Gävleborgs län

Waaxda Gävleborg waxeey ka koobantahay labada gobol ee Gästrikland iyo Hälsingland, waana waaxda ugu keymaha weyn Iswiidhan oo dhan. waaxda waxeey ka koobantahay toban degmo waxaana degan 97 000 oo qofood. Degmooyinka kale waa Sandviken, Hudiksvall, Bollnäs, Söderhamn, Ovanåker, Hofors, Nordanstig iyo Ockelbo. Gävleborg waxeey ku taal istaraatiiji ah waxeeyna hal saac oo kaliya u jirtaa garoonka diyaaradaha Arlanda, hal saac iyo barna waxeey u jirtaa Stockholm. Sanado badan waxaa waaxda la keeynayay qaxootiga wadanka ku cusub.

Soo bandhigid

Xaalada guryaha

Gobolka Gävleborg waxaa ku yaal guryo nuucyo kala duwan leh. Degmooyinka waaweyn waxaa ka jira shirado dowladeed oo guryaha kireeya, waxaa kaloo jira shirkado gaar loo leeyahay oo iyagana kireeya guryaha. Sida guryaha loo helo waxeey ku xirantahay degmada aad guryaha ka raadsaneysid. Warbixin dheeraada waxaad ka heleysaa meesha degmo kasta lagu soo bandhigo.

Wax soosaarka ganacsiga iyo shaqo bixiye

Dhaqaalaha gobolka waxuu ku dhisanyahay soo saarida biraha iyo warshadaha garaashyada. Shirkadaha waaweyn ee gobolka waa Sandvik, Ovako, Korsnäs iyo Iggesund. Sanadihii ugu dambeeyay waxaa kor u kacay shirkadaha baraayfatka ah. Waaa shirkadaha ugu korriimaha fiican, waxeeyna shaqaaleeysiiyaan dad badan, waxaana laga yaabaa ineey mustaqbalka dhow horumariyaan shirkadaha enerjiga iyo sancada jawiga. Sanadihii waxaa iyagana soo kordhay shirkadaha ka shaqeeya farsamada sida GIS, fiberoptik, industriell IT iyo Contact centers. Ilaha dhaqaale ee ugu kobciga og gobolka waa dhaqaalaha ka soo gala dalxiiska.

Ku dhowaad 40 % waxey ka shaqeeyaan caafimaadka, iskoollada iyo daryeelka.

Iskoolaad iyo waxbarasho

Gobolka waxuu leeyahay machad ku yaal Gävle. Waxaa la aasaasay 1977 waxuuna caan noqday bartamihii 90-shagaashameeyadii. Iskoolka waxuu aad ugu guuleystay inuu isku dubbarido wada shaqeynta ka dhaxeysa shirkadaha gobolka sida Sandvik iyo Korsnäs.

Daryeelka bukaanka

Maamulka caafimaadka Gävleborg waxuu mas'uul ka yahay daryeelka caafimaad ee u baahanyihiin dadka degan gobolka. Waxuu kaloo maamulka caafimaadka mas'uul ka yahay in dadka booqashada ku joogo gobolka eey helaan daryeel caafimaad hadeey u baahdaan. Waxeey noqon karaan qaraabo, saaxiibo iyo dad ka yaqaan dad Gävleborg, waxeey kaloo ahaan karaan dadka dalxiiska u joogo ama kuwa qaxootiga ah. Gobolka waxuu leeyahay sadda isbitaal, hal ku yaal Gävle, Hudiksvall iyo Bollnäs. Isbitaallada marka laga reebo waxaa ku yaal rugag caafimaad oo baraayfat ah.

Dhaqan iyo waqtiga firaaqaha

Gobolka qeeybahiisa kala duwan waxaa ka jira nolol xaga hiddaha iyo dhaqanka, isboortis iyo howlaha firfircoonida ee guriga dibaddiisa. Degmooyinka kala duwan ee gobolka waxaa ku yaal jaaliyado fara badan oo meherado kala duwan sameeya. Waxa meeshaan yaal dhul qurux badan oo dabiici ah, balliyo, beero iyo keymo ku siinaya xusuusta dabeecadda qurxoon.

Jaaliyado iyo ururu – bulshada rayidka ah

Gävleborg waxaa ka jira wada shaqeeyn eey iska kaashadaan hey'daha, degmooyinka, shirkadaha iyo ururyada samfalka si loo abuuro jawi eey bulshada iyo dadkeeda ugu noolaan si wanaagsan, hadeey ahaan lahaayeen dadka caadiga ah, kuwa shirkadlayaasha ah iyo kuwa qaxootiga ah ee wadanka ku cusub.

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxaa lagu soo bandhigaa shaqooyinka ka banaan gobolka, marmarka qarkoodna gobolo uu dhow.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska
Bogga 1 ee ka mid ah 37

Ururo

Ilaa hada lama hayo warbixin ku saabsan jaaliyadaha ku yaalo gobolkaan.

Khariidada adeegga bulshada

Halkan waxaad ka arki kartaa khidmada laga heli karo gobolka. Waxaad kaloo isticmaali kartaa qaanadda baaridda ee khariidada si aad u hesho una caleemadaysid boos tusaale ahaan cinwaanka deggaanka.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri