Eksjö

Degmada Eksjö, oo ku taalo dhulka kor uu kacsan ee Småland, waxuu ku balaadhsan yahay laga bilaabaa magaalada Eksjö ee dhinaca galbeedka ilaa Mariannelund ee dhanka bari, oo saaran xuduuda Vimmerby. Inta uu dhaxeeyso waxaad ka dhex heleeysaa xaafado yar, iyo baadiyo cagaaran oo qurxoon. Gudaha dabiicada småland, degmada Eksjö waxeey usoo bandhigee dadka dagan iyo soo booqonaayo tayo nololeed oo sareeyso iyo howlo qani ka ah howlaha firaaqaha iyo dhaqanka.

Soo bandhigid

Gamla stan i Eksjö

Deegaan

Degmada Eksjö waxeey lee dahay baadiyo cagaaran iyo xafaadooyin degaan oo badan. Eksjöbostäder, oo ah shirkad guri ee degmada lee dahay, waa maamulaha iyo diyaariyaha ugu weeyn ee dhanka guriyada la kireeysto. Sido kale gudaha degmada Eksjö waxaa laga helaa shirkado gaar ah, oo kireeyo guriyo ee lee yihiin. Bogga degmada Eksjö ayaa lagaa helaa warbixin dheeraad ah oo ku sabaasan habhabka kala duwan ee loo dago.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Degmada Eksjö luuqado badan oo kala duwan ayaa ku matalan. In ka mid ah waa ingriis, carabi, dari, af faarisi, af ruush iyo afka jeejeeniyo.

Jaaliyado iyo ururu

Eksjö waxeey lee dahay urur-nololeed qani ah iyo firfircoon. Waxaa ku yaalo dhuwaad 300 oo ururo oo ka hawl galo qeeyb kala duwan. Waxa ka mid ah isboortiga, dhaqanka, dabiicada, siyaasada iyo urur-waxbarasho.  Waxeey lee dahay kanisadooyin iyo ururo diimeed, waxaa ka mid ah kaniisada Iswiidhan, kaanisda bingistiga, kaniisada fidinta masiixiga iyo shuhuud yaho. Ururada dhamaantooda waxaa ka heleeysaa Degmada Eksjö diwaankeeda urureed.

Maxaa ka ag dhaw

Eksjö waxaa ky yaalo dukaamo yaryar oo badan. Waxa ee gadaan waxaa ka mid ah dharka, maacuun iyo alaabta caruurta ku ciyaaraan, iyo xooga dukaamooyin gado raashin. Eksjö waxaa ku yaalo Retro, dukaan gacan labadaadle ah oo iibiyo qalab la soo isticmaalay waa alaabta guriga, maacuunta, daaha, buugaag iyo in kale. Sido kale Eksjö waxaa ku taalo maktabad iyo matxaf iyo xafiis shaqadeed. Degmada xafadeehada sii yaryar waxaa sido kale ku yaalo dukaamo yaryar oo gado raashin. Xafiiska adeega ee qasnada ceeymiska iyo xafiiska canshuurha ugu dhaw waxee ku yaalaan Nässjö.

Dalyeelka carruurta

Markii aad bilaabeeyso waxbarasho ama shaqo degmada Eksjö waxeey xanaanadeeyn caruur uu soo bandhigtaa dhamaan caruurta uu dhaxeeyo 1 ilaa shan sano. Warbixin kale oo ku saabsan xanaanada aruurta waxeey ku jirtaa bogga degmada Eksjö.

Sido kale Eksjö waxaa ku taalo dugsi xanaaneed furan oo ah goob ee ku kulmaan waalidka leh caruur uu dhaxeeyso 0 ilaa 6 sano. Waa meel loogu tala galay ciyaar iyo waxbarasho ayadoo la qadaanaayo taas caruur kale iyo dad kale oo waa weeyn.

Lekpark i Eksjö

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Degmada Eksjö iskuuladeeda hoose-dhexe waxeey ku yaalaan xaafadaha Eksjö, Hult iyo Höreda iyo Mariannelund iyo Ingatorp. Degmada Eksjö waxaa ku taalo labo dugsi sare, Dugsiga sare ee Eksjö iyo Dugsiga Nifsarps. Warbixin kale waxeey ku jirtaa bogga degmada Eksjö.

Furadaha waxbarasho

EksjöVux waxuu soo bandhigaa barashada afka iswiidhiska oo loogu tala galay soo galooytiga, sfi, waxbarashada asasaasiga hoose-dhexe iyo sare oo loogu tala galay dadka waa weeyn. EksjöVux waxuu sido kale oo bandhigaa tageero dheeraad oo ah hab tageerada ee dhanka luuqada, erayda-shaqada-iswiidhiska, qof gaar ah oo waxbarashada ka caawiyo, la taliye, macalin xariif oo gaar ah iyo qalab caawinaad loo adeegsado.

Campus i12 warxuu soo banndhigaa waxbarasho jaamacadeed, waxbarasho sare ee xirfad shaqo iyo koorsooyin madaxbanaan ayadoo lagala kaashado jaamacadooyin kala duwan.

Caafimaadka

Eksjö waxaa ku yaalo isbitaalka Högland oo ah isbitaal degdeg, si fiicana uu qalabeeysan. Eksjö iyo Mariannelund, labadaba waxaa taalo rug caafimaadeed iyo daryeelka ilkaha dadweeynaha. Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan maamulka caafimaadka gobolka Jönköping boggoda ee ku jirtaa. 

Xarunta-reerka ee Eksjö waxaa ku dhexyaalo qaabilaada dhalinyarada, daryeelka caafimaadka dumarka iyo daryeelka caafimaadka caruurta.

Caawinaad turjubaan

Wee jirtaa fursad lagu helo turjumaan markasto oo xariir lala yeesho hey'addaha.

Xiriirka gaadiidka

Eksjö waxaa uga imaan kartaa Stockholm, Göteborg, Malmö iyo Köpenhamn in ka yar 3 saacadood. Degmada Eksjö waxaa dhexmaro jidadka qaranka ee 40, laga bilaabaa bari ilaa galbeedka. Goobaha-duulimaadka ugu dhaw waxeey ku taala Jönköping. Gaadidka-Gobolka Jönköping ayaa kala wado isku xidhka basaska iyo tareemada uu kala socdo degmooyinka qeeybahooda kal duwan, iyo kuwa uu socdo degmooyinka uu dhow, tusaale ahaan Nässjö, Vimmerby iyo Jönköping. Warbixin dheeraad ah ka akhriso Gaadidka-Gobolka Jönköping.

Shaqo iyo ganacsi

Degmada Eksjö waxeey lee dahay ganacsi iyo warshadeedeed guud ah, xoogna leh, halkaasi ee degmada Eksjö, Maamulka gobolka ee Jönköping, Hey'adda militariga, Booliska iyo Maxkamada Darajada koobaad ee ka yihiin shaqo dhiibe weeyn. Ganacsiga iyo warshadeeynta gaarka ah gudaha degmada Eksjö waxeey ka kooban tahay oo ugu muhiimsan shirkadooyin yaryar iyo kuwa xooga-weeyn. Intaan waxa ee ka shaqeeyaan waxaa ka mid ah sameeynta guriyada alwaaxa ah, warshadeeynta-geedaha, daryeelka gaarka ah iyo howl garaasheed ee warshad ah. Warbixin dheerad ah waxeey ku jirtaaa bogga degmada Eksjö.

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxad ka arkaysa shaqada ka banaan iminka degmada iyo nawaaxigeeda.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska
Ciwaan shaqoXirfad
Fastighetstekniker med inriktning mot el Serviceelektriker, installation
Behandlingspedagog på SiS , avd Brostugan Behandlingsassistent/Socialpedagog
Legitimerad sjuksköterska Sjuksköterska, psykiatrisk vård
Vårdenhetschef Enhetschef, hälso- och sjukvård
CIP Engineer Kontrollingenjör, kemiteknik
Lärare åk 2 - 3 Furulundsskolan Lärare i grundskolan, årskurs 1-3
Specialpedagog med samordningsansvar 100% Furulundsskolan Specialpedagog
Barnvakt i Eksjö Barnflicka/Barnvakt
Elsasköterska Sjuksköterska, grundutbildad
Förskollärare Förskolehuset Galaxen Eksjö Lärare i förskola/Förskollärare
Säkerhetsrådgivare / - säljare med garantilön sökes till Eksjö Hemförsäljare
Coop Konsum Eksjö söker Säljledare till Mat & Matlagning Butikschef
Utvecklande jobb som Innesäljare och Mötesbokare Innesäljare
Engagerad och noggrann administratör Administrativ assistent
Kock Kock, à la carte
Personlig assistent till charmig tonårskille i Eksjö Personlig assistent
Dietist Dietist
Vårdadministratör Läkarsekreterare/Vårdadmin/Medicinsk sekreterare
Psykolog Psykolog
Extra Brevbärare , Eksjö Brevbärare

Bogga 1 ee ka mid ah 53

Khariidada adeegga bulshada

Waxaa khariidada ka arki kartaa shaqooyinka guud ee degmada. Waxaad isticmaali kartaa meel khariidada kamid ah oo aad ku qori kartid ereyga waxa aad raadineysid, sida ciwaanka guriga aad raadineysid.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Eksjö

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

16 464

Cabirla dhulka

873 km2

Masaafada u jirta magaalada waaweyn

Nässjö 20 km

Vetlanda 31 km

Jönköping 61 km

Malmö 311 km

Stockholm 313 km

Bogga internetka degmada

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri