Blekinge län

Gobolka Blekinge waxuu u dhow yahay, jawiga dabiiciga ah, badda iyo xeebaha. Gobolka waxuu ka kooban yahay afar degmooyin xeebeed Karlskrona, Ronneby, Karlshamn, Sölvesborg iyo Olofström. Blekinge waxaa ku nool 153 000 oo qofood.

Soo bandhigid

Xaalada guryaha

Magaalooyinka gobolka Blekinge waxeey ku ag yaallaan badda. Waxeey ka wada siman yihiin ineey u dhow yihiin adeegyada bulshada oo dhan.

Magaalooyinka waxeey leeyihiin guryo iyo xaafado wanaagsan waxeeyna leeyihinn adeega gaadiidyada bulshada oo fiican. Waxeey leedahay xaafado ku yaal xeebaha agtooda, kuwaasoo leh doomo isku xira xaafadahaas iyo goobaha kale ee magaalada sida xarumaha hiddaha iyo dhaqanka iyo xaafadaha kale ee ka og dhow keymaha.

Magaalooyinka Blekinge waxeey soo jiitaan dadka ku cusub wadanka.

Wax soosaarka ganacsiga iyo shaqo bixiye

Blekinge waxeey caan ku tahay warshadaha wax soosaarka, waxaa kaloo aad ugu soo badanaya gobolka shirkadaha baranjiyada kala duwan ka shaqeeya. Shaqa bixiyaha ugu weyn ee gobolka waa maamulka caafimaadka iyo degmooyinka. Waxaa gobolka Blekinge ka dhisan shirkadaha caanka ah sida Volvo, Ericsson, ABB, Tarkett, Dynapac, Roxtec, Auralight, AArhusKarlshamn, Telenor iyo SAAB. Militariga wadanka meelo waaweyn ayuu ku leeyahay gobolka, ciidamada badda waxeey saldhigooda ku leeyihiin magaalada Karlskrona, kuwa hawadana waxeey ku leeyihiin saldhigooda F 17 degmada Ronneby. Masaafooyinka eey degmooyinka gobolka isku jiraan ma dheera, sidaa darteed weey fududahay inaad ka shqeysid midkaad rabtid.

Iskoolaad iyo waxbarasho

Machadka farsamada ee Blekinge, BTH, waa mid ka mid ah machadyada wadanka kuwooda loo qiray ineey caan ku yihiin farsamada iyo teknaloojiyada xoogana eey saaraan.

BTH, aragtideeda mustaqbalka waa in teknaloojiyada iyo farsamada eey dhex galiyaan waxbarashada kale sida dhaqaalaha, naqshadaha, caafimaadka iyo culuumta bulshada.

BTH waa machadka aduunka ugu fiican marka laga fiiriyo dhinaca teknaloojiyada borogoraamyada iyo dhinaca horumarka tayada sare leh. Baaritaanka machadka waa saddax qeybood qeyb ka mid ah shaqooyinka machadka oo dhan.

Daryeelka bukaanka

Isbtaalka gobolka Blekinge waxaa la dhahaa Blekingesjukhuset. Goobaha isbitaalka waxeey ku yaallaan labada degmo ee Karlskrona iyo Karlshamn. Tala siinta dhinaca caafimaadka waxeey leeyihiin oo laga waco 1177, waxeey leeyihiin bog internetka ah, 1177.se, oo aad ka heleysid warbixin ku saabsan isbitaalka Blekingesjukhuset iyo qeeybihiisa kala duwan iyo sida dadka loo qaabilo. Waxaad kaloo ka helee talfeenada rugta caafimaadka iyo waano siin ah sida loo daaweeyo cudurada.Warbixin dheerraada oo ku saabsan ka akhriso maamulka caafimaadka boggooda internetka.

Dhaqan iyo waqtiga firaaqaha

Blekinge waxaa ka ag dhow jawi dabiici ah iyo goobaha lagu damaashaado xilli firaaqaha. Gobolka waxuu leeyahay meelo badan oo loo dalxiis tago iyo magaalada Örlogsstaden Karlskrona oo eey ku yaallaan Unescos världsarvslista. Beerta iyo darjiinadda Ronneby Brunnspark waxeey ka mid tahay darjinnada ugu qurxoon Iswiidhan oo dhan. Waxaa jira goobo badan oo lagu soo bandhigo farshaxanka, muusikada iyo tiyaatarka. Matfaxyada gobolka waxaa ka mid ah Marinmuseum iyo Blekinge museum. Warbixin dheerraada oo ku saabsan ka akhriso Blekinge.

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxaa lagu soo bandhigaa shaqooyinka ka banaan gobolka, marmarka qarkoodna gobolo uu dhow.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska
Bogga 1 ee ka mid ah 24

Ururo

Ilaa hada lama hayo warbixin ku saabsan jaaliyadaha ku yaalo gobolkaan.

Khariidada adeegga bulshada

Halkan waxaad ka arki kartaa khidmada laga heli karo gobolka. Waxaad kaloo isticmaali kartaa qaanadda baaridda ee khariidada si aad u hesho una caleemadaysid boos tusaale ahaan cinwaanka deggaanka.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri