Enköping

Degmada Enköping waxeey soo bandhigeeysaa tayo iyo fursado shaqo iyo howlo xilliga firaaqada ee gudaha be’yad taariikh leh. Degmada Enköping waxeey si qorxoon ugu taala Mälaren agtiis iyo sadax garoon oo caalami ah, oo hal saac gudaheed lagu tagi karo ayaadoo laga baxaayo bertamaha. Xariir fiican oo masaafad degan oo tareen lagu tagi karo Stockholm, Uppsala iyo Västerås ayee lee dahay. Intaas waxaa uu sii dheer Enköping, 38 magaalo ayaa waxeey uu jirtaa labo iyo toban maayl gudaheed, taasi oo keentay magaca ”Magaalada Iswiidhan ugu dhaw”.

Soo bandhigid

Deegaan

Degmada Enköping waxeey ka kooban tahay xaafadaha Enköping, Örsundsbro, Hummelsta, Grillby, Fjärdhundra, Bredsand, Lillkyrka iyo Haga. Degmada waxaa dagan 40 492 qof waxeeyna ku taala qeeybta koonfureed ee gobolka Uppsala. Shirkada guriyaha ee degmada lee dahay Enköpings Hyresbostäder waxeey maamushaa 2500 guri oo degmada dhan ku wada yaalo. Waxaad degmada Enköping boggooda internetka heleysaa liis eey ku yaallaan shirkadaha kale ee guryaha laga kireysto.

Jaaliyado iyo ururu

Bartamaha Enköping waxuu taajir uga yahay soo bandhigida ururada isboortiga iyo dhaqanka. Warbixin sii badan waxaa ka heleeysaa bogga internetka ee degmada, halkaasna waxaa ku jiro warbixinta-xariirka.

Maxaa ka ag dhaw

Enköping waxaa laga heli karaa dukaamo iyo adeegyo. Maktabad waxeey ku taalo Enköping, Örsundsbro, Grillby iyo Fjärdhundra.

Dalyeelka carruurta

Degmada waxaa ku taalo 41 dugsi xanaanadeed, kuwa degmada aa leh, kuwana waa madaxbanaan yihiin.

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Degmada waxaa ku taalo 19 dugsi hoose-dhexe iyo sare, kuwo degmada ee lee dahay, kuwana madaxbanaan iyo dugsi sare ee Westerlundska.

Furadaha waxbarasho

Degmada waxeey soo bandhigeeysaa waxbarashada afka hooyo ee afka serbiya, afka bosniyo, afka koroshiya, afka turkiga, afka ruushka, afka turkiga, af carabi, af soomaali, af tirgrinya, af faarisi, af bashto, afka booland, af kirundi, afka isbaayn, afka thayland, af ingriis, afka finland, afka greega, af syriaanka iyo af jarmal.

Haddii ee jiraan in ka badan shan arday oo isku luuqad ku hadlo, waa loo soo bandhigi karaa waxbarashada afka hooyo.

Dugsiga dadka waa weeyn waxaa ku bandhigan waxbarasha loogu tala galay dadka waaweeyn ee kala duwan.

Xiriirka gaadiidka

Bas ka baxo Enköping oo ku socdo Uppsala iyo Västerås, marar badan ayee ka baxaa halkii saacba.

Shaqo iyo ganacsi

Ayadoo ku dhawaad 2700 shirkad ee diiwangalsan yihiin, waxeey Enköping soo bandhigeeysaa suuq shaqo oo kala duwan. Sida dhaqanka shirkadeeynta waxeey ku saleeysneed shirkado yar iyo kuwo dhexdhexaad ah oo ka howl galo laan laakin beeraha iyo dhaq dhaqaaqa ganacsi oo la socdo mecno weeyn ayuu ku fadhiya. Waqtiga hada la joogo 800 oo shirkad ayaa ka shaqeeyo gudaha degmada dhaqdhaqaaqa ganacsi ee cagaaraan.

Waxaa ka mid ah shaqo dhiibaha weeyn ee dadweeynaha degmada Enköping, wasaarada difaaaca iyo Maamulka gobolka caafimaadka ee Uppsala. Uu dhwaanshaha Stockholm, Uppsla iyo Västerås waxeey sido kale uu mecno tahay in degaanka degmada meelahaas suuqooda shaqadeed uu jiro masafaada tareen loo raaci karo.

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxad ka arkaysa shaqada ka banaan iminka degmada iyo nawaaxigeeda.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska
Bogga 1 ee ka mid ah 766

Khariidada adeegga bulshada

Waxaa khariidada ka arki kartaa shaqooyinka guud ee degmada. Waxaad isticmaali kartaa meel khariidada kamid ah oo aad ku qori kartid ereyga waxa aad raadineysid, sida ciwaanka guriga aad raadineysid.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri