Haninge

Haninge waxeey u jirta magaalada Stockholm 20 daqiiqo waxayna ka mid tahay degmooyinka ugu waweeyn gobolka. Degmada Haninge waxaad ka heli guryo waanagsan, center weyn oo sii weeynaneysa dukaamo badan iyo kaafeteriyaal, waxaana ka heleysa jasirado yaryar iyo dabeecado waanagsan. Haninge qof kasta wuxu jecelyahay wuu ka heli!

Soo bandhigid

Hamnen i Haninge

Deegaan

Haninge bostäder waa shirkad ey degmada iska leedahay waxana saf u istagi karta sidaa guri lagu siiyo. Shirkadooyin kale u qof sii gaar u leeyahay wii jiraan oo degmada guryo ka kiireya. Degmada Haninge guryaheeda waxeey u dhigmaan  boqolkiiba 43 guryo yaryar, boqolkiiba 25 gurya laa ijaaro oo ku yaal dhismo ka kooban guryo badan hyresrätt  boqolkiiba 32 guryaha la badh iibsado oo ayagan ku yaala dhismaha guryaha badan ka kooban. Degmada bogeeda internetka ayaad ka heleysa wixi fahfaahin ah guryaha ku yaala Haninge.

Lekplats och lägenheter i Haninge

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Afar qeeybood hal qeyb oo ka mid ah dadka dagan degmada Haninge waxey ku dhasheen waddamo kale. Wadaamadasna waxeey kala yihiiin, Iswiidhan hadda laga reebo, dalka Booland, Fiinland, Turkiga iyo dalka Chile. Ilmaha iyo dhalinyarta dagan degmada waxa loo haaya barashada afka hooyo, degmada Haninge waxaa ka dhignaa 40 luqadood oo kala duwan. Wixii dheeraad ah oo ku saabsan barashada afka hooyo waxad ka akhrisan degmada Haninge boggeda internetka.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Haninge waxaa ku yaala jaaliyado badan oo isugu jira kuwa ciyaaraha, dhaqanka iyo kuwa siyaasada. Qof kasta wuxuu xiiso u haayo wuu heleyaa. Jaaliiyadaha firifircoon oo dhan ee ka jira degmada waxaad ka heli kartaa liiska diiwaangalinta jaaliyadaha ee degmada. Degmada Haninge waxaa ku yaala goobo badan oo lagu ciyaaro xilli firaaqaha waxaana ku yaala meelo badan oo lagu dabaasho iyo dabeecad wanaagsan. Waxaa kaloo ka heleysaa degmada kaanisado iyo ururyo diimeed badan.

Grönsakshandlare och marknad i Haninge

Maxaa ka ag dhaw

Haninge waxaad ka heleysa warbixin degmeed, xafiiska shaqada, adeegga bulshada, xafiiska ceymiska. suuqa Handen waaxad ka heleysaa dukaamo badan iyo makhaayado. agagaarka suuqa Handen waxaa ku yaala suuqyo iyo dukaamo waaweyn.

Degmada waxa ku yaala dukaamo badan oo gada dhar, maacuun iyo alaabta guriga. Waxaana ka mid ah degmada dukaankeeda gacan labaadka ee secondhand-butik Fyndet lacagta soo gasha waxaa wax loogu qabtaa dadka shaqo la aanta heeyso ee degmada dagan.

Degmada waxaa ku yaala lix maktabadood oo kala ah: Brandbergen, Handen, Jordbro, Orn, Västerhaninge iyo bokbussen. Maktabada waxaad ka deeynsan kartaa buugaag iyo joornaalo, kombiyuutarro internet heeysto iyo caawimaad aad ka heleysid shaqaalaha maktabada.

En person letar böcker på biblioteket

Dalyeelka carruurta

Degmada Haninge waxaa ku yaal dugsiyada xanaanada caruurta iyo guryaha xanaanada caruurta, waxeeyna isu jiraan kuwo degmada iska leedahay iyo kuwo gaar loo leeyahay. Caruurtaada waxey bilaabi karaan xanaanada markeey hal sano buuxiyaan. Waxa jira labo xanaanooyinka furan ah oo dadka oo dhan tagi karan, waana lacag la'aan.

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Degmada waxaa ku yaal in la'eg labaatan dugsiyo hoose-dhexe iyo toban dugsiyo hose-dhexe oo sii gaar loo leeyahey. Haninge wuxaa ku yaala dugsiga sare ee Fredrika Bremer gymnasiet waxaana xukuma degmada. Waxaa kaloo ku yaal degmada lix iskool oo kala heeysta barnamijyo kala duwan. Waxaa kaloo ka heleysaa dugsi sare oo gaar u ah kheyraadka dabiiciga ah.

Furadaha waxbarasho

Degmada Haninge waxaad ka heleysa fursado badan oo waxbarasho oo dadka waaweeyn loogu tala galay. Qofka buuxiya labatan sano wuxuu bilaabi karaa xarunta Centrum Vux. Waxaad baran karata koorsooyin xisaab ama luqad.waxaa kaloo jira xirfado kala duwan oo aad baran kartid. Waxaadna dhigan kartaa maalintii ama habeenkii. Xarunta Centrum Vux waxaad ku baran kartaa luqadda iswiidhishka oo loogu tala galay muhaajirinta.

Jaamacada Kungliga Tekniska Högskolan waxaad ka baran kartaa barnaamijyada la xiriira teknaloojiyada, iskoolka dadka waaweyn ee Alma folkhögskola waxaad ku dhameystiran kartaa maadooyinka aadan ku baasin ee dugsiga sare.

Caafimaadka

Degmada Haninge waxaad ka heleysaa rugag caafimaaded oo fara badan, rugta caafimaadka caruurta iyo rugta dhalinyarada. Waaxaa kaloo ka heleysaa dakhtaro ilkhaha qaabilsan iyo rugta xannaanda hooyoyinka iyo Cisbitaalka Handen. Magalaada Stockholm maamul goboleedkeeda caafimaadka ayaa u xil saaran in dadka gobolka degan eey helaan daryeelka caafimaad eey u baahanyihiin.

Caawinaad turjubaan

Hadaadan fahmeyn luqadda iswiidhishka xaq ayaad u leedahay in turjubaan laguu qabto markaad la kulmeeysid xafiisyada kala duwan. Xaq waad u leedahay turjubaan hadaad ka dhaawacantahay xagga maqalka ama hadalka. Degmada Haninge ayaad u sheegeysaa hadaad u baahantahay turjubaan, anagaa kuu diyaarineyno.

Xiriirka gaadiidka

Degmada Haninge waxaa laga qaataa tareen ama bass. Meelaha jaziiradaha yaryarna waxaa ku badan doomaha. Isteeshinada uu istaago tareenka waa Handen, Jordbro, Västerhaninge, Krigslida, Tungelsta iyo Hemfosa marka laga billaabo dhinaca waqooyi. Xaafadaha kale waxaad ku tagi kartaa basaska jazirahana waxaad ku tagi kartaa doomaha.

Shirkadda SL boggooda internetka waxaad ka iibsan kartaa safaradaada waxaad kaloo ka heli kartaa qiimaha tikidada iyo waxyaabo kaloo badan.

Shaqo iyo ganacsi

Degmada Haninge waxaa ka jira in ka badan 6000 oo shirkadood oo kala duwan. Waxaa ka jira Shirkado yaryar iyo shirkado caalami ah sida coca cola. Degmada ayaa ah shaqa bixiyaha ugu weyn ee Haninge waxaana ka shaqeeya qiyaastii 5000 oo shaqaale. Laakiin maadaama aad bartamaha Stockholm aad ku tagi kartid 25 daqiiqo gudahood waxaad ka shaqeyn kartaa meel kasta oo Stockholm dhexdeeda ah.

Hadaad shaqo ka raadineysid shaqo degmada Haninge waxaad aaddaa xafiiska shaqada oo xafiis ku leh xaafada Handen, halkaasoo aad ka heleysid caawiska aad u baahan tahay. Xarunta degmada ee Kommunens arbetscentrum waxuu caawiyaa dadka eey ku adagtahay ineey shaqo caadi ah helaan. Halkaan waxaa lagaa caawinaa sida aad baraktiik ama shaqo u heli laheyd. Hadaad rabtid inaad shirkad furatid waxaad la xiriirtaa NyföretagarCentrum.

Shaqooyinka banaan

Halkaan waxad ka arkaysa shaqada ka banaan iminka degmada iyo nawaaxigeeda.

Qor hal eray si aad ugu doorato liiska
Bogga 1 ee ka mid ah 715

Khariidada adeegga bulshada

Waxaa khariidada ka arki kartaa shaqooyinka guud ee degmada. Waxaad isticmaali kartaa meel khariidada kamid ah oo aad ku qori kartid ereyga waxa aad raadineysid, sida ciwaanka guriga aad raadineysid.

Dooro waxii aad rabtid ineey khariidada ku tusto

Waxaa jri kara shaqooyin badan

Ogeeysiisyada shaqada qaarkood kuma qorna ciwaanka meesha shaqada mana laga arki karo khariidada, laakin waxaad ka heli kartaa bogga ”shaqooyinka bannaan”.

Haninge

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

80 932

Cabirla dhulka

458 km2

Masaafada u jirta magaalada waaweyn

Stockholm 20 km

Göteborg 475 km

Malmö 620 km

Bogga internetka degmada

Informationsverige.se waxuu ka dhaxeeya maamulada gobolada, waana bog leh warbixin-bulsho oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub.
© Xuquuqda daabicidda 2016 Gobolka Västra Götalands län

Bogga informationsverige.se waxaan isticmaalnaa anagga cookies si aan kuu siino isticmaal wanaagsan. Adigoo horey u sii baaraya waxaad aqbalaysaa cookies

Faahfaahin dheeri oo ku saamsan cookies akhri