Hallands län

Halland waxaa lagu ammaanaa xeebahadeeda dabbaasha o aad u wanaagsan iyo dhulka dabiiciga ah oo isugu jiro buuro iyo keymo. Gobolka waxuu ka koobanyahay lix degmooyin Laholm, Halmstad, Hylte, Falkenberg, Varberg och Kungsbacka.

Soo bandhigid

Xaalada guryaha

Dadka iyo horumarka gobolka aad u kordhaya aawgeed waxaa tobankii sanoo ugu dambeeysay dhacday in aan la dhisin guryihii loo baahnaay si loo haqab tiro baahida dhinaca guryaha ah. Bilowgii qrnigii 2000 ilaa iyo hadda waxaa degmooyinka xeebaha leh ee gobolka ka jirto gur'yo la'aan weyn. Qeeybaha eey aad u saameysay guryo la'aanta waa dhalinyarada kireysta guryaha yaryar oo waqtiyadaan aad u adag sida loo helo, ardayda waxbarashada ki jira iyo dadka u baahan guryo khaas u ah xaajaadkooda.

Wax soosaarka ganacsiga iyo shaqo bixiye

Wax soosaarka dhaqaalaha ee gobolka Halland waxuu ku saleeysan yahay shirkadaha yaryar. Qaababka eey u dhisan yihiin shirkadaha yaryar waxey keentay natiijooyin fiican oo xagga dhaqaalaha ah, sida ineey soo bateen shirkadaha nuucaas oo kale ah, in dhaqaalahooda uu kor u kaco iyo shirkadaha oo sii weeynaada. Waxyaabaha eey shirkadaha gobolka Halland eey ku fiicneyn waa ineey dadka leh shirkadaha badankood eey aqoontooda gaarsaneyn heer sare iyo ineey xiriir la laheen jaamacadaha iyo bulshada kale. Degmada Halmstad waa shaqa bixiyaha ugu weyn ee gobolka waxuuna shaqaaleysiiyay 7800 oo qofood, waxaa ku soo xigo degmo goboleedka Halland oo eey u shaqeeyaan 7200 oo qofood.

Iskoolaad iyo waxbarasho

Machadka waxbarashada ee Halland waxaa laga bartaa barnaamijyo waxbarashadeed badan. Qeybta baaritaanka weey weyntahay waxeeyna caan ka tahay aduunka meelo badan. Campus Varberg waxaa lagu bartaa waxbarasho farsamadeed badan.

Daryeelka bukaanka

Isbitaallada Halland waxey ka kooban yihiin isbitaallada Kungsbacka, Halmstad iyo Varberg. Isbitaalladaas oo dhan waxaa ka shaqeeya 3500 oo qofood waxaana laga maamulaa hal meel. Marka laga reebo isbitaalladaas waxaa jira rugag caafimaad oo badan.

Dhaqan iyo waqtiga firaaqaha

Halland waxaa ka jira howlaha firfircoona ee xilli firaaqaha oo aad u badan waxeeyna sameeyaan meherado kala duwan oo eey dadka xiiseeyaan sida hiddaha iyo dhaqanka, taarikhda, isboortiska, farshaxanka, muusikada iyo tiyaatarka. Jawiga dabiiciga ah ee kala duwan waxuu ku siinayaa meelo badan oo loo damaashaad tago waxaana dhulkaas dabiiciga ah ku yaal 160 meelo oo la xafiday si eey dadka usoo daawasho tagaan iyo 50 dhismooyin oo taariikhi ah.

Jaaliyado iyo ururu – bulshada rayidka ah

Xafiisyada dowladda ee Halland waxaa ka dhaxeeysa wada shaqeyn fiican sida, degmooyinka, shirkadaha iyo ururyada samafalka si eey u sameeyaan adeeg bulsho oo raali galiya dadka deegaanka, shirkadaha iyo qaxootiga.

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxaa lagu soo bandhigaa shaqooyinka ka banaan gobolka, marmarka qarkoodna gobolo uu dhow.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska
Ciwaan shaqoXirfad
Sjuksköterska till avd. 5C Medicinkliniken , Hallands sjukhus Varberg Sjuksköterska, grundutbildad
Undersköterska till Hemtjänst Mitt Undersköterska, hemtjänst och äldreboende
Stödassistent , 75% Stödassistent
SJUKSKÖTERSKA TILL ÄLDREBOENDE PRIVAT REGI Sjuksköterska, äldreomsorg och -vård/geriatrik
Specialpedagog , Rolfstorps skola Specialpedagog
Farmaceutisk rådgivare till apoteket Särö , vikariat Farmaceut/Receptarie
Finnvedens Lastvagnar söker servicechef till Ängelholm Servicechef, bilverkstad
Vi söker en undersköterska till vårt team på Vårdcentralen Andersberg Undersköterska, vård- o specialavd. o mottagning
Barnvakt / nanny extrajobb Halmstad 1 eftermiddag varannan vecka Barnflicka/Barnvakt
Fastighetsansvarig Kungsbacka Fastighetsskötare/Fastighetsarbetare
VVS - montör VVS-montör
Maskinbyggare och Mekaniker till Randek Maskinbyggare
Vi söker en personligassistent till en man i 60 års ålder i Ätran 50% Personlig assistent
Arbetsterapeut Arbetsterapeut
Erfaren servis som kan hantera baren , Falkenberg med start från nu! Servitör/Servitris
Vi söker extrapersonal till MOOD Butikssäljare, fackhandel
FMV söker produktionsingenjör med inriktning produktionsstyrning Produktionsingenjör, maskin
Sjuksköterskor till en kardiologiavdelning i Varberg i sommar Sjuksköterska, grundutbildad
Sjuksköterskor till en kardiologiavdelning i Varberg i sommar Sjuksköterska, grundutbildad
Ung , driven , tidigare erfarenhet av sälj? Eventsäljare sökes i Göteborg Eventsäljare/Eventförsäljare

Bogga 1 ee ka mid ah 64

Ururo

Ilaa hada lama hayo warbixin ku saabsan jaaliyadaha ku yaalo gobolkaan.

Khariidada adeegga bulshada

Halkan waxaad ka arki kartaa khidmada laga heli karo gobolka. Waxaad kaloo isticmaali kartaa qaanadda baaridda ee khariidada si aad u hesho una caleemadaysid boos tusaale ahaan cinwaanka deggaanka.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Degmooyinka gobolka ku yaalo

Hallands

Dadweyne

Dadka gobolka Halland iyo wax soosaarka dhaqaale ee gobolka wuu ka fiicanyahay kan wadanka oo dhan. Dadka usoo guuraya gobolka weey sii bateen tobankii sanoo ugu dambeeyay. 31 bishii desembar ee sanadkii 2013 waxeey dadka gobolka Halland gaareen 306 840 oo qofood. Halmstad waa degmada ugu weyn gobolka waxaa degan 94 000 oo qofood waana magaala madaxda gobolka. Dadka usoo dalxiiso gobolka weey badan yihiin, wakhtiga xagaagana weey sii laba jibaarmaan, waxeeyna noqdaan ku dhowaad malyan barkiis.

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri