Götene

Degmadda Götene waxeey ku taala Västra Götaland barbarka xeebta Vänerns qeeybtiisa bari-koonfureed, waxeeyn degmada ka kooban thay xaafadaha Götene, Hällekis, Källeby iyo Lundsbrunn. Buurka Kinnekulle ayaa ah degmada qiimaheeda, sido kale waxaa loo yaqaan buurka ubaxa. Degmada Götene waxaa ku taalo ku dhawaad 1 400 shirkad iyo 180 ururo oo shaqeeyo.

Soo bandhigid

Degmada waxeey ku jirtaa liiska UNESCO ee goobta-jawi nololeedka Vänerskärsgården oo leh Kinneskulle. Götene waa degmad shirkadeed oo leh ku dhawaad 1 400 shirkad iyo goobo shaqo oo weeyn.

Sommaräng i Götene

Deegaan

Degmada waxaa ku taalo shirkado-guri oo badan. Shirkada ee degmada lee dahay Götenebostäder ayaa ugu weeyn.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Waxaa ka mid ah luuqadaha looga hadlo Götene af carabi, af dari, af faarsi, af karen, af bashto, afka iraan, af soomaali iyo afka isbaaniya.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Götene waxaa ku taalo ku dhawaad 190 ururo oo shaqeeyo. Waxaa jiro ururo dhaqan, kooxax doomeed, kooxax isboorti, ururada howlgabka, dhaqdhaqaaqa wax sahamiya, ururo curyaanka, ururo siyaasad iyo kuwo kale.

Götene centrum
Maxaa ka ag dhaw

Bartamaha Götene waxaa ku yaalo xafiiska dad weeynaha, maktabad, xafiiska bulshada, farmashiye, shaleemo, goob-dabaal, kaniisado, goob banooni oo leh coowska warshadeeysan, goob jimicsi, kafeteeriyo iyo maqaayado. Gudaha bartamaha Götene waxaa badankood waxaa laga gadan karaa dukaamankeena. Waxaa jiro dukaan-gacan labaad oo hayo alaab guri, dhar iyo maacuun. Waxaa la balansan karaa Xafiiska qasnada ceeymiska, ayaga ayaa ka dib imaanaayo Götene, xafiiska waxuu ku yaalaa Lidköping. Ayado kombiyuutarka la adeegsanaayo ayaa lala hadli karaa Xafiiska shaqada, xafiiska waxuu ku yaala Skara. Degmada waxeey lee dahay Xafiiska suuqa shaqada oo siiyo tageero dheeraad ah qofka shaqo la’anta, hadna leh qaabilaad-qaxooti.

Dalyeelka carruurta

Dugsiyaal xanaano waxeey ku yaalin Götene, Hällekis, Lundbrun iyo Källby. Sido kale waxaa jiro xanaanada reerka ee maalmeedka iyo dugsiyaal xanaano oo madax banaan. Sido kale bartamaha Götene waxaa ku yaalo dugsi xanaanda furan ee Xarunta-reerka.

Barn leker i sandlåda på lekplats

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Götene waxaa ku yaalo iskuulo loogu tala galay caruurta uu dhaxeeyo 6 iyo 15 sano. Gudaha Hällekis, Källby iyo Lundsbrunn waxaa ku yaalo iskuulo loogu tala galay cauurta uu dhaxeeyo 6 iyo 12 sano. Dugsiyaada sare waxeey ku yaalaan magaalooyinka hareero Götene. Ardayda badankood waxeey uu safraan dugsiga sare ee ku yaalo Lidköping ama Skara.

Barn med snowboard sitter i skidbacke

Furadaha waxbarasho

Degmada Götene waxeey kala shaqeeysaa degmada Lidköping arimaha ku saabsan tahay waxbarashada iswiishiska soo galooytiga iyo waxbarashada dadka waa weeyn. Waxaa lagu qabtaa Campus Lidköping, oo halkaas xataa lagu soo bandhigo qaar waxbarasho jaamacadeed. Jaamacada ugu dhow waxeey ku taala Skövde.

Caafimaadka

Guriga-bartamaha ee Götene waxaa ku taalo labo rug caafimaad, rugta caafimaadka Närhälsan iyo rugta caafimaadka Kinnekullehälsans. Sido kale halkaan waxaa ku taalo rugta caafimaadka hooyoyinka, rugta caafimaadka caruurta iyo qaabilaada daryeelka ilkaha. Isbitaal iyo qaabilaada degdega waxeey ku yaalaan Skövde iyo Lidköping.

Caawinaad turjubaan

Caawinaad turjumaan luuqad kasto ayaa lagu heli karaa. Warbixin ku saabsan xafiiska-turjumaanka.

Xiriirka gaadiidka

Degmada Götene waxeey saaran tahay E20 inta uu dhaxeeyso Mariestad iyo Skara. Jidka-qaranka 44 waxuu ka saara Götene , ku geeynaa Lidköping ilaa Uddevalla. Tareenka-Kinnekulle waxaa ka mid ah meelaha uu istaago Källby iyo Hällekis. Halkaas ayaa uga sii safri kartaa Göteborg iyo Stockholm. Basaska waxeey dhexmaraan Götene, Källby iyo Lundsbrunn ilaa Lidköping, Skara iyo Mariestad, halkaasi oo laga badalan karo bas ama tareen kale si loo sii safro.

Shaqo iyo ganacsi

Gudaha degmada waxaa ku yaalo dhowr goob-shaqo oo waa weeyn. Götene waxeey uu dhaw dahay magalooyin badan oo leh goob-shaqo oo weeyn.

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxad ka arkaysa shaqada ka banaan iminka degmada iyo nawaaxigeeda.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska
Ciwaan shaqoXirfad
Mekaniker till Semper Underhållsmekaniker
Elektriker Installationselektriker
Tjäna 40.000 kronor i Månaden! Utesäljare
Konstruktör inom maskinteknik Maskinkonstruktör
Product Development Manager Produktutvecklare
Regional Sales Manager Säljledare
Medarbetare till Nolato Gota hösten / vintern 2017 Montör, gummi- och plastprodukter
Kock Kock, à la carte
Biståndshandläggare , LSS / SOL Biståndsbedömare/Biståndshandläggare
Tandsköterska allmän visstidsanställning under 1 år Tandsköterska
Brinner du för ledarskap och vill utvecklas? Teamledare
Källby Gård söker studiehandledare i ungerska Elevassistent
Eventpersonal som vill sprida matglädje i Lidköping Eventsäljare/Eventförsäljare
Nolato Gota söker nya medarbetare Montör, gummi- och plastprodukter
El - och automationsingenjör Automationstekniker, el
Medarbetare på Burger King Restaurangbiträde
Homepartysäljare till nytt Hälso - och Skönhetskoncept Hemförsäljare
Vikarierande personlig assistent till tjej i Götene Personlig assistent
Hällekis skola söker lärare Lärare i grundskolan, årskurs 4-6
Erfaren lärare , ex pensionerad - matte Lärare i grundskolan, årskurs 4-6

Bogga 1 ee ka mid ah 9

Khariidada adeegga bulshada

Waxaa khariidada ka arki kartaa shaqooyinka guud ee degmada. Waxaad isticmaali kartaa meel khariidada kamid ah oo aad ku qori kartid ereyga waxa aad raadineysid, sida ciwaanka guriga aad raadineysid.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Götene

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

13 100

Cabirla dhulka

407 km2

Masaafada u jirta magaalada waaweyn

Skövde 40 km

Lidköping 20 km

Skara 18 km

Mariestad 32 km

Göteborg 144 km

Stockholm 337 km

Bogga internetka degmada

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri