Grästorp

Grästorp waa degmad yar oo ku taalo bartamaha Västra Götaland, iyo koonfurta wabiga Vänern. Waxeeyna uu dhawdahay magaalooyin weeyn sidii Trollhättan, Vänersborg iyo Lidköping oo kale. Halkaan waxaa ka jiro xariir guud oo ku filan. Waa dabeecad qurxon oo leh, waxaana jiro goob xilli firaaq oo badan, waxaana ka mid ah waxa laga heli karo isboorti kala duwan.Grästorp waxeey taajir ka tahay ururada, waxaana lagu qabtaa dhacdo iyo howlo.

Soo bandhigid

Deegaan

Grästorp waxaa ku taalo lee shirkado guri oo madaxbanaan. Bogga degmada waxaa ku jiro liiska kuwa guriyaasha kireeyo. Guriyaal kiro ma ahane, waxa jiro guriyaal filooyin oo la gato – inta badan qiimo hooseeyo, iyo dhulal aan wax ku oolan oo la iib ah. Warbixin dheeraad ah waxeey ku jirtaa bogga degmada.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Dad badan ayaa jiro ku hadlo luuqado kala duwan gudaha degmada Grästorp taasi ee sabab uu tahay qaabilaad-qaxootiga guul laga gaaray, laga soo bilaabo 2006. Waxaa ka mid ah luuqadaha weeyn waa ingriis, af carabi, af tigrinya, af soomaali iyo af faarisi. Sido kale Grästorp waxaa dhaqan ahaan kor ugu qaaday dad ku hadlo afka thayland, afka shineeska, afka ruushka, afka seerbiga iyo afka albaaniya.

Grästorp Nationaldagen publik på torget integration

Jaaliyado iyo ururu

Kaniisada Iswiidhan iyo kaniisada bingst weey ku yaalaan Grästorp. Grästorp waxaa ku yaalo toban kaniisad oo leh taariikh. Masaajid waxuu ku yaalaa degmada dariska ah ee Trollhättan. Degmooyinka dariska ah ee Trollhättan iyo Vänesborg waxaa ku yaala ururo qoleed oo kala duwan.

Maxaa ka ag dhaw

Kulturhuset i Grästorp

Xaafada Grästorp waxaa ku yaalo xafiiska dad weeynaha, xafiiska bulshada, farmashiye, rug caafimaad oo leh rugta caafimadka caruurta iyo rugta caafimaadka hooyo oo isla hal guri ku yaalo, gudaha guriga degmada. Xafiisk shaqada iy xafiska qasnada ceeymiska waxeey imaadaan guriga degmada markii balan laga sameeysto. Sido kale halkaan waxaa ku yaalo ku dhawaad 30 dukaamo iyo kafteteeriyo iyo maqaayado.

Grästorp waxaa ka jiro howl badan oo kala duwan, tusaale ahaan jidad qurxoon oo lagu socon karo, maktabad, guriga-dhaqanka, guriga-xafladaha, shaleemo, guriga-dabaasha, kaniisado, garoom banooni oo leh coowska warshadeeysan, guriga-barafka, guriga-fardo raacidka, goobta jimicsiga, goobta banooniga, goobta tenniska, goobta golfka iyo in kale oo badan. Waxaa ku yaalo dukaamo-gacan labaad ah oo leh alaab guri oo qalabeeysan, dhar iyo maacuun.
Degmada waxeey lee dahay xafiiska qeeybta suuq galinta oo taageero dheeraad ah siiyo shaqo raadiyaha hadana leh qaabilaada-qaxootiga iyo waxbarashada iswiidhiska ee soo galooytiga uu sii gaar ah loo kala wado. Ka akhriso in kale oo ku saabsan hoowlaha degmadeed bogga degmada.

Dalyeelka carruurta

Grästorp waxaa ku yaalo dugsiyaal xanaano oo badan oo la kala dooran karo, boos xanaano waxaa lagu heli karaa labo isbuuc gudaheed (damaan).

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Xaafada Grästorp waxaa ku yaalo iskuulo oo uu dhow goobaha isboortiga, taasi oo keeneeyso in maadada jimicsiga la haato kala duwaansho badan markii howlo la qabanaayo. Ardayda yar ee fasalka 0-3 waxaa uu jiro iskuulka Backen iyo Lunnevis. Ardayda ku jiro fasalka 4-9 waxaa uu jiro iskuulka Central.

Grästorp kuma yaalo dugsi sare ee ardayda dugsi sare badankood waxeey bas uu raacaan degmooyinka dariska ee Trollhättan, Lidköping iyo Vara.

Barn som spelar fotboll

Furadaha waxbarasho

Degmada Grästorp waa heeysaa, ayadaana maamulato iswiidhiska ee soo galooytiga, waana gudaha Grästorp. Waxbarasho dad waa weeyn oo kale waa waxaa la heli karaa ayadoo lala xariiraayo degmada Grästrop. Waxbarashada bulshada ee soo galooytiga cusub waxaa la qabtaa ayadoo la kaa shanaayo Skaraborg, badana waxaa lagu qabtaa degmooyinka dariska ah. Ka akhriso in kale oo ku saabsan qorshaha barashad bulshada bogga degmada.

Caafimaadka

Guriga degmada waxaa ku taalo rug caafimaad, rugta caafimaadka hooyoyinka iyo rugta caafimaadka caruurta. Daryeelka ilkaha ee dad weeynaha waxuu ku yaala bartamaha bulshada.

Kommunens Hus

Caawinaad turjubaan

Dadka Grästorp ku cusub waxeey fursad uu lee yihiin in ee helaan caawinaad turjumaan oo luuqadoo hooyo ah markii ee booqanaayaan xafiiska dad weeynaha, iyo balan markii ee ku lee yihiin qaabilaada-qaxootiga/xafiiska isdhexgalka iyo xafiiska bulshada.

Xiriirka gaadiidka

Gaadiidka dadweeynaha waxaa ka jiro bas iyo tareen. Jidwalka-socodka iyo warbixn kale waxeey ku jirtaa bogga Västtrafik iyo SJ.

Shaqo iyo ganacsi

Xafiiska degmada Gästorp waa shaqo dhiibaha ugu weeyn bulshada. Gästorp waxaa ku yaalo shirkado badan oo yaryar. Sido kale shaqo dhiibe badan ayaa ku yaalo degmooyinka dariska ah ee Trollhättan, Vänesborg, Lidköping iyo Vara oo jiro 20-36 kilomitir. Waxaa jiro gaadiid dad weeyne oo leh tareen iyo bas.

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxad ka arkaysa shaqada ka banaan iminka degmada iyo nawaaxigeeda.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska
Ciwaan shaqoXirfad
Undersköterskor Undersköterska, hemtjänst och äldreboende
Personlig assistent Personlig assistent
Två boendestödjare för nattjänstgöring , Thamstorps Boende & Rehab i Gräs... Vårdare/Arbetshandledare/Boendestödjare
Driftansvarig återvinningscentralen Forshall Miljöarbetare/Renhållningsarbetare
Besöksintervjuare i Grästorp Intervjuare, opinionsundersökning
Peronlig assistent sökes i Grästorp Personlig assistent
Sjuksköterska - Capio Vårdcentral Grästorp Sjuksköterska, grundutbildad
Specialist i allmänmedicin - Capio Vårdcentral Grästorp Läkare
ST - läkare - Capio Vårdcentral Grästorp ST-läkare
Administratör Backofficepersonal
resturang servitör städa diska mm Diskare
Hygientekniker resp. lokalvårdare till L & T Städare/Lokalvårdare
Chaufför - Trollhättan Kranbilsförare
Chaufför - Tanumshede Kranbilsförare
Chaufför - Lysekil Kranbilsförare
SJUKSKÖTERSKOR TILL KIRURGISK VÅRDAVDELNING! Sjuksköterska, medicin och kirurgi
Ungdomssamordnare Handläggare/Utredare, offentlig förvaltning
Personlig assistent Personlig assistent
Medicinsk sekreterare Läkarsekreterare/Vårdadmin/Medicinsk sekreterare
Personalspecialist HR-specialist/HR-adviser

Bogga 1 ee ka mid ah 34

Khariidada adeegga bulshada

Waxaa khariidada ka arki kartaa shaqooyinka guud ee degmada. Waxaad isticmaali kartaa meel khariidada kamid ah oo aad ku qori kartid ereyga waxa aad raadineysid, sida ciwaanka guriga aad raadineysid.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Grästorp

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

5 620

Cabirla dhulka

281 km2

Masaafada u jirta magaalada waaweyn

Trollhättan 24 km

Vänersborg 25 km

Lidköping 36 km

Göteborg 100 km

Bogga internetka degmada

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri