland iyo af ruush. 

Jaaliyado iyo ururu

Degmada waxaa ku yaala ururo dineed ee loo kala duwan oo ee lee dahay kaniisada Iswiidhan.

Waxeey kanisado ku yaalaan meeloyin badan oo kala duwan, hareeraha degmada. Svenstavik waxaa ku taalo kaniisad ee lee dee hay kaniisada iswiidhan ee faafinta. Masaajidka ugu dhaw waxuu ku yaala Östersund.

In kale ka akhriso bogga-internetka degmada.

Maxaa ka ag dhaw

Bartamaha waxaa ku yaalo ICA, maktad, xafiiska shaqada, xafiiska bulshada iyo dukaan gacan labaad ah oo dhar gado. Meelaha ka sii yar waxaa ku yaalo dukaamo-cunto iyo maktabad.

Fiirso filin ku saabsan waxyaalaha ee kuu fiicantahay degmada Bergs

Fiirso filin muujinaayo degmada Bergs

Snötäckt äng med björkar i förgrunden

Dalyeelka carruurta

Dugsi xanaanano meelo badan ayee degmada uga taala. Tusaale ahaan gudaha Svenstavik, Hackås, Myrviken, Åsama, Rätan iyo Storsjö gudaha Ljungdalen.

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Dugsi hoose-dhexe wuu ku yaala Svenstavik, Hackås, Myrviken, Åsama Rätan iyo Storsjö Ljungdalen. Sido kale Svenstavik waxaa ku yaalo dugsiga sare ee Fjäll, oo ku kala dooran karto qeeybo kala duwan.

Furadaha waxbarasho

Waxbarashada luuqada iswiidhiska soo galooytiga, waxbarashada bulshada, dugsihoose ee dadka waa weeyn, dugsi sare ee garka ah iyo dugsi sare ee dadka waa weeyn waxaa laga helee Svenstavik. In kale oo ku saabsan waxbarashada dadka waa weeyn ka akhriso bogga-internetka demgada.

Caafimaadka

Degmada waxaa ku taalo labo qaabilaad ee ilko, hal ku taalo Svenstavik iyo hal ku yaalo Myrviken. Sido kale qeeybahaan waxaa ku yaalo xarun-caafimaad oo leh dhakhtar, kalkaaliso caafimad, rugta caafimaadka caruurta, rugta caafimaadka hooyoyinka iyo kalkaaliso jimicisi bukaan. In kale ka sii akhriso Maamulka bobolka Jämtland.

Caawinaad turjubaan

Degmada waxeey markii loo baahdo isticmaasha caawinaad-turjumaaneed, oo qadka telefoonka ku jiro ama qolka joogo.

Xiriirka gaadiidka

Gaadiidka-Gobolka waxuu gobolka ka maraa qeeybo weeyn. Laga bilaabaa Rätan, Åsarna, Svenstavik iyo Hackås, waxaa xaalado qarkood fursad loo lee yahay in tareen lagula tago jidka-gudaha. Jidka-gudaha, maalin kasto waxaa ka baxo tareen uu socdo Stockholm oo maraayo Mora. 

Shaqo iyo ganacsi

Degmada waa shaqo dhiibo weeyn oo ka hawl gasho dugsiyada, daryeelka iyo xanaanada. Shaqooyin badan waxeey jiran beeraha iyo jiqda, dalxiiska, hoteelada, maqaayadaha iyo warshada-dhismaha. Ka fiirso Xafiiska-shaqada shaqooyinka banaan. ​

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxad ka arkaysa shaqada ka banaan iminka degmada iyo nawaaxigeeda.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska
Bogga 1 ee ka mid ah 21

Khariidada adeegga bulshada

Waxaa khariidada ka arki kartaa shaqooyinka guud ee degmada. Waxaad isticmaali kartaa meel khariidada kamid ah oo aad ku qori kartid ereyga waxa aad raadineysid, sida ciwaanka guriga aad raadineysid.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Berg

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

7 150

Cabirla dhulka

6 145 km2

Masaafada u jirta magaalada waaweyn

Svenstavik-Östersund 65 km

Svenstavik-Sundsvall 195 km

Svenstavik-Stockholm 490 km

Bogga internetka degmada

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri