Gotlands län

Gotland waa jaziirad dhagax badeed asalkiisa ka yimid lafo xeywaan kaasoo la dhisay 400 oo malyanoo sano kahor. Gobolka Gotland waxuu qani ku yahay nuurada asalkeeda kasoo jeedo zamanadii hore. Gobolka Gotland waa gobolka labaad ee ugu masaaxada yar wadanka Iswiidhan oo dhan waxuuna ka kooban yahay 1 degmo. Magaalo madaxda gobolka waa Visby oo hareeraheeda ku wareegsan yahay derbi dhirirkiisu yahay 3440 m. Gotland waxaa ku nool dad gaaraya 57 161, 6 % oo kamid ah dadkaas waaa ajaanib. Dadka degan da'dooda dhexdhexaadka ah waa 44,1 sano. Tirada dadka gobolka aad uma siyaaddo.

Soo bandhigid

Xaalada guryaha

Qiyaas ahaan guryaha bannaan iyo dadka ubaahan guryaha tiradooda weey isla socotaa oo kalama badna. Dhisitaanka guryaha cusub wuu soo batay sanadihii ugu dambeeyay gaar ahaanna magaalada Visby. Gobolka Gotland shirkaddiisa guryaha ee Gotlandshem, waxeey maamushaa 5300 oo guryo. Sanadkii 2013 waxaa la kireeyo diyaar u ahaay 546 guryo guryaha kaloo dhanna waala kireystay. Sugitaanka guryaha ku yaal Visby wuu dheer yahay, 2014 waxaa lagu qiyaasaa in sugaanta uu noqon doono shan sano. Xaafadaha kale ee jaziiradda wakhtiga sugitaanka aad ayuu ugu gaaban yahay, mararka qaarna inaad sugtid xataa uma baahnid oo guri hore ayaaba ka heleysaa. Tusaale ahaan xaafadaha Slite, Lärbro, Klintehamn iyo Hemse. Gobolka waxuu leeyahay gaadiidka guud ee dadweynaha oo basas u badan.

Wax soosaarka ganacsiga iyo shaqo bixiye

Ilaha waxsoosaarka ee ugu muhiimsan ee gobolka Gotland waa beeraha, dhagaxa, warshadaha raashinka. Shaqooyinka adeegga waa qeyb weyn. Ku dhowaad 1 930 000 ayaa u soo dalxiis tago gobolka taasna waxeey abuurtay shaqooyin fara badan iyo shirkado. Shirkadaha cusub weey ku badan yihiin gobolka Gotland marka la barbar dhigo wadanka intiisa kale.

Shaqa bixiyaha ugu weyn waa isla gobolka Gotland oo leh 5 500 oo shaqaalewaxaana ku xiga shirkada khamaarka ee Svenska spel iyo xafiska ceymiska dowladda. Shirkadaha gaarka loo leeyahayna waxaa ugu weyn PayEx Finance AB, Destination Gotland iyo Cementa AB.

Daryeelka bukaanka

Gobolka waxaa ku yaal hal isbitaal, Visby lasarett, waxuuna leeyahay 147 sariiraha bukaan jiifka ah. In wakhti qaabilaad laga helo weey fududahay waxuuna ku jiraa kuwa ugu fiican wadankoo dhan. Waxaa jaziiradda oo dhan ku yaal 7 rug caafimaad. Hadafkii ahaay in qaabilaada bukaanka la fududeeyo waala gaaray. Gobolka waxuu heshiis la leeyahay isbitaalka Karolinska Universitetssjukhuset oo eey iska kaashadaan kor uqaadida awood xirfadeedka shaqaalaha caafimaadka.

Iskoolaad iyo waxbarasho

Jaamacada Uppsala xarunteeda ku taal Gotland, waxaa lagu bartaa 15 waxbarashooyinka dhameystiran ah iyo 200 oo koorsooyinka kaligood la qaato ah kuwaasoo laga baran isla jaamacada ama adigoo gurigaada jooga. Jaamacada Uppsala qeybteeda Gotland waxaa laga howl galiyaa qeybo kala duwan oo isugu jiro waxbarasho iyo cilmibaaris. Jaamacadda qeybteeda Gotland waxaa dhigta 6000 oo arday. Sanad kasta waxaa ka qalin jabisa 200 oo arday. Barnaamijyada jaamacada Uppsala qeybteeda Gotland waa Speldesign, Kulturvård, Energiteknik med inriktning mot vindkraft/vindkraftsprojektering. Jaamacadda Uppsala waxeey ka mid tahay 100 jaamcad ee ugu ugu fiican aduunka oo dhan.

Dhaqan iyo waqtiga firaaqaha

Gotland waa gobolka ugu jaaliyadaha badan ee wadanka oo dhan waxaana ka jira 900 oo jaaliyadood, intooda badan waxeey ku howlan yihiin isboortiska waxaana kusoo xiga kuwa dhaqanka iyo iyo kuwa guryaha. Gotland waxeey leedahay nolol dhaqameed qani ah. Matxafyo, maktabado aad buugaagta ka deensan kartid lacag la'aan. GotlandsMusiken iyo tiyaatarka gobolka Gotland, ururo waxbarasho, jaaliyadaha kala duwan ee dhaqanka oo ka shaqeeya is dhexgalka dadka ku nool jaziiradda oo dhan. Gotland waxeey leedahay meelo loo damaashaad tago oo aad u wanaagsan maadaama ee jaziirda hareeraheeda oo dhan eey bad tahay. Dhinaca waqooyi waxaa ka buuxo dhagaxyo halka dhinaca koofurna uu yahay meel keymo iyo caws badan. Waxyaabaha dabiiciga ah ee Gotland waxaa ka mid ah doog cagaaran, xeeb iyo caws qurux badan. Waxaa kaloo yaal dhagaxyo kaligood meelo iska yaal, duur joogto, fardo yaryar, iyo dhul uu derbi ku wareegsan yahay iyo ari markuu daaqayo dhulka ballaarinaya.

Jaaliyado iyo ururu – bulshada rayidka ah

Howsha is dhexgalka dadka waa ineey ku saleysan tahay xuquuqda bini'aadaka waana inaa si cad looga hortagaa midib takoorka, waxbarasho, is barasho wanaagsa iyo nolol dhaqameed qani ah. Gotland waxaa ka jira ururo badan oo ka shaqeeya is dhexgalka dadka.

Qaar kamid ah ururadaas: Rädda Barnen, Röda korset, Demokrati för Barns Framtid, Kyrkor och andra trossamfund, Gotlands idrottsförbund och öns många idrottsföreningar, ABF, Bilda, Studiefrämjandet, Folkuniversitetet, Studieförbundet Vuxenskolan, Sensus iyo jaaliyado dhaqamo kala duwan oo ka shaqeeya is dhexgalka dadka. Xaafadaha ku yaal jaziiradda waxaa ku yaal xarumo eey leeyihiin shirkado ka shaqeeyo arrimaha la xiriira howsha is dhexgalka dadka.

Shaqooyinka banaan

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska

Ururo

Halkaan waxaad ka heleysaa warbixinno iyo bogag kale oo kugu xiriirinaya qaar ka mid ah jaaliyadaha iyo ururada ka dhisan gobolka.

Gotlands Föreningsråd

​Gotlands Föreningsråd erbjuder en samlande funktion för samverkan föreningar i mellan. Föreningsrådet är även en portal för föreningarnas samverkan med Region Gotland. Föreningsråd skapar arenor där kulturföreningar, hembygdsföreningar, idrottsföreningar, handikappföreningar, och andra intresseföreningar gör saker tillsammans.

Khariidada adeegga bulshada

Halkan waxaad ka arki kartaa khidmada laga heli karo gobolka. Waxaad kaloo isticmaali kartaa qaanadda baaridda ee khariidada si aad u hesho una caleemadaysid boos tusaale ahaan cinwaanka deggaanka.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri