Bromölla

Degmada Bromölla waxeey ku taalaa waqooyiga galkbeed ee Skåne agagaarka xuduuda jirto Blekinge. Waxaan lee nahay fa'iidada degmada ee dhawaananshaha iyo masaafada gaaban dhul ahaan iyo dad ahan. Halkaan waxaa ka jiro xariiro fiican ee Skåne iyo Blekinge intooda kale. Bromölla waxeey lee dahay dabiicad qurxoon oo isbedbedaleeyso laga bilaabaa dhul weeyn ilaa jiqooyin iyo xeeb jirto dhanka bari. Degmada waxaa ku yaalo wabiga ugu weeyn Skåne, wabiga Ivö. Xaafadaha ugu weeyn ee degmada waa Bromölla, Gualöv, Näsum, Valje, Nymölla iyo Edenryd.

Soo bandhigid

Flygfoto över Bromölla

Deegaan

Degmada Bromölla waxeey lee dahay dhismooyin isku jiro oo ka kooban filooyin, guriyaal milki iyo guriyaal la kireeysto. Guri kireeyaha ugu weeyn waa BromöllaHem oo leh ku dhawaad 800 oo guri kuna qeeybsan degmada oo dhan. Bromölla bartamaheeda ee meelaha dhisan waxaa sido kale guriyaal la kireeyo ku leh, guri kireeyaha Sydbo fastigheter.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Dad badan oo luuqada kala duwan ku hadlo ayaa joogo degmada, taasi wax yaalaha keenay waxaa ka mid in ee degmada mudo dheer qaabileeysay qaxooti. In ka mid ah luqadaha ugu weeyn waa carabi, af soomaali, afka thayland iyo af daari.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Bromölla waxaa ku yaalo ururo badan oo kala duwan ee dhanka tusaale ahaan isboortiga iyo dhaqanka. Dad badan ayaa ka qeeyb qaato hoowlo urureed. Bogga degmada waxaad ka akhrisan kartaa in dheerad ah oo ku saabsan hoowlaha urureed. Warbixin ku saabsan ururada kala duwan waxaad ka heleeysaa diiwaanka-uruureed.

Bild på dinosaurieskulptur och en grusväg längs Nasumaleden

Maxaa ka ag dhaw

Meelaha dhismaha ee Bromölla waxaa ka mid ah oo ku yaalo xafiiska shqada, xafiiska isdhex galka, xafiiska adeega bulshada, maktbad, xafiiska dalxiiska, goobo isboorti, goob dabaal iyo dukaamoyin kala duwan iyo banki iyo farmashiye. Maktabada waxaa ku yaalo xafiis-warbixineed oo leh talobixinta-macmiilka. Dukaamada raashinka ugu weeyn waxeey masaafad-socodeed uu jiraan bartamaha Bromölla.

Sido kale Bromölla waxaa ku yaalo dukaan gacan labaad gado oo si fiican uu kala soocaan, iyo dukaan gacan labaad alaabaha caruurta gado oo ee degmada kala wado. Näsum waxaa ku taalo laanta maktabada iyo dukaamo raashin. Qasnada ceeymiska iyo Xafiiska canshuraha waxuu xafiis ku lee yahay gudaha Kristianstad.

Barn sitter runt ett bord och äter

Foto: scandinav.se/Tommy O. Andersson

Dalyeelka carruurta

Degmada Bromölla waxaa ku yaalo dugsiyaal xanaano ee degamadeed gudaha xaafado badan. Ma jiran kuwo madaxbanaan. Sido kale degmada Bromölla waxaa fursad loo heli karaa xananeeyn waqtiyada fiidka, habeenka iyo maalmaha fasaxa inta maalinta lagu jiro, haddii aad shaqeeyso waqtiyadaan. Caruurta leh waalid fasax-waalidnimada ku jiro ama shaqo raadis ah waxeey xaq uu lee yihiin in ee joogaan xanaanada sadax saacaadood maalintii ama 15 saacaadood isbuuci.

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Dugsiga hoose waxuu waajib ku yahaya dhamaan caruurta uu dhexeeyo 7-16 sano. Caruurta jiro 6 sano waxeey dhigtaan fasalka eberaadka oo ah mid aan waajib aheeyn. Degmada Bromölla waxaa ku yaalo iskuulo 0-6 (dugsi hoose) oo xaafado badan ayee ku yaaliin, dugsiyada 7-9aad (dugsiyada heerka dhexe). waxeey ku yaaliin xafada Bromölla. Guriga xilliga firaaqada waxuu ku yaala dhamaan iskuulada leh 0-6. Degmada ku ma yaalin kuwo madaxbanaan. Dugsiga Furulund ayaa ha dugsiga sare ee soo dhow, waxuuna ku yaalaa Sölvesborg. 

Bild på skolbyggnad i tegel och ungdomar runt ett bord

Foto: ​scandinav.se/Jimmy Wiklund

Furadaha waxbarasho

Waxbarshada dadka waa weeyn ee Bromölla-Sölvesborg waxeey si joogta ah lee dahay aqbalid ee waxbarshada iswiidhiska loogu tala galay ajnabiga (sfi). Sido kale qofka Iswiidhan muda sii dheer dagnaa wuu bilaabi karaa in uu dhigto. Bromölla waxaa ku yaalo waxbarshada dadka waa weeyn, dadka dalka ku cusubna waxaa loo soo bandhigaa waxbarashada bulshada ayadoo lala shaqeeynaayo degmada Kristianstad. Sido kale waxaa jirto fursad wax lagu dhigto dugsiga dadka waa weeyn oo ku yaalo degmooyinka dhaw.

Haddii aad niyeesan tahay in aad dhigato jaamacad, waxaa jiro fursad fiican ee dhanka gaadiidka lagu tago meesha wax lagu baranaayo. Jaamacadaha ugu dhaw waa Jaamacada Kristianstad, Jaamacada farsamada ee Blekinge, Jaamacada Malmö iyo Jaamacada Lund.

Caafimaadka

Bartamaha Bromölla waxaa ku yaalo ruggag caafimaad oo sido kalena ka masu’uul ah daryeelka hooyooyinka iyo caruurta. Sido kale meesha waxaa joogo dhakhtar.ilko. Isbitaalka ugu dhaw iyo qaabilaada degdeg waxeey ku yaalin Kristianstad.

1177 – jiheeynta-caafimaadka waxaad ka heleeysaa warbixinta-xariirka ee daryeelka bukaanka iyo daryeelka ilkaha. Sido kale isla halkaas ayaad ka heli kartaa talo bixin caafimaad ama warbixin ku saabsan daryeelka caafimaadka iyo bukaanka. Sido kale waad wici kartaa 1177.

Caawinaad turjubaan

Markii aad la xariireeyso hey’addaha dowladeed, waa jirtaa fursad lagu caawinaad-turjumaan.

Bild på tåg från Skånetrafiken inne på station

Xiriirka gaadiidka

Bromölla waxaad si sahlan oo dhaqso uga qaadan kartaa tareenka ku socdo Blekinge, Skåne ama Danmark. Boosteejada-tareenka waxeey ku taala qeeybta koonfur ee xaafada Bromökka, boosteejada-baskana waxeey ku taala bartamaha Bromölla. Waxaa jiro xariir-baseed oo fican oo uu dhaxeeyo xaafadaha degmada.

Shaqo iyo ganacsi

Ifö Sanitär iyo Nymölla Bruk waxeey ku wada jiraan warshadeeynta soo saarida, waana labada warshado ee ugu weeyn degmada. Sido kale degmada Bromölla waa shaqo dhiibe weeyn oo leh ku dhawaad 900 oo shaqaale. Sido kale degmada waxeey lee dahay shirkado dhexe iyo weeynin-dhexe oo ka hoowlo galo hoowlo ganacsi oo kala duwan.

Waxaa jirto fursad fiican oo gaadiid lagulo tago shaqooyin ka jiro magaloo ka soo weeyn ee agagaarka ku taalo, tusaale ahaan Kristianstad, Hässleholm ama Karlshamn. Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan jawiga shirkadeed ee Bromölla waxeey ku jirtaa bogga degmada.

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxad ka arkaysa shaqada ka banaan iminka degmada iyo nawaaxigeeda.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska
Bogga 1 ee ka mid ah 27

Khariidada adeegga bulshada

Waxaa khariidada ka arki kartaa shaqooyinka guud ee degmada. Waxaad isticmaali kartaa meel khariidada kamid ah oo aad ku qori kartid ereyga waxa aad raadineysid, sida ciwaanka guriga aad raadineysid.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Bromölla

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

ca 12 300

Cabirla dhulka

165 km2

Masaafada u jirta magaalada waaweyn

Sölvesborg ca 9 km

Kristianstad ca 25 km

Olofström ca 26 km

Karlshamn ca 36 km

Malmö ca 115 km

Stockholm ca 570 km

Bogga internetka degmada

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri