Falköping

Falköping waxaan kor ugu soo qaadnaa qiimaha oo gaar uu ah degmadeedna. Dhiska dhaqameed, xariir gaadiid fiican, dhulka aad uu fiican iyo dhaqanka cuntada. Waxaan ka tirsanahay Cittaslow, oo ah shabakad caalami ah oo ka tirsan yihiin magaalooyinka yaryar. Waxaan qaadna mas’uuliyada badeeca ceeyriinka ah ee degmada iyo soo saarka oo leh tayo sareeyso, sido kale waxaan uu shaqeeynaa hormar joogta ah oo leh degnaansho iyo xasilooni. Degmada Falköping aragtideeda waa ”Nolosha wanaagsan”.

Soo bandhigid

Deegaan

In guriga uu ahaado mid la jecel yahay oo lagu nabad qabo muhiim ayee uu tahay tayada nolasha. Ma waxaad usoo guuri rabtaa Falköping ama guri cusub maa raadineeysaa? Ma jirtaa baahi oo lagu habooneeysiinaayo guriga ama waxaad ku fakareeysaa nuuc guri oo gaar ah? Dhis, deg & bey’adda ee bogga degmada Falköping waxaa ku jirto warbixin isku aruuris ah oo loogu tala galay qofka guri raadinaayo.

Maamulaha iyo dalaalka ugu weeyn ee guriyaasha laga kireeysto Falköping waa shirkada guriyaasha ee degmada lee dahay Falköpings Hyresbostäder AB halkaasi oo aad ka gali kartid safka-guriga, waxaana ka heli kartaa warbixin dheeraad ah oo ku saabsan guriyaashooda.

Xafiiska dalaalka guriyaha la kireeysto ee kale oo weeyn waa Din Bostad i Falköping AB iyo Senäte Fastigheter AB.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Falköping waxeey hadda heeysaa waxbarsho afka hooyo ee carabiga, afka kuridga, afka boosniya/serbokoreetshiya, afka booland, afka finland, afka holland, af soomaaliga, afka albaaniga, iyo af romaani.
Inta badan macalinka waxbaraayo waxuu ka yimid isla dhaqan-meeleedka uu canuga ka yimid. Macalinka afka hooyo waa in uu aqoon fiican uu lee yahay afka iswiidhiska iyo bulshada iswiidhan.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Falköping waxeey taajir ka tahay nolosha urureed ayadoo ee jiraan ku dhawaad 450 urur. In badan oo kuwaas ah waxeey ku jiraan diiwaanka-ururada ee degmada ayagoo leh warbixin xariir iyo magacyo qof.

Waxaa jiro ururo badan ee dimeed, waxaa ka mid ah Kaniisada Iswiidhan ee Falköping oo ka shaqeeyso goobta kulanka maalmaha caadiga, caruurta iyo dhalinyarada iyo howlo bulsho.

Goobta gacan labaadka kaniisada Bingist waxeey tusaale kale uu tahay goob lagu kulo oo laga raadiyo wax laga helay iyo shaaheeyn.

Ururo dimeed iyo dhaqameed oo kale waa jiraan.

 

Dhaqan iyo waqtiga firaaqaha

Falköping waxeey soo bandhigeeysaa nolol dhaqameed badan iyo wax badan oo la qabto xilliga firaaqada. Waxeey ku saabsan tahay laga bilaaba dabaal, isboorti, farshaxan, tiyaatar, maktabad iyo goobo la kulan ilaa matxaf, ururo iyo howlo dibadeed: Arag & Sameey

Degmada waxeey lee dahay goobo badan oo lagu kulmo. Goobaha xilliga firaaqada oo loogu tala galay dhalinyarta waxeey ku yaaliin Falköping, Stenstorp, Floby, Kinnarp iyo Gudhem. Haddii aad jeceshay heesaha waxaa jiro Guriga heesaha 8aad iyo Guriga heesaha Dixie.

Haddii aad jeceshay isboortiga wxaa jiro goobo-isboorti iyo goob jimicsi oo badan, sido kalena meelo lagu toobarto tusaale ahaan tenniska-miiska, lagdanka, ciyaaraha guud, tuurka iyo bir qaadista. Goobta dibadeed ee Mösseberg waxeey soo bandhigeeysaa howlo badan: dabaal, jimicsi iyo raacida barafka, burji, jidad socod, jirdin xayawaaneed, buur laga dago, goobta goolfka, goobta jimicsiga, howlaha jiifka dibada iyo guryo yaryar oo la kireeysto si fasax loogu qaato.

Ku soo dhawaaw in aad sii raadiso hoowlo gudaha degmada Falköping! Halkaan waxaa ka jiro wax loogu tala galay da’ kasto iyo hami kasto.

Maxaa ka ag dhaw

 

Degmada Falöping waxeey qorsheeyneeysaa xafiis dad weeynee gudaha maktabada degmada ku taalo St Sigfridsgatan. Waxuu ahaan meel furan oo lagu kulmo. Halkaas waxaad uga heli doontaa jawaab su’aalaha guud iyo ururo sido kalena ka codsan karta ogalaansho nuuca sii sahlan. Warbixin oo leh luuqado kale duwan wee jirtaa. Degmada, ayadoo la shaqeeyneeyso ururada, waxeey qabaneeysaa cashar jeedin, soo bandhigid iyo kulamo dhaqameed.

Bartamaha Falköping waxaad ka heleeysaa bartame magaalo oo duq ah iyo dhowr dukaamo. Suuqyada weeyn waxeey ku yaallin geesaha. Dabcan waxaa jiro xafiiska shaqada, qasnada ceeymiska, xafiiska canshuuraha iyo xafiiska bulshada.

Dalyeelka carruurta

Falköping si joogto ah ugu dadaaleeynaa in tayo sare ee lahadaan iskuulada, dugsi xanaanda iyo guriga xilliga firaaqada. Caruurta iyo ardayda dhamantood waxeey xaq uu lee yihiin ee in ee helaan tageerada ee uu baahan yihiin. Hamigeena waa hab waxbarasho oo casri ah ayadoo la adeegsanaayo farsamo cusub.

Waxbarashada, dugsiga xanaanda iyo guriga xilliga firaaqada waxaad ka heleysaa warbixin kasto oo ku saabsan hoowsha waxbarashada Falköping ee caruurta, dhalinyarada iyo dadka waa weeyn. Falköping waxaa ku yaalo 30 dugsi xanaano, 16 ka mid ah waxeey ku yaaliin gudaha xaafadaha, 14 gudaha baadiyaha. 10 ka mid ah dugsiyadaan waa kuwo gaar loo kala wado, 6 xaafadaha ee ku yaaliin, 4 waxeey ku yaaliin baadiyaha.

 

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Degmada Falköping waxaa ku taalo 18 dugsi hoose oo leh jiheeyn kala duwan, 6 iskuul xaafad ku yaalo iyo 12 baadiyaha ku yaalo. Dugsigeena sare, Dugsi sare ee Ålleberg, waxuu helay qimeeyn badan tusaale ahaan ciyaarta fooli boolka, ku fiicnaan kubada cagta, heesaha, wargeeyska iskuulada, rinji marinta gaadiidka, dahab tumka iyo arday ku jirto Shirkadeeynta dhalinyarada. Sido kale waxaan ku faraxsanahay dugsigeena heeso ee degmada.

Sido kale halkaan waxaa ku jiro warbixin ku saabsan waxa aad sameeyn karto inta lagu jiro fasaxa iyo xilliga firaaqada, tageero baahi kala duwan loo qabo iyo habka aan uga shaqeeyno hormarinta hoowsha. Dhalinyarta laga bilaabo fasalka 6aad ilaa dugsiga sare waxee tagi karaan guriga dhalinyarta oo leh goob-kulan.

Furadaha waxbarasho

Xarunta-waxbarashada degmada – oo shaqado aragtideedu tahay – waxeey lee dahay soo bandhig badan si aad adiga uu hesho fursado cusub iyo jidad cusub aad dooran karto. Halkaan waxaad ka heleeysaa warbixin ku saabsan jaamacada, waxbarashada-hawlaha, waxbarashada sare ee shaqooyinka, waxbarashada dadka waa weeyn, waxbarashada dadka waa weeyn ee shaqeeynta iyo dugsiga waxbarshada dadka waa weeyn ee gaark ah. Xarunta-waxbarashada waxaan sido kale ku soo bandhigeeynaa waxbarasho waqti buuxo ee afka iswiidiska loogu tala galay soo galooytiga (sfi) oo lagu qabanaayo gudaha bey’ad fiican. Waxaad si toos ah uga dalban kartaa internetka!

Caafimaadka

Shardiga koobaad waxu yahay, in markii aad uu baahato daryeel caafimaad iyo bukaan, in aad marka hore la xariirta rugtaada caafimaadka. Xaaladaha qarkood degmada ayaa ka masu’ul ah daryeelka bukaanka iyo caafimaadka. Warbixin kale oo ku saabsan daryeelka.

Falköping waxaa ku yaalo rugag caafimaad oo badan, isbitaal, rugta caafimaadka hooyoyinka, rugta cafimaadka caruurta, qaabilaada degdega iyo daryeelka ilkaha, fiirso daryeelka bukaanka iyo daryeelka ilkaha.

Caawinaad turjubaan

Waxaan adeegsanaa xafiiska turjumanka ee degmada Mariestad, taasi oo soo bandhigto adeegyo turjumaan lagu kalsooni qabo karo, afar iyo laabatan saac.

Xiriirka gaadiidka

Falköping waa degaan soo jiidasho leh oo ku dadaalaayo lahaanshaha xariir gaadiid fiican. Waqtiga safarka ku socdo Göteborg, Jönköping iyo Stockholm wuu soo gaabtay. Xariir tareen oo isku dhaw-dhaw waxuu fursad uu keenaa in tareen loogu raaco meel kalo oo waxbarasho iyo shaqo loogu tago. Warbixin kale ee degmadida dhiibeeyso

Västtrafik waxeey ka masu’ul tahay gaadiidka dad weeynaha ee gobolka Västra Götaland iyo degmada Kungsbacka. Waxeey wadaan basaska, tareenka, tareenka yar ee magaalada dhex wareego iyo dooman Götevorg iyo Galbeedka-Iswiidhan.

 

Shaqo iyo ganacsi

Xafiska xegmada waxeey qeeyb weeyn ka qaadataa shaqada iyo shirkadeeynta gudaha degmada Falköping, ayadoo wada ah shiqo dhibo ku jirto howlo loogu dadalaayo suuqa shaqada iyo hormarinta shirkadeeynta.

Halkaan waxaad ka heleeysaa warbixin ku saabsan degmada, shaqo dhiibo ahaan, maqasiino iyo dhulal-warshado oo banaan, furitaanka shirkad, shaqo dhalinyaro, soo galooytiga cusub iyo shaqo-toobar. Sido kale waxaad raadin kartaa shirkad ku jirto diiwaanka-shirkadaha ee degmada.

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxad ka arkaysa shaqada ka banaan iminka degmada iyo nawaaxigeeda.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska
Ciwaan shaqoXirfad
lokalvårdare Städare/Lokalvårdare
Gitarrledare / Medborgarskolan Falköping Cirkelledare/Studiecirkelledare
Vi rekryterar en underhållstekniker till LEAX Skaraborg Underhållsmekaniker
Till vår kund Nordkalk söker vi nu en processoperatör! Processoperatör, kemisk industri
MIG / MAG - Svetsare Svetsare, manuell
Maskinoperatör med truckkort sökes! Maskinsnickare/Operatör, trävaruindustri
Byggnadsplåtslagare Byggnadsplåtslagare
Coop Extra Falköping söker Säljledare kolonial / nonfood Säljledare
Förvaltningsekonom Förvaltningsekonom
Demonstration / Leverans / Service Falköping Utesäljare
Truckförare Truckförare
Vårdlänken söker erfarna socionomer till konsultuppdrag Socialsekreterare
Drivna maskinoperatörer sökes Maskinoperatör, mekanisk verkstad
Förskollärare till Förskolan Boken Lärare i förskola/Förskollärare
Medtränare till idrottsskolan Knatteskutt Ungdomsinstruktör/Ungdomstränare
Utbildad CNC - operatör sökes! CNC-operatör/FMS-operatör
Lärare och förskollärare , Barn - och utbildningsförvaltningen Falköping Lärare i grundskolan, årskurs 7-9
Extrajobba med läxhjälp , matematik , engelska & svenska(3 elever) , Falköping Studieledare
Premier söker nya medarbetare inför hösten 2017! Montör, gummi- och plastprodukter
Tidningsdistributör Falköping Tidningsbud/Tidningsdistributör

Bogga 1 ee ka mid ah 29

Khariidada adeegga bulshada

Waxaa khariidada ka arki kartaa shaqooyinka guud ee degmada. Waxaad isticmaali kartaa meel khariidada kamid ah oo aad ku qori kartid ereyga waxa aad raadineysid, sida ciwaanka guriga aad raadineysid.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Falköping

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

31 689

Cabirla dhulka

1 000 km2

Masaafada u jirta magaalada waaweyn

Göteborg 1 h

Jönköping 45 min

Stockholm 2,5 h

Bogga internetka degmada

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri