Filipstad

Filipstad waxeey lee dahay soo jiidashada degmadyooinka yar, waxeeyna soo bandhigeeysaa fursado weeyn. Halkaan waxaad ka heleeysaa guriyaal aad ka heleeysid qabkood, waxbarsho heerkasto ah iyo shirkadeeyn leh jawi horay uu socdo. Waxaa kuu dhow shaqo, iskuul, hoowlooyinka xilliga fiirqada iyo dabiicada. Waxaa sii dheer soo bandhigid dhaqameed iyo munasabadooyinka oo leh heer fiican.

Soo bandhigid

Deegaan

Gudaha Filipstad guri maa ka raadineeysaa? Filipstadbostäder waxaad ka dhex heleeysaa kuwa banaan. Bogga internetka ee degmada waxaa ku sii jiro shirkdaha guriyaasha iyo dalaalada-guriyaasha kale.

Staty av Nils Ferlin som sitter på bänk vid vattendrag

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Gudaha Degmada Filipstad waxaa ku matalan koox-luuqadeed badan oo kala duwan, waxaa ka mid ah af soomaali, af suuriyaan, afka hooland iyo kuwo kale.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada baaxadeed waxaa ku dhexyaalo in ku filan oo goob isboorti iyo jimicsi, tusaale ahaan goobta hawo-qaadashada ee Kallhyttans oo ka mid ah meesha ugu casiyeeysan iswiidhan ee xagga  goobooyinka leh barafka sanceeysan iyo jid-socod oo ku dhexyaalo bey'ad dabiicad qurxoon. Bogga degmada ka akhriso nuucyada hoowlaha-urureed dhamaantood.

Publik som klappar händerna på ett torg

Maxaa ka ag dhaw

Gudaha degmada Filipstad waxaa ku yaalo dukaamo cunto, suuq ganacsi, maqaayado leh cunto iswiidhish ama cunto kale oo ka socoto dhaqamo kala duwan, biibito, dukaamo dhar iyo dukaamo gacan-labaad. Sido kale halkaan waxaa ku taalo maktabad, xafiiska shaqada, farmashiye iyo dukaamo kala duwan.

Personer fikar på Café Husets uteservering

Dalyeelka carruurta

Xanaanada caruurta iyo xananada maalmeedka ee reereed waxaa loo soo bandhigaa canugaada hadii aad shaqeeyso, waxbarato, shaqo raadineeyso, ku jirto fasaxa waalidka ama haddii uu canuga lee yahay baahi gaar ah.

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Sideeda dugsiyaasha hoose ee degmada Filipstad, waxeey dhamaantood uu shaqeeyan sida ugu wanaagsan oo loogu gaaro natiijo fiican ayadoo la fiirinaayo awooda gaarka ah. Sido kale halkaan waxaa ku yaalo dugsi sare.

Furadaha waxbarasho

Halkaan waxaa ku taalo Xarun-waxbarasho oo lagu dhigan karo waxbarasho jaamacadeed oo kala duwan iyo waxbarasho-masafadeed. Sido kale waxaa halkaan laga helaa barashada iswiidhiska soo galooytiga, sfi, iyo waxbarashada dadka waa weeyn. Degmada Filipstad waxaa ku taalo labo jaamacad – Dugsiga Bergs iyo dugsiga Gammelkroppa skogs.

Caafimaadka

Filipstad waxaa ku taalo labo rug caafimaad iyo hal xarun-reered, oo waxa ku yaalo waxa ka mid ah rugta caafimaadka caruurta iyo qaabilaad dhalinyaro. Sido kale degmada waxaa ku dhexyaalo dhowr qeeybo lagu daryeelo ilkaha.

Caawinaad turjubaan

Markii loo baahdo turjumaan waa la adeegsadaa.

Xiriirka gaadiidka

Basaska jaalaha ee Värmlandstrafik ayaa kuugu dhex wadaayo gudaha degmada iyo qeeybaha kale ee Värmland.

Shaqo iyo ganacsi

Degmada Filipstad waa shaqo dhiibaha ugu weeyn, ayadoo leh ku dhawaad 1 100 shaqaale oo joogta ah, shaqaalaha waxeey ka shaqeeyaan shaqooyin badan oo kala duwan. Halkaan waxaa ku yaalo warshado weeyn, sidii Barilla iyo OLW.

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxad ka arkaysa shaqada ka banaan iminka degmada iyo nawaaxigeeda.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska

Khariidada adeegga bulshada

Waxaa khariidada ka arki kartaa shaqooyinka guud ee degmada. Waxaad isticmaali kartaa meel khariidada kamid ah oo aad ku qori kartid ereyga waxa aad raadineysid, sida ciwaanka guriga aad raadineysid.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Filipstad

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

ca 10 600

Cabirla dhulka

1545 km2

Masaafada u jirta magaalada waaweyn

Karlstad 60 km

Stockholm 300 km

Göteborg 300 km

Oslo 300 km

Bogga internetka degmada

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri