Dalarnas län

Gobolka Dalarna baaxaddiisa waxeey la egtahay wadanka Biljan oo dhan, laakiin farqiga u dhaxeeya waa in meeshaan eey degan yihiin 300 000 oo qofood, halka wadanka Biljanna eey degan yihiin dad gaaraya 10,5 malyan oo qofood.balliga ugu weyn ee Dalarna magaciisana la dhaho Siljan  waxuu ka dhashay biriq wax la mid ah oo cirka kasoo dhacay 360 malyan oo sano ka hor. Maanta goobta eey Siljan ku taalo waa meel eey dad badan usoo dalxiis tagaan, waxeeyna leedahay aragti qurux badan markad firisid balliga iyo buuraha dhaadheer ee kaga yaal dhanka waqooyi.

Soo bandhigid

Xaalada guryaha

Sideed rabtaa inaad u degtid? Inteed rabtaa inaad degtid? Fursadaha yaallo Dalarna weey badan yihiin. Dalarna waxuu ka kooban yahay 15 degmadood, kulligoodna weey kala duwan yihiin. Maxaad rabtaa adiga? Guri ku yaal bartamaha magaalada ama guri ku yaal magaalada baadiyaheeda? Ama labadaas mid u dhaxeeya!

Maku fakareysaa inaad usoo guurtid meeshaan? "Usoo guur dalarna " waa meel jirtay laga soo bilaabo 2005. Laba qofood oo khibrad u leh gobolka Dalarna, a Carina Arnberg och David Cluer, ayaa ku caawinaya markaad usoo guureysid gobolka. Waxeey khibrad u leeyihiin adeegyada kala duwan ee gobolka iyo meela kala duwan warbixinadooda meesha laga helo, tusaale ahaan hadaad rabtid inaad ganacsi furatid waxey kaa caawinayaan jidka aad u mari laheyd, waxeey kaloo caawinayaan sida loo helo goobaha eey kamidka yihiin iskoollada xanaanada carruurta, iskoollada/waxbarashadaha kala duwan iyo adeega degmada ee dhinaca usoo guuritaanka.

Warbixin dheeraada oo ku saabsan sida loogu soo guuro gobolka Dalarna iyo warbixinno kaloo guud waxaad ka heleysaa Leva i Dalarna.

Wax soosaarka ganacsiga iyo shaqo bixiye

Qeeybaha waxsoosaarka ganacsi badankood weey yaallaan Dalarna. Hadeey ahaan lahaayeen shirkadaha caalamiga ah ee waaweyn sida SSAB iyo shirkadda awoodda ee ABB iyo shirkadaha dhexdhexaadka iyo kuwa yaryar kulligoodba. Waxaa ka jira shirkadaha qandaraasla qaatayaasha ah oo eey ka mid yihiin kuwa dhinaca soosaaridda cuntada iyo shirkadaha dalxiiska oo isugu jiro kuwo waaweyn iyo kuwo yaryar, kuna baahsan gobolka oo dhan. laga billaabo alaabaha ceyriinka ah iyo kuwa farsamada ilaa dhinacyada adeega bulshada iyo caaimaadka. Toban sano gudahood saddax meelood hal meel shaqaalaha caafimaad ee Dalarna waxeey noqonayaan howl gab, waxana markaas loo baahnaan doonaa dad badala dadkaas oo eey tahay in la shaqaaleeysiiyo sanadadaan foodda nagu soo hayo. Gobolka Dalarna waxuu ku siinayaa jid nololeed fiican oo xagga shaqada ah.

Bogga internetka ee dalarna.se waxaa ka heleysaa leeman kale oo kugu xiraya degmoyinka kale sida xafiiska wax soosaarka dhaqaalaha, warbixin ku saabsan shirkadaha iyo taageerada la siiyo, ururyada waxsoosaarka dhaqaalaha.

Webside ka Framtid Dalarna waxuu rabaa in dhalinyarada gobolka Dalarna uu siiyo warbixin ku saabsan meelaha shaqada laga helo ee gobolka Dalarna. Webside kaas waxuu u qeybsanyahay saddax qeybood; sidaan ayaad shaqada u heleysaa, shaqooyinkee laga helaa Dalarna waxaana warxibin dhiibaya dadka iyaga shaqeeya. Waxaa kaloo yaal warbixin ku saabsan waxbarashada kala duwan ee taallo gobolka, sida shaqooyinka looga raadsado shirkadaha. Warbixin dheeraada ka akhri bogga internetka ee Dalarna.

Iskoolaad iyo waxbarasho

Högskolan Dalarna waxaa la dhisay 1977 wakhtigaas wixii ka dambeeyayna kor uyuu usii kacay. Laba qeeybood ee machad jaamacadeedka waxeey ku kula yaallaan Falun iyo Borlänge waxaana laga bartaa 60 borogramyo iyo 1100 koorsooyin, waxbarashado la jaanqaadeyso shaqooyinka suuqa yaal. Machad jaamacadeedka waxaa dhigta arday gaareeysa 16000 waxaana ka shaqeeya 800 oo shaqaale. Waxaa ku yaal gobolka dugsiyo sare iyo dugsiyo hoosedhexe oo badan. Warbixin dheeraada o ku sabsan dugsiyada xanaanada carruurta waxaad ka heli kartaa degmooyinka bogogooda internetka.

Daryeelka bukaanka

Maamulka caafimaad ee Dalarna waxuu dadka gobolka iyo booqashada ku jooga u hayaa daryeel caafimaad oo eey ku jiraan daryeelka ilkaha iyo afka. Markaad adiga adiga ama qof wax kuu eh uu jirado, aadna u baahan tahay talo siin wakhtiga maalinta ah waxaad la xiriireysaa rugtaada caafimaadka. Rugaga caafimaad waxaad ka heleysaa meeshaan. Dhakhtarka rugta caafimaadka iyo shaqaalaha kale ee caafimaad ayaa wax ka qaban cudurada caadiga ah, marka loo baahan yahay waxey u gudbiyaan dhakhaatiirta ku takhasusay. Markaad si degdeg ah ugu baahatid daryeel caafimaad waxaad wacdaa rugtaada caafimaadka ama 1177 Vårdguiden inta aadan aadin rugta lagu qaabilo cuduradda degdega ah. Hadaad caawimaad degdeg ah u baahatid adiga ama qof wax kuu ah waxaad wacdaa nambarka 112.

Dhaqan iyo waqtiga firaaqaha

Hiddaha iyo dhaqanka waxuu sare u qaadaa korriimaha maskaxda qofka. Qiimaha qofka iyo sida loo hadlo, khayaaliga iyo wax soosaaridda, waxyaabahaas oo dhan weey xoogeysanayaan markaan wax abuureyno wax cusubna baraneyno. Heerka dadka meesha uu kor ugu qaadmo ayeey dimuquraadiyad ka habsoontaa. Goolka uu maamulka caafimaadka Dalarna tiigsanayo waxaa waaye inuu sii ballaarto isla markaana tayadiisu kor aad loogu qaado, laguna faafiyo gobolka oo dhan. taageeda la siiyo dhaqanka, horumarinta waxbarashada dadka, jaaliyadaha iyo iskoollada waxeey dadka degan meeshaan fursad u siinayaan sideey wax ugu geysan lahaayeen hormarinta bulshada. Dadka ka shaqeeya hiddaha iyo dhaqanka iyo waxbarashada waa la badinayaa tiradooda. Jawiga goobaha wax lagu qabsado oo la hormariyo waxuu keenayaa isku xirnaanshaha bulshaa, horumarka gobolka iyo dhaqaalaha oo kobca.

Bogga internetka ee Visit Dalarna waxaa ka heleysaa warbixin badan oo ku saabsan howlaha firfircoonida ee xilli firaaqaha iyo munaasabadooyinka kala duwan ee gobolka lagu qabto.

Jaaliyado iyo ururu – bulshada rayidka ah

Nololjaaliyadeedka weey xoogan tahay weeyna kala duwan tahay. Hey'adda bisha cas iyo hey'adda badbaada carruurta waxeey sida kaniisadooyinka door weyn ka qaataan horumarka gobolka, waxeeyna meherado kala duwan ka sameeyaan degmooyinka kala duwan si dadka qaxootiga eey ula kulmaan dadka kale ee degmooyinka. Degmooyin badan waxeey leeyihiin liis jaaliyadaha eey ku qoran yihiin, waxaadna ka fiirin kartaa degmo kasta boggeeda internetka ah.

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxaa lagu soo bandhigaa shaqooyinka ka banaan gobolka, marmarka qarkoodna gobolo uu dhow.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska
Bogga 1 ee ka mid ah 63

Ururo

Halkaan waxaad ka heleysaa warbixinno iyo bogag kale oo kugu xiriirinaya qaar ka mid ah jaaliyadaha iyo ururada ka dhisan gobolka.

ABF - Arbetarnas bildningsförbund

Arbetarnas bildningsförbund wuxuu hayaa shaqooyin ah koorsooyin iyo kooxo waxbarasho.

Borlänge bandy

Borlänge bandy waxey heystaan mashruuca barafkorka oo dadkoo dhan loogu tala galay: hadafkuna yahay in raad lagu sameeyo isdhaxgalka iyo kala duwanaanshaha naadiyaasha iyo degmada.

Ett Falun för alla

Ett Falun för alla waxaa ka mid waxa ay heysato maqaaxidda luqadda, dubitaanka iyo solidda koorviga.

Ett Mora för alla

Waxey ka shaqeysaa dulqaadka iyo furfurnaanta. Waxyaalaha laga helo waxaa ka mid rug kulan (Shaah cabbdi, filin fiirsasho) iyo muxaadarooyin. Kontakt via e-post.

Ibn Rushd Mitt

​Ibn Rushd är ett Muslimskt studieförbund, waxey ka shaqeysaa si ay u xaqiijiso demoqraadiyadda iyo xuquuqda insaanka, waxey si firfircoon uga shaqeysaa in ay adkeeyso hawiyada iswiidhishka muslimka ah. Waxey ka shaqeynaysaa doodda bulshada, soo saaraysaa qalab waxbarasho isla arkaasna soo bandhigaysaa bandhig balaaran o ah seminaaro, kooxo waxbarasho iyo barnaamijyo dhaqan.

Immigrantinstitutet

Immigrantinstitutet wuxuu kulansaday hey'ado kala duwan iyo ururo maxalli ah. Kuwaas waxaa ka mid ah ururadda ajaanibta ee maxalliga ah iyo ururadda dhalinyarada.

Integrationsföreningen Almustafa

Integrationsföreningen Almustafa waxey ka jirtaa Ludvika

Internationella kvinnoförbundet

IKF (Ururka haweenka ee caalamigaa) waa madalad ay ku midoobeen ururo badan oo iswiidhan ka jira kuwasoo ka shaqeeya isdhaxgalka iyo cunsirinimda. Ururada maxalliga ee ka jira Faluniyo Borlänge.

JOKO Multikulturell förening

JOKO - rug dhaqanada oo dhan ah. Waxey bexisaa niiko, muusik, muxaadarooyin, kooxo waxbarsho iwm. Waxey laga helaa Falun.

Kvinnojourerna

Kvinnojourerna waa hey'ad uu doodda dumarka, kana madax-bannaan diin iyo siyaasadurureed. Dhammaan heegankadumarka waxey u heystaan aqoon xeeldheer ka hortagga ku xadgudubka dumarka.

NBV - Nykterhetens bildningsverksamhet

NBV waa xarako ka caagganaanta khamriga. Waxey la shaqeysaa waxbaridda dadka (folkbildning), kooxaha waxbarasho, xalqaddaha saaxiibtinimo, iskudubaridka dhaqanka. Falun waxaa ka jira mashruuc loo dhan yahay "Man Delar". Fikradduna waxey tahay ayadoo la isticmaalayo muusik, hees, iyo niiko in la kulmiyo dadka dacalada adduunka oo dhan si joogto ah.

Rädda Barnen Falun

Waa hey'ad xaqquqda carruurta taasoo ka shaqeysa in baahida carruurta,dantooda,iyo xuquuqdooda ay u helaan. Hey'adda wxey nashaadaad ka sameeysaa adduunka oo dhan waana ka madax-banaantahay diin iyo siyaasad.

Rädda barnen waxey ururo maxalli ah ku leedahay 11 ka mid ah degmada Dalarna waxeyna nashaadaad kala duwan u qabataa dadka cusub iyo ilmaha kaligood yimaadeen. Tusaalaha qaarkood waa caawinaada layliga, qolka luqadda iyo howlo laga qabto xeradda qaxootiga.

Rättighetscentrum Dalarna

Rättighetscentrum Dalarna waa xafiiska ka hortaga cunsirinimada. Rättighetscentrum wuxuu dhiibaa talo bixin bilaash ah oo uu siinayo dadka dareensan in la cunsiriyeeyey.

Röda Korset Dalarna

​Röda korset waxey degmada Dalarna oo dhan ku leedahay ururo maxalli ah waxeyna maamushaa nashaadaad kala duwa, tusaale ahaan meel lagu kulmo iyo dukaanka gacanlabaadka, maqaayad luqadeed, caawinaad layli, nashaadaad loogu tala galay ilmaha keligood yimid iyo nashaadaad ka qoys is helidda.

Sensus Dalarna

​Sensus waa dalad waxbarasho taasoo kor u qaadaysa su'aalaha adduunka oo dhan ah iyo weliba su'aalaha nolosha iyo kala duwanaashaha. Sensus waxey bixisaa kooxo waxbarasho.

Tillsammansskapet

Tillsammansskapet waa gogosha ka hortaga cunsirinimada ee shabakada iyo ururada ka shaqeeynaya in ay adkeeyaan wadajirka bulshada maxalliga ah. Waxeey abuureysaa ´xarrumo kulan. Waxey ku taalaa Ludvika, smedjebacken, Mora, Falun iyo Borlänge.

Khariidada adeegga bulshada

Halkan waxaad ka arki kartaa khidmada laga heli karo gobolka. Waxaad kaloo isticmaali kartaa qaanadda baaridda ee khariidada si aad u hesho una caleemadaysid boos tusaale ahaan cinwaanka deggaanka.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri