Borgholm

Degmada Borgholm waxeey ku taal jaziiradda quruxda badan ee Öland. Buundo qurux badan ayaa isku xirto Öland iyo dhulka intiisa kale. Waxaa meeshaan yimaada dalxiisayaal badan si eey ugu raaxeystaan dhulka quruxda badan ee dabiiciga ah. Waxaa kaloo degmada yaal meelo badan oo lagu raaxeysto iyo meelo loo damaashaad tago. Meelaha eey caanka ku tahay degmada Borgholm waa melaha lagu dabbaasho. Xaafadaha bartamaha gobolka ku yaal waa Borgholm iyo Löttorp. Meeshaan waxeey caan ku tahay xoolaha iyo beeraha.

Soo bandhigid

Bild på badande människor på strand i Borgholm

Deegaan

Degmada Borgholm malahan shirkad guri. Guryaha waxaa laga kireystaa shirkadaha gaarka loo leeyahay ee degmada, qaar kamid ah shirkadahaas waxaad ka heleysaa degmada boggeeda internetka.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Luqado badan ayaa looga hadlaa Borgholm. Gaar ka mid ah luqadahaas waa carabiga, iiraani, af-suudaani, kurdish iyo seerbiyaan.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Borgholm waxaa ka jira illaa 200 oo jaaliyadood iyo ururo. Waxaad jaaliyadaha/ururada kaa raadin kartaa liiska jaaliyada ee degmada.

Maxaa ka ag dhaw

Degmada Borgholm oo ah xaafadda ugu weyn ee isla degmada Borgholm waxaa ku yaal farmashiiye, maktabad, bangiyo, dukaamada cuntada, tima jare, dukaamada gacan labaadka iyo dukaamada waxyaabaha kala duwan lagu gado sida dharka, radiyaha, telefishinka, ubaxyada, dukaamada alaabta guryaha, kuwa alaabta elektaroonikada.  Borgholm waxaa ku yaal meel lagu dabbaasho, hool isboortis, garoon kubadda cagta iyo meelaha jir dhiska oo fara badan. Xafiiska shaqada waxuu xafiis ku leeyahay degmada Borgholm. Warbixin dheeraada oo ku saabsan Öland waxaad ka heleysaa bogga internetka ee xafiiska dalxiisida Öland.

Torghandel längs gata i Borgholm

Dalyeelka carruurta

Degmada Borgholm waxaa ku yaal xanaanada carruurta, waxeeyna ku yaallaan xaafadda Borgholm iyo xaafadaha kaloo yaryar. Rugta cusub ee caafimaad waxaa kaloo ku dhex yaal rugta daryeelka qoyska oo leh xanaanada furan. Warbixin dheeraada oo ku saabsan xanaanada carruurta waxaad ka heleysaa degmada Borgholm boggeeda internetka.

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Dugsiga hoosedhexe

Degmada Borgholm waxeey xoogga saartaa ineey sameeyso waxbarasho tayo leh taasoo carruurta iyo dhalinyarada siineysa kobcinta qaab waxbarashadeedka eey u baahan yihiin. Ka qeyb qaadashada, wax ka geysiga, madax banaanida dhinaca doorashada waa qaar kamid ah waxyaabaha kaf dhabarka u ah in ardayda eey noqdaan kuwo isku filan.

Iskoollada kulligood weey isla siman yihiin hadeey ku yaallaan tuulooyinka yaryar ama xaafadaha waaweyn. Ardayda wadanka ku cusub hadey rabaan waxeey hore ka billaabi karaan fasallada caadiga ah, laakiin luqadda iswiidhishka ayaa kowdi labarayaa, ama luqadda iswiidhishka waxaa la baraa asigoo ardayga dhigto fasalka caadiga ah. Warbixin dheeraada oo ku saabsan dugsiyada hoosedhexe waxaad ka heleysaa boggeena internetka.

Dugsiga sare

Degmada Borgholm waxeey ka mid tahay ururka dugsiyada sare ee Kalmarsund, taasoo ka dhigan in ardayda eey dooran karaan iskoollada u dhow midka eey ka rabaan. Kan ugu dhow waa  Ölands gymnasium waxuuna ku yaal Borgholm bartamaheeda. Warbixin dheeraada oo ku saabsan dugsiyada sare waxaad ka heleysaa bogga internetka ee iskoollada Ölands gymnasiums iyo Kalmarsunds gymnasieförbunds.

Furadaha waxbarasho

Sfi - waxbarashada xifadda

Borgholm waxaa ku yaal sfi-yrkesutveckling, o ah waxbarasho luqadda iswiidhishka ah oo loogu tala galay dadka qaxootiga oo qorsho shaqeed xafiiska shaqada u dajiyay. Macalimiinta ka shaqeeya meelaha qaxootiga wax lagu baro waxeey ku dadaalaan ineey dadka wadanka ku cusub siiyaan aqoon ku filan oo dhinaca mujtamaca iswiidhishka ah.

Waxbarashada dadka waaweyn

Waxaan heeynaa waxbarasho loogu tala galay dadka ka weyn 20 sano oo raba inuu buuxsado maadooyinka ka dhiman. Waxaad meeshaan ka baan kartaa waxbarasho heerka dugsiga dhexe iyo dugsi sare ah labadaba. Waxaad noqon kartaa kaalkaalisada kuwooda hooseeya ama waxaad qaadan kartaa shahaado aad ku gali kartid jaamacadda.

Hadaan iswiidhish aheyn waxaa laguu hayaa sfi- oo loogu tala galay dadka qaxootiga ah. Adiga iyo qof khabiir ku ah sida qofka loo jiheeyo ayaa qorsheeynaya sida aad rabtid ineey waxbarashaada noqoto. Waxbarashada waxaa lagu dhigtaa lokaallada dugsiga sare ee Ölands gymnasium.

Caafimaadka

Bartamaha degmada Borgholm waxaa ku yaal rug lagu daryeello dhallaanka iyo hooyada, meeshaan waxaa imaan kara qofka eey hayaan xannuunada caadiga ah sida calool xanuunka degdega ah, waxaana la imaan karaa maalintii oo kaliyah. Xarunta lagu qaabilo cuduradda degdega ah waxeey ku taal isbitaalka Länssjukhuset.

Degmada waxeey leedahay rugag badan oo ilkaha lagu daryeelo, kuwaasoo isugu jiro kuwo dowladeed iyo kuwo gaar loo leeyahay.  Warbixin dheeraada oo ku saabsan goobaha caafimaadka ee gobolka oo dhan waxaad ka heleysaa xarunta maamulka caafimaadka ee gobolka Kalmar boggooda internetka.

Caawinaad turjubaan

Turjubaan waa la dalban karaa marka aad la kulmeeysid dhakhtar iyo mararka kale oo aad u baahan tahay turjubaan.

Xiriirka gaadiidka

Weey fududahay in bas loogu kala goosho Borgholm iyo Kalmar. Jadwalka wakhtiyada iyo warbixinno kaloo badan waxaad ka heleysaa maamulka taraafikada ee gobolka kalmar (KLT) boggooda internetka.

Shaqo iyo ganacsi

Degmada Borgholm waa shaqa bixiyaha ugu weyn ee degmada, qeybaha ugu weyna waa caafimaadka iyo daryeelka.degmada waxaa kaloo ka dhisan shirkado isugu jiro waaweyn iyo yaryar waxeeyna ka shaqeystaan dhinacyada beeraha iyo dalxiiska, maadaama dakhliga degmada oo dhan badankiis oo ku dhisan yahay dalxiiska. Shirkado badan oo kuwaas kamid ah waxeey dad badan shaqaaleeysiiyaan xilliga xagaaga oo ah marka eey dadka usoo dalxiis tagaan degmada.

En park i Borgholm med utsikt över hamnen

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxad ka arkaysa shaqada ka banaan iminka degmada iyo nawaaxigeeda.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska
Bogga 1 ee ka mid ah 19

Khariidada adeegga bulshada

Waxaa khariidada ka arki kartaa shaqooyinka guud ee degmada. Waxaad isticmaali kartaa meel khariidada kamid ah oo aad ku qori kartid ereyga waxa aad raadineysid, sida ciwaanka guriga aad raadineysid.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Borgholm

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

10 600

Cabirla dhulka

682 km2

Masaafada u jirta magaalada waaweyn

Borgholm 0 mil

Kalmar 35 min

Malmö 32 mil / 4,5 tim

Växjö 14 mil / 2,5 tim

Bogga internetka degmada

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri