Eda

Degmada Eda waxeey sid qurxoon ugu taala galbeedka Värmland. Degmada waxeey ku taala xuduuda iswiidhan-noorweey markii loo soo gudbo, taasi oo hab fiican uu saameeysay dhismaha degaanka oo ka mid tahay ganacsi-xududeed oo sii fiican uu hormarsan. Degmooyinka iswiidhisheed ee dariska nala ah waa Arvika iyo Årjängs, dhanka galbeedkana waxaa naga jirto Norwaay. Degmada Eda waxeey ka kooban tahay Eda, Järnskog, Köla iyo Skillingmark, waxeeyna lee dahay dad gaaraayo tiradooda 8 500 oo qof. Charlottenberg waa xaafada ugu weeyn degmada. Meelaha kale waa Koppom iyo Åmotfors.

Soo bandhigid

Deegaan

Halkaan waxaad ka dooran kartaa in aad dagto guri dabaq ku yaalo ama filo, ee gudaha xaafadaha ama baadiyaha. Shirkada degmada lee dahay ee Eda Bostads AB waa maamulaha guriyaasha ugu eeyn ayadoo leh in ka badan 836 guri oo ku wada yaalo degmada oo dhan. Sido kale waxaa jiro guri kireeyaal madaxbanaan oo ku yaalo Eda.

Båtar vid vattenkant i sommargrönska

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Waxaa jiro dad badan oo luuqado kala duwan ku hadla, joogana Eda. Waxaa halkaan tusaale ahaan looga hadlaa afka noorwaay, afka danishka, afka jarmal, af carabi, af soomaali, afika iraan, afka turkiga iyo tigrinya.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Eda waxaa ku taalo in dhaafeeyso 150 ururo oo shaqeeyo. Halkaan waxaa ku yaalo ururo caruur iyo dhalinyaro, ururo oo heeysto goobo, ururo dhaqameed, ururo wabxarasho, ururada hoowl gabka iyo ururo kale sidii urur ee wada lee yihiin dadka dhulka ku leh daabiyad iyo kuwo kale. Sido kale waxaa jiro ururo badan oo kala dowan ee dhanka isboortiga halkaasi oo tusaale ahaan laga ciyaaro kubada cagta, ciyaarta hockey ee barafka, ciyaarta tenniska miiska, ciyaaraha barafka la raaco iyo toobarko liishka. Sido kale ururada kala duwan ee kaniisadeed waxeey ururo ku lee yihiin meelo badan oo ku dhex yaalo degmada.

Bild på människor som sitter och fikar på uteservering i solen

Maxaa ka ag dhaw

Xafiiska dad weeynaha iyo xafiiska bulshada waxeey ku yaalin Charlottenberg, sido kale isla halkaas ayee Eda Bostads AB ku lee dahay xafiiskeeda. Xafiiska qaabilaada qaxootiga iyo sfi waxeey ku yaalin Åmotfors. Kupan oo ay laanta cas ku dhex wada Åmotfors, waxaa laga adeegan karaa alaabta gacan labaadka. Maktabad, banki, goob isboorti iyo dukaamada cuntada dhamaantooda waxeey ky yaalin sadaxda xaafad ee degmada – Charlottenberg, Koppom iyo Åmotfors.

Waxaa jirto xarunta iibsiga iyo janiinada ganacsiga oo ku ag taalo jidka soo galo Charlottenberg, sido kale halkaan waxaa ku taalo goob-barafeed oo leh goobta toobarshada liisha. Valfjället waxaa lagu raaci karaa ciyaaraha barafka ee dheerka iyo kuwa tartiib loogu socdo mudada barafka. Noresund waxaa ku taalo goob golf oo leh 18-duleed, hareerana wabiga qurxoon ee Hugn. In kale oo dheeraad waxaad ka akhrisan kartaa bogga degmada waxa aan soo bandhigeeyno.

Dalyeelka carruurta

Degmada Eda waxeey lee dahay in badan oo ah dugsiyaal xanaano iyo guri maalmeedka reereed oo loogu tala galay caruurta uu dhaxeeyo 1-5 sano (ama inta uu canuga ka bilabaayo fasalka ebaraadka ama iskuulka). Xarunta reerka ee Charlottenberg waxeey goob-kulan uu tahay waalidka leh caruur uu dhaxeeyo 0-6 sano, halkaasi oo adiga waalid ah ama waalid noqon rabo la kulmi kartid reer kale oo caruur leh. Xarunta-reerka ”Famnen” waa wada shaqeeyn ka dhaxeeyso daryeelka caafimaadka hooyoyinka, daryeelka caruurta, dugsi xanaanada furan iyo xafiiska adeega bulshada.

Barn ute på skidtur med sin lärare

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Dugsiyaal hoose ayaa ku yaalo Charlottenberg, Åmotfors, Koppom, Adolfsfors iyo Skillingmark. Dugsiga Gunnarby ee Charlottenberg iyo dugsiga Hierne ee gudaha Koppom waxeey lee yihiin oo kale fasalada dhexe. Iskuuladana waxaa ku yaalo guriga xilliga firaaqada oo loogu tala galay caruurta uu baahan xanaaneeyn iskuulka. Sido kale degmada waxaa ku taalo dugsiyaal sare ee kala duwan.

Furadaha waxbarasho

Waxbarashada dadka waa weeyn ee Eda waxeey ka kooban tahay sfi – iswiidhiska loogu tala galay ajnabiga, labo waxbarsho shaqadeed iyo waxbarashada asalka iyo dugsiga sare ee dadka waa weeyn. Sido kale qofka markii uu dalka ku cusub yahay waxuu xaq uu lee yahay in uu dhigto barashada-bulshada taasi oo inta badan lagala shaqeeyo sfi-ga.

Caafimaadka

Rugta caafimaadka Eda waxaa tagi kartaa markii aad baahi ugu qabto talobixin ama daryeel-dhakhtareed. Warbixinta lagula xariiro waxaad ka heleeysaa bogga jiheynta-daryeelka.

Xarunta reerka ee Charlottenberg waxaa ku taalo rugta caafimaadka hooyoyinka iyo rugta caafimaadka caruurta. Haddii loo baahdo daryeel degdeg xilli habeen ama maalmaha fasaxa waxaa la tagi kartaa qaabilada degdeg ee isbitaalka Arvika, ku dhawaad 2 mayl uu jirto Åmotfors. Daryeelka ilkaha ee dad weeynaha waxeey ku taala Åmåtfors. Sido kale dhakhtar-ilko oo madaxbanaan ayaa degmada ka jiro.

Caawinaad turjubaan

Maadama ee muhiim tahay in aan is fahamno waxaan adeegsaneeynaa turjumaan markii aan uu baahano. Waxeey ku saabsanaa kartaa arintu shaqo, iskuul, booqasho xafiis dowladeed ama daryeelka caafimaadka. Turjumaanka badana waxuu ku jiraa khadka talefoonka. Turjumaanka la adeegsnaayo waxuu lee yahay sir xafidid, waxuuna turjumaa wax kasto oo laga sheego wada hadalka.

Xiriirka gaadiidka

Degmada Eda waxaa maro jidka qaranka ee 61 oo markii la dhaafo xuduuda noorweey noqonaayo riksvei 2. Jidka qarameed waxaa ag maro jidka tareenka oo Värmland ku dhexmaro Karlstad, Arvika, Åmotfors. Boosteejada tareemeed ee ugu danbeeysana inta aan la gaarin xuduuda Noorway waxaa ku taalo Charlottenberg. Ku oolida inta uu dhaxeeyso Stockholm-Oslo waxeey uu mecna lee dahay xariir fiican ee ku socdo labada magaalo madax.

Värmlandstrafik, oo ay lee dahay degmada iyo gobolka Värmland ayaa mas'uul ka ah gaadiidka dad weeynaha. Goobta duulimaadka Oslo Lufthavn (Gardermoen) ee caalamiga ah waxeey Eda uu jirtaa ku dhawaad 10 mayl. Ku dhawaad isla intaas ayee jirtaa goobta duulimaadka Karlstad oo leh diyaarado dalka guduhiisa iyo diyaarado ula jeedo gaar ah loo kireeysto.

Shaqo iyo ganacsi

Degmada waxeey lee dahay ku dhawaad 1500 goob-shaqo. Uu dhawaanshaha xududda Norweey waxeey keeneeysaa ganacsi firfircoon oo leh dukaamo iyo xarumo-adeeg. Halkaan waxaa ku yaalo warshadooyin badan oo weeyn sidii tusaale ahaan Fundo Components AB, Norma Precision AB och Nordic Paper Åmotfors AB. Shaqooyinka waxeey ku jiraan daryeelka, iskuulada iyo xanaaneeynta carurta. Fiiri shaqooyinka shaqo-dhiibaha ahaan degmada uga banaan oo hada jiro.

Degmada waxeey sanadkasto abaabushaa sanadkasto koorsooyin-gooni uu furo oo wax yaalaha uu ka kooban yahay ka mid yahay aqoonta sharciyada, suuq galinta iyo maamulka. ALMI företagspartnet Värmland waxeey talo uu heeysaa ganacsadayaasha ajnabiga ah oo rabo in ee shirkad furtan ama shirkada ka gataan dalka Iswiidhan. Ayadoo la adeegsanaayo IFS Rådgivning ayaa la dhiiba talo gaar ah iyo caawinaad oo luuqado badan oo kala duwan lagu dhiibo.

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxad ka arkaysa shaqada ka banaan iminka degmada iyo nawaaxigeeda.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska
Ciwaan shaqoXirfad
Elevassistent Gunnarsbyskolan 75% Elevassistent
Vikarierande ekonomi - och löneadministratör Ekonomiassistent
Biståndshandläggare Biståndsbedömare/Biståndshandläggare
Undersköterskor till bemanningscentral Undersköterska, hemtjänst och äldreboende
Ekonomibiträde kök 75% nya förskolan Charlottenberg Köksbiträde
TANDSKÖTERSKA TILL EN PRIVAT TANDKLINIK I VÄRMLAND Tandsköterska
1 legitimerad förskollärare 100% vikariat förskolan Hagåsen Koppom Lärare i förskola/Förskollärare
Säljare till Cassels Töcksfors Butikssäljare, fackhandel
Kvinnlig personlig assistent Personlig assistent
Försäljare med gruppchefsansvar till Helga Görlins gata Butikssäljare/Medarbetare, dagligvaror
Apotekschef Apotekschef
Ekonomibiträde 75% nya förskolan Charlottenberg Städare/Lokalvårdare
Strategisk inköpare / projektinköpare Inköpare
Vik Socialsekreterare ekonomiskt bistånd Socialsekreterare
Aktivitetsledare Hälsoinformatör
Kock Kock, à la carte
Bagare Bagare/Konditor
Inköpare Kött Butikssäljare/Medarbetare, dagligvaror
Extraarbete deltid Butikssäljare/Medarbetare, dagligvaror
Försäljningschef Hypermat Försäljningschef

Bogga 1 ee ka mid ah 4

Khariidada adeegga bulshada

Waxaa khariidada ka arki kartaa shaqooyinka guud ee degmada. Waxaad isticmaali kartaa meel khariidada kamid ah oo aad ku qori kartid ereyga waxa aad raadineysid, sida ciwaanka guriga aad raadineysid.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Eda

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

ca 8500

Cabirla dhulka

900 km2

Masaafada u jirta magaalada waaweyn

Karlstad 110 km

Göteborg 300 km

Oslo 120 km

Bogga internetka degmada

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri